Diyaarinta qoraalkan waxa ay igu dhalatay kadib
markii diyaar garwga ay reer Gedo ugu jiraan
duulaan ay ku qaadaan magaalada Kismaayo uu
gaaray meeshii ugu sareysay iyada oo ujeedada
duulaankooda lagu soo koobi karo:
1- In
beeshu soo ceshato qabkeedii siyaasadeed ee
dhaawacmay kadib markii si farsameysan
gacanteeda looga saaray awooddii buuxday oo aan
lala wadaagin oo ay magaalada ku laheyd.
2- In
la soo celiyo karaamada hogaamiyihii Isbahaysiga
Dooxada Jubba oo ay beeshu u haysay abaal
ballaaran, inkasta oo arinkan ay hareeyeen
waayadan dambe su’aalo badan kadib markii
hogaamiyuhu dagaalo la galay dhibaatooyina u
geystay xubno firfircoon oo beesha kamida iyo
taageerayaashoodaba.
Waxaan ka hadal
laheyn maadaama uu dalku ku sugan yahay xaalad
xasilooni daro iyo qulqulatooyin siyaasadeed ah
in ciddii dareenta in masaalixdeedii khatar ku
jirto ay u guntado sidii ay masaalixdaa ku
difaacan laheyd siyaasad ahaan iyo milatari
ahaanba, waana tan keentay in beesha Sade ay
dagaal u guntato markii lagu bahdilay magaalada
Kismaayo bartamihii iyo dabayaaqadii
sagaashameeyadii, laakiin waxaa is weydiin leh
in dagaalku yahay xalka keliya ee lagu difaacdo
masaalixda aad leedahay xilli kasta, iyo in ay
jiraan wadooyin kale oo aad wax ku difaacan
karto.
Haddii aan dib u
milicsano taariikhda dhaw, beesha Sade waxa ay
hormuud u aheyd hogaankii xukuumaddii milateriga
aheyd ee ka jirtay Soomaaliya 1969-1991, waxayna
kaalin firifircoon ka qaateen xubnaha beeshu
difaacii midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka
Soomaaliyeed, hase yeeshee markii burburkii ku
yimid dawaladdii dhexe ee Soomaaliya beesha
waxaa soo waajahay xaalad siyaasadeed cakiran,
taasoo ah in ay hor timid labo masa’lo oo u
baahnaa kala doorasho:
1- In
ay difaacadaan masaalixdooda siyaasiga ah iyaga
oo ah beel kamida beelaha Soomaaliyeed.
2- In
ay soo celiyaan karaamadii Alle ha u naxariistee
Gen. Maxamed Siyaad Barre, Madaxweynihii Qaranka
Soomaaliyeed.
Haddaba labadan
mas’alo waxaa u kala guntaday u ololeyntooda
siyaasiyiintii iyo waxgaradkii beesha Sade,
waxaana la xasuustii sidii siyaasiyiintii u
ololeynayay qodobka 2aad oo ah in Madaxweynaha
lagu celiyo Villa Somaliya ay uga awood
roonaadeen qoladii kale ee is tustay in
Madaxweynuhu lahaa waqti, waqtigiisiina uu soo
qaatay, aysana muuqan fursad kale oo u harsan,
lama huraana ay tahay in la xeeriyo maslaxadda
guud ee beesha oo laga shaqeeyo sidii la isugu
xiri lahaa oo ay danaheeda u difaacan laheyd
iyada oo ah beel kamida beelaha Soomaaliyeed.
Sida la xusuusto
guushii raacday qolyihii u ololeeynayay in la
soo celiyo karaamada Madaxweynaha waxa ay ku
dhamaatay in beeshu qaaddo labo duullaan oo
waaweyn khasaarihii ka dhashayna ilaa manta laga
sheekeeyo, iyadoo duulaankii labaad wixii
dhimasho iyo dhaawac iyo khasaare hanti ahaa
marka laga soo tago 400 oo rag ah oo u dhashay
beesha Sade maxaabiis ahaan loogu qabtay
dagaalkii ka dhacay Mukayga Afgooye, kaasoo uu
hogaaminyay Col. Barre Aden Shire “ Hiraale”,
waxaa intaa dheeraa in dhamaan deegaanada
gobolka Gedo ay gacanta u galeen isbahaysigii
SNA ee uu hogaaminayay Allaha u naxariistee Gen.
Maxamed faarax Caydiid.
Haddaba maanta oo
ay beeshu marayso marxalad lamida tii 1991 waxaa
lama huraan ah in aan lagu degdegin duulaan la
qaado, ee bal marka hore si dhab ah loo fekero
oo la raadiyo wadooyin looga fursan karo in
dagaal lagala hortago xoogaga maxkamadaha
Islaamiga ee la wareegay talada Kismaayo sida ay
ula wareegeen awooddii magaalada Muqdisho iyo
magaalooyin kalaba.
Si haddaba ay u
sahlanaato in fekerkeenu nagu hogaamiyo in aan
ka baaqsano dagaal aan hubo in caaqibadiisu ay
aad u xuntahay kana darnaan doona kii 1991,
waayoo xilligan waxaa magaalada Kismaayo ku suga
boqolaal dagaalyahano ah oo u dhashay beesha
Sade oo ka tirsan xoogaga maxkamadaha Islaamiga
ah, iyadoo isku dhaca dhex mara ciidamada Sade
ee ka soo duulaya Gedo iyo kuwa ku sugan
Kismaayo natiijadeedu ay tahay nuqsaan iyo
burbur ku yimaada xoogga beesha Sade, iyadoo aan
la socono in beesha Sade ay ka soo baxday
xiligan dagaalo dhexdeeda ah iyo kuwa beelaha ay
oodwadaag la tahay ah.
Ka baaqsashada
ayaa waxa ay ka dhalanaysaa in marka hore aan ka
jawaabno su’aasha ah, sababta aan duulaanka ugu
qaadeyno Kismaayo waa maxay?, haddii jawaabtu
tahay waa in aanay beesho waayin xuquuqdii
madiniga aheyd iyo tii siyaasiga aheyd ee ay
degaanka ku laheyd waa in aan baaritaan iyo
diraasad ku sameynaa arinkaa oo aan eegnaa
kaalinta beeshu kaga jirto maamulka ay
maxkamaduhu dhiseen ama xooga ay beeshu ku
leedahay hogaanka maxkamadaha ee deegaanka,
dabadeedna ay beeshu ka tashataa wixii ka soo
baxa baaritaankaas.
Hadiise jawaabtu
noqoto in la soo celiyo karaamada hogaamiyihii
beesha Col. Barre Aden Shire “ Hiiraale”, si uu
uu hogaamiye uga sii ahaado magaalada, waxaan
qiyaasayaa in fursadaasi dhamaatay, oo aanay dib
u soo noqon doonin, lana mid tahay tii 1991 ee
Gen. Maxamed Siyaad Barre. Sidaa darteed waxa ay
taladeydu tahay in loo mahad celiyo Col. Barre,
loona duceeyo kaalintii uu ka soo qaatay soo
dhicinta xuquuqda beeshu ku laheyd Kismaayo,
lagana codsado inuusan isku laynin beesha Sade,
oo sharaf weyn u haysa, magaciisa iyo
taariikhdiisana aanu iska wasakheyn.
Ugu dambeyn haddii
isbedalada dhacaya ay noqdaan qaar keena
xasilooni iyo kala dambeyn oo mashaakilka
Soomaaliya haysta halkaa ku dhamaadaan iyadoo
beesha Sade ka baaqsatay dagaal ay la gasho
xoogaga maxaakimta Islaamiga ah, beesha iyo
hogaamiyaheeduba waxa ay noqon doonaan dad
sharaf mudan, qeybna ka qaata hogaanka
mutaqbalka ee dalka. Haddii fashal dhaco oo
Soomaaliya ay ku sii jirto xasilooni la’aanta
iyo xasaradda siyaasadeed, dibna loogu laabto
dagaaladii qabaa’ilka, beesha iyo hogaamiyaheeda
ayaga oo isku duuban ayeey difaacan doonaan
masaalixdeeda, sidaa daraadeed reer Gedoow colka
jooja, oo duulaanka cagta u dhiga, waxaa laga
yaabaa in taladan ay dad badan ka careysiiso,
laakiin waa mid hor Alle iyo habeenkii aakhiro
ah, haddii maanta la maqli waayana maalin da,ne
unbaa la soo xusuusan doonaa.
Maxamed
Gaarshireedle
F.G: Aragtida
qoraalkan waxay gaar u tahay qoraha uu magaciisa
kor ku qoran yahay.