|
Mogadisho/Somalia -
Ciidamada dowladda Itoobiya oo wata Taangiyo
ayaa markii ugu horeysay soo galay caasimadda
Soomaaliya, iyagoo ka so galay dhanka Ex- Control Balcad
ee Suuqa Xoolaha ee duleedka caasimadda, kuwaasi
oo gudaha u soo galay Muqdisho.
Ciidamadan
ayaa waxaa wehliya kuwa dowladda KMG ah ee
Soomaaliya, kuwaasi oo iyana sidoo kale ay isku
mar soo galeen caasimadda Muqdisho isla markaana fariisimano ka sameysteen xeryaha ay deganaan
jireen cidamadii la jebiyay ee Maxkamadaha.
Inta laga
warqabo taariikhda, waa
markii ugu horeysay oo ay Ciidamo Ethiopian ah soo galaan caasimadda Soomaaliya,
iyadoo Somalia iyo Ethiopia ay waligeedba ka dhaxeysay cadowtinimo
soo jireen ah.
Ra’isulwasaaraha
Dalka
Ethipoia Meles Zenawi ayaa maanta mar uu
shacabka dalkiisa kala hadlayay aaladaha war
tebinta sida Raadiyaha iyo TV-ga waxuu yiri "maanta ciidamadeena gudaha
ayay u galeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waana ay jabsheen kooxihii
mayalka adkaa ee maxkamadaha", isagoo
hadalkiisa sii watana waxuu sheegay Zanawi
in uu wacad ku
maray in aanu ka hari doonin kooxaha shabaabka
ah, isla markaana uu kaga daba tegi doono kulana dagaalami doono dhinaca
Gobolada ay u baxsadeen ee Jubbooyinka.
Arintaan
ayaa waxa ay ku soo beegmatay xilli Maxkamadaha
Islaamka Somalia ay maalintii shalay aheyd faaruqiyeen
Caasimadda Soomaaliya, iyagoo u jiheystay dhinaca Jubboyinka.
Allgedo News Media Network
Xafiiska Muqdisho
allgedo@allgedo.com
|