|
|||||
| Allgedo News, Axad, October 22, 2006 | |||||
|
Xiisado dagaal oo aad u ba’an oo ka taagan Magaalada Buur-hakaba iyo meelo kale
Gawaari dagaal oo fara badan iyo ciidamo lagu soo daabulay gawaarida xamuulka ayaa xalay lagu soo daadgureeyay degmada Buur-hakaba si ay u xoojiyaan ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ee shalay la wareegay gacan ku heynta magaalada Buur-hakaba. Sidoo kale ciidamo iyo gawaari dagaal oo ka tirsan maxaakiimta islaamka ayaa iyaguna gaaray deegaanka Qardho oo 15 KM u jira magaalada Buur-hakaba, halkaasi oo ay horey ugu sugnayeen maleeshiyooyin shalay laga soo eryay magaalada Buur-hakaba oo taageersan maxkamadaha islaamka. Dhaq dhaqaaqyada ciidan oo ay ku howlan yihiin dowladda KMG ah iyo Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa u muuqdo kuwo sii xoogeysanaya marba marka ka dambeysa, iyadoo laga cabsi qabo in maanta iska horimaad uu dhaco; hadii dagaal uu bilowdana ay K/Somalia jilbaha dhigeyso colaado sokeeye. Shalay ayay
aheyd markii ciidamo ka tirsan dowladda kMG ah ay gacanta ku dhigeen degmada
Buur-hakaba oo dowladu ay sheegtay in ay ka eryeen maleeshiyooyin qalqal
ku ahaa amaanka xarunta dowladda KMG ah.
Xafiiska
Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|