|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 24, 2006 | |||||
| Maamulkii
hore ee gobolka Sh/dhexe oo maanta si rasmi ah u wareejiyay xilalka gobolka
Mogadishu- October 24, 2006 Maamulkii hore ee gobolka Sh/dhexe oo dhowaan la kala direy ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyay xubnaha cusub ee xilalkaasi loo magacaabay maamulka gobolka, ka dib munaasabad ka dhacday mnaanta magaalada Jowhar. Sheekh Cismaan Max’ed Max’uud oo ah gudoomiyihii hore ee maamulkii KMG ahaa ee gobolka Sh/dhexe ayaa ku wareejiyay Sheekh C/salaan Xasan oo dhowaan uu soo magacaabay gudoomiyaha golaha fulinta maxaakiimta islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dhowaan ayaa
Gudoomiyaha golaha fulinta Sheekh Shariif uu gaaray gobolka Sh/dhexe,
isagoo kala direy xubnihii maamulkii KMG ahaa, una sameeyay gobolkaasi
maamul cusub.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|