|
|||||
| Allgedo News, Isniin, October 23, 2006 | |||||
| Madaxda
labada gole ee Maxkamadaha islaamka Somalia oo si kulul u weeraray Ra’isulwasaaraha
Ethiopia.
Maxaakiimta islaamka Somalia ayaa ku edeeyay dowlada Ethiopia in ay Ciidamo ay leedahay ay ka qeybqaateen dagaalkii shalay magaalada Bu’aale ee gobolka J/dhexe ku maray ciidamada maxaakiimta islaamka iyo maleeshiyo taabacsan wasiirka G/dhigga dowlada KMG ah Col.Barre Aden Shire Hiiraale. Gudoomiyaha golaha Fulinta maxaakiimta islaamka Sheekh shariif ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ee ka barbar dagaalmay maleeshiyada Cornel Barre hiiraale uu ka soo gaaray qasaaro dagaalkii shalay. Sheekha ayaa ku eedeeyay Rai’sulwasaaraha Ehiopia in uu ku howlan yahay burburinta dalka Somalia yo dadka Somaliyeed, taasina Maxkamadaha islaamka ma ogolaan doonaan, isagoo sheegay in marnaba Zenawi aanu u rumoobi doonin riyadiisa ah in uu wiiqo madax banaanida dadadka iyo dalka Somalia Gudoomiyaha golaha shuurada maxaakiimta islaamka Sheekh Xasan Daahir ayaa sidoo kale ku edeeyay Dowlada Ethiopia in ay fara galin toos ah ku heyso arimaha Somalia ,isla markaana Ciidamadeedu ku jiraan Gudaha dalka. “ Waxaa dhulka ku hari doona kuwa allaha raali uu ka noqday oo diintiisa koryeelay” ayuu yiri Sheekh Aweys. Hadaladan ayay u jeediyeen maanta salaadii ciidda ka dib boqolaal dad ah oo isugu soo baxay Masjidka Isbaheysiga oo maanta lagu dukaday salaadii ciidda.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|