WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Isniin,  October 23,  2006
Maleeshiyada deegaanka oo dib u qabsaday Buur-hakab, ka dib markii ay ka baxeen kuwa dowladda.


Mogadishu- October 23, 2006 Ciidamadii dowladda KMG ah ee Somalia oo sida la sheegay ay wehliyeen ciidamo Ethiopian ah ayaa xalay isaga baxay magaalada Buur-hakaba, xilli shalay dagaalo qaraar ay ka dhaceen degmada Bu’aale oo Maxkamadaha islaamka ay sheegteen jab ay u geeysteen ciidamdii wasiirka G/dhigga. Col. Barre Hiiraale

Ciidamada dowladda KMG ah ayaa xalay isaga huleelay magaalada Buur-hakaba, iyagoo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, ka dib markii sida la sheegay ciidamada Maxkamadaha islaamka ay ku dhawaadeen halkaasi.

Maleeshiyadii deegaanka oo taabacsaneyd maxkamadaha islaamka ee horey looga eryay halkaasi ayaa saakay gudaha u galay degmada Buur-hakaba, iyadoo aanu dhicin wax isku dhacyo ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda islaamka Albayaan, Max’ed Ibraahim Bilaal oo la soo xiriirey warbaahinta Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in saakay uu gaaray magaalada Buur-hakaba, isla markaana ay gacanta ku hayaan.;

Ilaa iyo haatan lama yaqaan sababaha keenay in ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ay dib uga gurtaan magaalada Buur-hakaba, iyadoo dowladda ay horey u sheegtay in ciidamdeeda ay ku sugnaanayaan degmada Buur-hakaba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamada dowladda ay salka ku heyso khilaaf soo kala dhex galay horjoogayaasha ciidamada dowladda, laakiin waxa ay ku soo beegmeysaa xilli shalay Maxkamadaha islaamka ay jab u geeysteen ciidamadiiw asiirka G/dhigga dowladda oo laga qabsaday ilaa 26 baabuur oo 16 ka mid ah ay tahay baabuurta dagaalka, taasoo dharbaaxsho weyn ku noqotey dowladda KMG ah.

Ma jiraan wax warar ah oo ka soo baxay dowladda oo ku aadan ka bixitaanka ciidamadeeda Buur-hakaba


 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com