|
|||||
| Allgedo News, Talaado, October 24, 2006 | |||||
| Dowladda
Ethiopia oo si toos ah u qiratay boqolaal ka mid ah ciidamdeed oo ku sugan
gudaha Somalia.
Mogadishu- October 24, 2006 Dowladda Ethiopia ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in ciidamo boqolaal ah ay ka joogaan gudaha dalka Somalia, si ay u taageeraan dowladda KMG ah, hadii weerar uu kaga yimaado maxkamadaha islaamka. Ra’isulwasaaraha Ethiopia oo wareysi siiyay wakaaladda wararka reuters ayaa sheegay in dagaal hoose ay kula jiraan maxkamadaha islaamka oo horey ugu hanjabay in ay la jihaadayaan ciidamada dowladda Ethiopia. “ Ciidamadeena oo gaaraya 100 askari waxa ay ku sugan yihiin gudaha Somalia, si ay gacan u siiyaan dowladda” ayuu yiri Males zenawi. Ra’isulwasaaraha Ethiopia ayaa ku eedeeyay Maxkamadaha islaamka in ay ku howlan yihiin dagaal dhex mara Ethiopia iyo Maxaakiimta, isagoo ku tilmaamay maxkamadaha kuwo Qatar ku ah gobolka. “ Hadii ay maxkamadaha ku hanjabeed jihaad ay la galaan ciidamadeena, anaguna waxaanu sii wadeynaa dagaal farsameysan oo aan ku wiiqeyno maxaakiimta” ayuu yiri Zenawi. Ra’isulwasaaraha
ethippia ayaa waxa uu sheegay in ciidamadaasi boqolaalka ah ee ku sugan
Somalia ay u joogaan halkaasi sidii ay u difaaci lahaayeen dowladda, hadii
ay soo weeraraan maxaakiimta islaamka.
Xafiiska Muqdisho Allgedo
News Media Network (ANMN) |
|||||
|
|