WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  October 22,  2006

Golaha maxaakiimta islaamka Somalia oo tababaro u dhameeyay ilaa 500 oo askari


Mogadishu- October 22, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa tababaro u soo gabogabeeyay ilaa 500 oo maleeshiyo ah oo tababaro ciidameyn ah lagu siiyay xerada Hiil-weyne ee degmada Balcad oo halkaasi uga socday bilihii la soo dhaafay.

Munaasabad lagu weyneynayo xirirtaanka Tababarkaan loo soo gabo gabeeyay ciidamadan ayaa waxa ay ka dhacday Xerada Hiil-weyne halkaasi oo ay qudbado ka jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha islaamka oo ku baaqay jihaad lala galo ciidamada Ethiopia ee kaabiga ku soo haya dalka.

K/xigeenka 2aad ee golaha Fulinta maxkamadaha Sheekh C/qaadir cali oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu kula dardaarmay ciidamada tababarka u dhamaaday in ay u istaagaan difaaca dalkooda iyo diintooda.

Ciidamadaan oo kor u dhaafayay 500 askari ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagala hortagayo ciidamada Ethiopia oo si sharci darro ah ku soo galay gudaha Somalia.

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com