|
|||||
| Allgedo News, Isniin , October 30, 2006 | |||||
| 4
ka mid ah Dhaawacyadii Barre Hiiraale uu uga Tagay Isbitalka Bu’aale
oo la dhameystirey . Mogadishu- October 30, 2006 Kooxo hubeysan ayaa dil arxan darro ah u geeystay 4 ka mid ah maleeshiyooyinkii Barre Hiiraale oo dhaawac ahaan u yiilay Isbitalka magaalada Bu’aale, iyadoo arinkaasina ay si weyn u cambaareeyeen Odayaasha Beesha Sade. Dilka loogu geeystay Bu’aale qaar ka mid ah dhaawacyadii barre Hiiraale ayaa waxaa Saxaafadda u xaqiijiyay Afhayeenka Maxkamadaha islaamka ee jubbooyinka Sheekh Ibraahim Shukri oo sheegay in gacanta ay ku dhigeen ciidamada Maxkamadaha labo nin oo lagu tuhmayo in falkaasi ay geeysteen, isla markaana baaritaano lagu hayo, cadaaladana la horkeeno doono.. 4taan nin ee dilka loogu geeystay magaalada Bu’aale ayaa waxaa lagu sheegay magacyadooda Dhicis Cabdi Dhurre,Xuseen Xasan Cali (Xuseen fareey), Max'ed faarax Cali Nuur, iyo Muxumad Xuseen Cali. Dadka magaalada Kismaayo ayaa si weyn u cambaareeyay falkaasi oo ay ku tilmaameen mid laga argagaxo isla markaana laga xumaado in dad dhaaca ah oo bukaan socod ah dil loogu geeysto Isbital lagu daweynayay. 4ta nin ee la qaarjiyay ayaa waxaa horey dhaawacyadooda uga cararay Isbaheysigii Barre Hiiraale, iyadoo halkaasi ay ka soo qaadeen ciidamada Maxkamadaha oo dawo ahaan u keenay Bu’aale Isbital ku yaala, iyadoo markii maalmo ay ku jireena maleeshiyooyin deegaanka ah sida la sheegay ay dil u geeysteen./ Dagaaladii
dhowaan ka dhacay degmada Bu’aale ayaa waxaa la aaminsan yahay in
ay ku nafwaayeen in ka badan 80 ruux oo labada dhinac ah, iyadoo dagaalkaasi
Maxkamadaha ay sheegteen in ay ku qabsadeen gawaari dagaal iyo saraakiil
ka tirtsan ciidamada Barre Hiiraale, iyo waliba Sarkaal Ethiopian ah,
inkastoo markii dambe Sarkaal u hadlay ciidamada barre Hiiraale uu beeniyay
qabsashada sarkaalkaasi, laakiin uu query in jab ay kala kulmeen dagaalkaasi.
Xafiiska
Muqdisho |
|||||
|
|