|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 24, 2006 | |||||
| Xaaladda
degmooyinka Bu’aale iyo Saakow oo xasiloon
Xaaladda magaalooyinka Saakow iyo Bu;aale ayaa saakay dagan, iyado aanu shalay ka dhicin wax israsaaseyn ah, ka dib markii dorraad ay isku fara saareen magaalada Bu’aale xoogagga maxaakiimta iyo kuwa wasiirka G/dhigga dowladda Somalia. Degmada Bu’aale ayaa dagaalkii doraad ka dhacay waxa auu saameyn ku yeeshay isu socodka gaadiidka, iyadoo inta badan dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay u qaxeen meelaha baadiyaha si ay uga bad baadaan dagaalada. Sidoo kale xaaladda degmada Saakow ee gobolka J/dhexe ayaa saakay dagan, iyadoo aanu jirin wax dagaalo ah, inkastoo laga cabsi qabo in ay mar kale fooda is daraan ciidamada Barre Hiiraale iyo kuwa Maxaakiimta islaamka. Ciidamada wasiirka G/dhigga dowladda Somalia ayaa lagu soo waramayaa in ay joogaan meel dhowr 60 km u jirta degmada Saakow, halkaasi oo ay isku uruursanayaan, ka dib markii dhowaan ciidamada maxkamadaha ay ka soo riixeen dhinaca Bu’aale. Si kastaba
ha ahaatee waxaa muuqanaya in maxkamadaha islaamka iyo dowladda KMG ah
ay isku midiyo sifeysanaya , kuwaasi oo isku diyaarinaya dagaalo lagu
hoobto oo ka dhaca Bu’aale.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|