|
|||||
| Allgedo News, Isniin, October 23, 2006 | |||||
| Ra’isulwasaaraha
Somalia oo beeniyay dagaalo la sheegay shalay in ay ka dhaceen Buur-hakaba
Ra’isulwasaaraha Somalia ayaa shir Jaraa’id uu ku qabtay magaalada Baydhabo waxa uu si weyn uga hadlay arimo dhowr oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira magaalooyinka Bu’aale iyo Buur-hakaba. Geedi ayaa waxa uu sheegay in aanu jirin wax dagaal ah iskaba dhaaf jab loo geeystay wasiirka G/dhigga ciidamadiisa, isagoo sheegay in barre Hiiraale uu ku sugan yahay inta u dhaxeysa Bu’aale iyo Baardheere. Hadalka Geedi ayaa ka dambeeya ka dib markii shalay Maxkamadaha islaamka Somalia ay sheegteen in ay jab u geeysteen ciidamadii Barre Hiiraale oo ay ka qabsadeen in ka badan 22 baabuur oo 16 ka mid ah ay tahay gawaarida dagaalka. Ra’isulwasaaraha Somalia ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha islaamka Somalia in ay wadaan dhul balaarsi, isla markaana dowladiisa aysan faraha ka laaban doonin haddii duulaan ay ku soo qaadaan magaalada Baydhabo, isla markaana ay iska difaaci doonaan. “ Dowladda Somalia oo kaashaneysa shacabkeeda waxa ay jilbaha u dhigi doontaa duulaan kasta oo gar darro ah oo maxkamadaha islaamka ay ku soo qadaan magaalada Baydhabo oo ah fariisinka kaliya ee dowladda Somalia” ayuu yiri Geedi. Ra’isulwasaaraha Somalia ayaa sidoo kale gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in xubnaha dowladda Somalia ee Baydhabo jooga ay qalqal ka soo wajahday dhaq dhaqaaqyada ciidamada maxaakiimta aa kaabiga ku haya magaalada Baydhabo. Geedi oo mar wax laga weydiiyay in dowlada Somalia ay ka guuryso magaalada Baydhabo ayaa waxa uu yiri “: hadii dowladeyda ay guureyso waxa ay u guureysaa magaalada Muqdisho” Geedi ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay in ciidamada dowladda ay kaga soo baxeen Buur-hakaba cabsi ka soo wajahday maxkamadaha, isagoo sheegay in ciidamada dowladda ay halkaasi u tageen arimo nabadgalyo isla markaana ay ciidamo deegaanka ah ku soo wareejiyeen halkaasi, isagoo xitaa beeniyay in ciidamo ka tirsan maxkamadaha islaamka ay joogaan magaalada Buur-hakaba. Geedi ayaa dhinaca kale shirkiisa Jaraa’id waxa uu halbalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan munaasabadda ciida soonfur.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|