|
|||||
| Allgedo News, Sabti , October 21, 2006 | |||||
| Roobab lagu qabowsaday oo ka da’ay inta badan gobolka Gedo
Roobab lagu diirsaday ayaa ka da’ay shalay iyo xalay degmada Baardheere iyo deegaano hoos-yimaada, kuwaasi oo dadka iyo duunyadaba ay ku qabowsdeen, xilli si weyn loo sugayay. Roobabkaan oo biyo dhigay wadooyinka magaalada Baardheere ayaan la soo sheegin wax qasaaro ah oo ay geeysteen, iyadoo beeraleyda iyo xoolo dhaqatada ay si weyn u soo dhaweeyeen. Sidoo kale roobabkii deyrta ayaa waxa ay ka curteen deegaano ay ka mid tahay degmada B/xaawo, Garbaharteey, Luuq iyo meelo kale oo ka tirsan gobolka Gedo oo si weyn loogu qabowsaday. Roobabkaan ayaa ku soo beegmay xilli dadka iyo duunyada ay si weyn ugu baahnaayeen in ay helaan biyo ku filan.
Gobolka Gedo ayaa waxa uu ahaa meelihii ay ugu saameynta badneyd abaarihii
sanadkii hore ka dhacay K/Somalia.
Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|