WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  October 22,  2006

Saraakiil u kala hadashay Maxkamadaha iyo Barre Hiiraale oo hadalo isburinaya ka soo saaray dagaalka Bu’aale


Mogadishu- October 22, 2006 Saraakiil u kala hadashay maxkamadaha islaamka Somalia iyo waliba isbaheysiga Barre Hiiraale ayaa hadalo is burinaya ka soo saaray dagaal maanta la sheegay in uu ka dhacay degmada Bu’aale, halka Mas’uul kale oo ka tirsan Maxkamadaha islaamka uu qirey dagaal uu ka socda degmada Bu;aale.

Danjire cabdi Shire oo xiriir ay la sameeyeen warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin wax dagaal ah oo Maanta ciidamadooda ay ku soo qaadeen Bu’aale, isagoo laakiin meesha aan ka saarin in dagaal uu dhici doono.

Cabdi Shire waxa uu beeniyay in wax dagaal ah saakay ay ka dhaceen magaalada Bu’aale.
Sidoo kale Sarkaal la yiraaho C/laahi Axmed Warsame una qaabilsan Maxkamadaha dhinaca amaanka Jubbooyinka ayaa waxa uu beeniyay in dagaal uu ka dhacay degmada Bu;aale.
Sarkaal ka tirsan Maxkamadaha islaamka Somalia ee Muqdisho oo dhinaca xiriirka dhalinyarada u qaabilsan Maxkamadaha Sheekh Fu’aad ayaa xaqiijiyay isna wareysi uu siiyay Idaacadda IQK in dagaal uu ka dhacay degmada Bu’aale .


Laakiin warar ka madaxbanaan Mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay sheegayaan in iska horimaad xoogan uu ka dhacay degmada Bu’aale, inkastoo aan la xaqiijin Karin tirada rasmiga ah ee wax ku noqotey iyo cidda ku gacan sareysa intaba.

 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com