WELCOME TO ALLGEDO ONLINE
Allgedo News, Talaado,  October 24,  2006
Sarkaal Ethiopian ah oo ay gacanta ku dhigeen Maxkamadaha islaamka

Mogadishu- October 24, 2006 Golaha maxaakiimta islaamka Somalia ayaa sheegay in saraal Ethiopian ah ay ku soo qabteen dagaalkii dhowaan ku dhex maray magaalada Bu’aale Ciidamada wasiirka G/dhigga Barre Hiiraale iyo kuwa golaha maxakiimta islaamiga.

Shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada kismaayo afhayeenka golaha maxaakiimta ee goboladda Jubooyinka Sheekh Ibraahim shukri ayaa faahfaahin kaga bixiyay dagaalkii ciidamada golaha maxaakiimta islaamka iyo maleeshiyada Barre Hiiraale ku dhex maray Degaanka Dajuuma oo ku taala duleedka Degmada Bu’aalle ee gobolka Jubadda Dhexe.

Sheekh Ibraahim shukri ayaa waxa uu sheegay in maleeshiyada Barre Hiiraale ay u geeysteen jab weyn oo leh dhimasho iyo dhaawac, ayna ka qabsadeen 36 baabuur oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa kale.

Sheekh Shukri waxa uu tibaaxay in ka badan 40 maleeshiyada Barre Hiiraale ay ku geeriyoodeen dagaalka,I sagoo qasaaraha dhinacooda soo gaaray ku sheegay 3 dhimasho ah iyo dhaawac tiro yar.

Afhayeenka maxaakiimta ee gobolada Jubooyinka waxa kale oo uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Duleedka Degmada Bu’aalle ay ku soo qabteen sarkaal Ethiopia oo la socday maleeshiyada Barre Hiiraalle goor dhawna ay saxafadda u soo bandhigi doonaan.

Laakiin ma jiraan warar kale oo ka madax banaan sheegashada maxaakiimta iyo wailiba warar kale oo ka soo baxay dhinaca Barre Hiiraale.

 

 

 




 

Xafiiska Muqdisho

Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com