|
|||||
| Allgedo News, Axad, October 22, 2006 | |||||
| Waxgaradka beesha Sade oo ka codsaday Maxkamadaha in hub beeshu ay leedahay loo soo celiyo
Shir Jaraa’id uu maanta ku qabtey Magaalada Kismaayo mid ka mid ah odayaal dhaqameedyada beesha Sade oo lagu Magacaabo Max’ed Wali ayaa waxa uu ka sheegay in ay ka codsadeen maxkamadaha islaamka in ay dib u soo celiyaan gawaari dagaal ee beesha Sade ay laheyd oo dhowaan lagala baxay guryaha magaalada Kismaayo, ka dib markii dhowaan halkaasi qalalaaso uu ka dhacay. Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa gawaari ka badan 5 waxa ay kala baxeen guryaha magaalada Kismaayo, ka dib markii maleeshiyo joogta beerxaano ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamada Maxkamadaha ee ku jrey warshadii Hilibka todbaadkii la soo dhaafay. Codsiga Odayaasha beesha Sade ayaa ku soo beegmay, xilli weerar uu ku soo yahay magaalada Kismaayo Col. Barre Aadan Shire Hiiraale.
Maxkamadaha islaamka Somalia lama sheegin wali in ay aqbaleen codsiga
odayaasha beesha Sade.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|