WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Axad,  October 22,  2006
Golaha maxkamadaha islaamka Somalia oo maamul cusub u sameeyay Sh/dhexe, kii horena kala direy.


Mogadishu- October 22, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa maamul cusub u sameeyay magaalada Jowhar, ka dib markii maanta la kala direy maamulkii hore ee gobolka Sh/dhexe.

Gudoomiyaha golaha Fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay gaaray magaalada Jowhar, maantana kala direy xubnihii maamulkii KMG ahaa ee gobolka Sh./dhexe ayaa caawa waxa uu ku dhawaaqay maamul cusub.

Sheekh Shariif ayaa Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sh/dhexe waxa uu ka dhigay Cabdi Samad Xasan Max’uud,( Xiirane) halka K/.xigeeno iyo maamulo kalena lagu dhawaaqay..

Sheekh Shariif ayaa hadalkani ka sheegay shir Jaraa;’id uu ku qabtey magaalada Jowhar, iyadoo munaasabad weyn loo sameeyay, oo xilkiina lagaga wareejiyay maamulkii hore.

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay qabsadeen magaalada Jowhar bartamihii bishii June markii halkaasi ay ka eryeen xoogaggii Max’ed Dheere oo ka tirsanaa isbaheysigii la dagaalanka argagixisada.

 


 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com