|
|||||
| Allgedo News, Axad, October 22, 2006 | |||||
| Maxkamadaha islaamka ku qabsaday dagaalkii maanta 22 gawaarida dagaalka sida ay sheegteen.
Sida ay sheegteen golaha maxkamadaha islaamka Somalia waxa ay gacanta ku dhigeen 22 baabuur oo 16 ka mid ah ay yihiin baabuurta dagaalka, ka dib markii saakay dagaal qaraar ay kula galeen magaalada Bu’aale maleeshiyo daacad u aheyd Col. Barre Hiiraale. Dagaalkaan oo socday saacado ayaa geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, iyadoo ilaa iyo wali aan si rasmi ah loo sheegi Karin balse warar ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay ka bada tahay 15 ruux inkastoo aan la xaqiijin. Dagaalkaan oo bilowday saakay waabarigii ayaa soo idlaaday galabta, xilli roobab xoogan oo lixaad leh ay socdeen. Gawaarida dagaalka ee Maxkamadaha islaamka ay qabsadeen ayaa la sheegay in intooda badan ay ku dhaceen godad ay qodeen daadad ka dhashay roobka, ka dib markii ay ka carareen ciidamadii Barre Hiiraale waa sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Maxkamadaha islaamka. Hadii ay dhabowdo sheegashada Maxkamadaha islaamka ay sheegteen in ay qabsadeeen inta badan hubkii uu lahaa Barre Hiiraale ayaa waxa ay dharbaaxsho xoogan ay ku tahay dowladda taagta daran ee Fadhida magaalada Baydhabo. Wasiirka G/dhigga dowladda KMG ah ee Somalia Col., Barre Hiiraale ayaa maalmihii ugu dambeeyay abaabulo dagaal ka waday qeybo ka mid ah Jubbooyinka ka dib markii todobaadkii hore uu ka soo guuray degmada Baardheere oo uu dib isugu soo kooxeeysteen maleeshiyadiisa iyo kuwo kale oo ka yimid dhibaca degmada ceelwaaq. Ilaa iyo
wali lama oga sida rasmiga ah halka ay beegsadeen ciidamadii uu watay
Col. Barre Hiiraale, inkastoo wararka qaar ay tilmaamayaan in ay sii dhaafeen
degmada Saakoow ee gobolka J/dhexe.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|