WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Isniin,  October 23,  2006
Maxaakiimta islaamka Somalia oo Muqdisho ka furtay Idaacad u gaar ah


Mogadishu- October 23, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa idaacad ku hadasha afkooda waxa ay ka furteen magaalada Muqdisho, xilli Maxkamadaha islaamka ay qorsheynayaan in ay sharciyo u sameeyaan warbaahinta xorta ah.

Furitaankii idaacaddaan oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha golaha shuurada Maxkamadaha islaamka Sheekh Xasan Daahir Aweys, Gudoomiyaha golaha fulinta Maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo idaacaddaani cusub loogu magac daray idaacadda Jamhuuriyadda codka umadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintani ayaa waxa ay sheegeen in idaacaddani ay wax ka qaban doonto arimaha bulshada, iyadoo u adeegi doonta dalka iyo diinta.

Golaha Maxkamadaha islaamka Somalia ee inta badan gacanta ku haya K/Somalia ayaa dhowaan la wareegay idaacaddii Afrikada bari isla markaana ay ka qaateen FM tii idaacadda, iyagoona damiyay Idaacadda sida ay sheegeen maamulkii idaacaddaasi , ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay ku hadli jirtey Afka Isbaheysigii burburey ee la dagaalanka argagixisada.

Idaacadd Afrikada Bari oo hawada ka maqan todobaadyo ayaa waxaa lahaa Ganacsade Bashiir Raage oo xubin ka ahaa isbaheysigii burburey ee la dagaalanka argagixisada .

Si kastaba ha ahaatee Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxa ay horey u lahaayeen Websiteyo ku hadla afkooda, iyado tanina ay ka dhigeyso mid sii muujineysa sida Maxkamadaha islaamka ay u gaarsiinayaan dadka Muqdisho dhacdooyinka ku aadan.



 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com