|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 24, 2006 | |||||
| Ciidamada
Maxaakiimta Islaamka Somalia oo 30 KM u jirsaday Xarunta dowladda ee Baydhabo
Wararka saakay laga helayo magaalada Buur-hakaba ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada maxaakiimta islaamka Somalia ay u sii durqeen dhinaca Baydhabo, iyagoo u jira magaalada Baydhabo masaafo dhan 30 KM halka ciidamada dowladana ay joogaan meel 15 u jirta Baydhabo. Magaalada Baydhabo ayaa saakay hadal heynta ugu badan ay tahay arimaha dhaq dhaqaaqyada ciidamada maxaakiimta iyo kuwa dowladda, iyadoo dadku ay cabsi ka qabaan in dagaalka uu ku soo siqo magaalada Baydhabo hadii iska horimaad uu dhex maro labada dhinac, Dhaq dhaqaaqyadaan ciidan ee ka jira magaalada Buur-hakaba iyo Baydhabo ayaa ku soo beegmay xilli shalay xoogagga maxaakiimta ay gudaha u galeen magaalada Buur-hakaba, ka dib markii ciidamada dowladda ay kal hore isaga baxeen halkaasi. Xiisadahaan ka oogan gobolka Baay ayaa u muuqdo kuwa isi soo taraya, iyadoo la soo sheegayo ciidamo Ethiopian ah oo aad u fara badan oo difaac kaga jira duleedka Baydhabo, iyadoo Ethiopia ay horey u sheegtay in ay daafaceyso magaalada Baydhabo. Dhinaca kale
ciidamo Ethiopian ah oo aad u hubeysan ayaa ka soo gudbay gobolka Gedo,
kuwaasi oo saacadaha soo socda ku soo wajahan magaalada Baydhabo si ay
u xoojiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopian ah oo difaac kaga jira
duleedka magaalada baydhabo.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|