WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Talaado,  October 24,  2006
Maxakamadaha islaamka Somalia oo waxba kama jiraan ku sheegay maamulada Somaliland iyo Puntland.


Mogadishu- October 24, 2006 Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa waxba kama jiraan ku sheegay maamulada Somaliland iyo Puntland , isla markaana Somalia ay tahay mid ku astaansan jamhuuriyadda Somalia.

Sheekh xasan Turki oo ka mid ah xubnaha joogtada ah ee golaha shuurada Maxaakiimta islaamka Somalia oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin waxa uu ugu yeeray Somaliland iyo Puntland, Somaliana ay tahay mid astaanteeda uu yahay Jamhuuriyada islaamiga Somalia waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sheekh xasan Turki ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka Somalia ay jab u geeysteen ciidamadi Barre Hiiraale, taasina ay quus ku tahay dowladda KMG ah ee fadhida Baydhabo, oo uu tilmaamay in ay gacanta ku dhigayaan magaalada Baydhabo.

“ Gacan ayaan ku qabaneynaa dalka oo dhan waxaana ku soo dabaali doonaa shareecada islaamka, waana naga go’an tahay in aanu baadi goobno dhulalka kale ee Somalia ay leedahay” ayuu yiri Sheekh Xasan Turki.


Sheekha waxa uu soo hadal qaaday wada hadalada magaalada Khartoum oo uu ku sheegay in aanu rajeyneyn natiijo ka soo baxda, isagoo yiri” dowladu waxa ay wadataa Charter anaguna waxaan wadnaa kutubkii alle labadaasina meel isla magalaan, waana taasi sababta u dhahayo lama wada heshiin doono”.

Hadalka Sheekh Xasan Turki oo dhinacyo badan taabanayay ayaa ku eedeeyay dowlada KMG ah ee Somalia mid u adeegta dano shisheeye.

Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku sheegay beesha caalamka, oo uu ku tilmaamay mid uu horkaco Mareykan, Mareykana uu yahay midka islaamka haatatan wiiqid ku haya’

Hadalka Wadaadkani ayaa ku soo beegmay xilli maxkamadaha islaamka Somalia ay ku sii siqayaan xarunta dowladda ee Baydhabo, ka dib markii dhowaan jab ay u geeysteen xoogaggii wasiirka G/dhigga sida ay sheegteen.

 

 

 

 




 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com