WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  October 22,  2006

Ciidamadii Barre Hiiraale iyo kuwa maxkamadaha islaamka oo isku fara saaray Bu'aale


Mogadishu- October 22, 2006 Dagaal qaraar ayaa waxa uu iminka ka bilowday degmada Bu’aale ee gobolka J/dhexe, iyadoo dagaalkana uu u dhaxeeyo maleeshiyaadkii Barre Hiiraale iyo kuwa maxkamjadaha islaamka sida lagu helayo wararka saakay qadka isgaarsiinta fooneeyaha ee magaalada Bu’aale.

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka cul culus nuucyadiisa kala duwan ayaan la ogeyn ilaa haatan qasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi uu geesytay, israsaaseyn kulul oos ocota aawadeed.

Maleeshiyaadka col. Barre Hiiraale oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa meel aan sidaasi uga fogeyn magaalada Bu’aale ayaa saakay weerar gaadmo ah ku soo qaaday magaalada Bu’aale oo fariisn u ah ciidamada maxkamadaha islaamka.

Wararkii ugu dambeeyay ee lagu helay qadka isgaarsiinta fooneeyaha ayaa waxa ay tilmaamayaan in dagaalka uu ka socda gudaha iyo daafaha magaalada Bu’aale, iyadoo ay adag tahay in la saadaaliyo cidda ku gacan sareysa.

Dhinaca kale waxaa laga cabsi qabaa dagaalo kale oo ka qarax degmada Buur-hakaba oo ay joogaan ciidamada dowladda, waxaana meel aan ka sii fogeyn halkaasi ku qulqulaya ciidamada maxaakiimta islaamka

 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com