HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! News, Tuesday,  Dec. 6,  2005

Wasiirka Hantida Qaranka Iyo Qalabaynta markii ugu horreysay ka hadlay Gudoomiyaha la sheegay in loo magacaabay G/Gedo.


JOWHAR, Somalia
- Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabaynta Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa jawaab ka bixiyey gudoomiyaha la sheegay in loo magacaabay G/Gedo, waxuuna wasiirku sheegay in aysan waxbo ka jirin wararka lagu baahiyey qaar ka mid ah website-yada oo sheegaya in Xuseen Sh Cabdi (xuseen-farey) loo magacaabay gudoomiyaha G/Gedo ee DFKM-ka ah ee Soomaaliya, waxuuna wasiirka oo hadalkiisa sii wato yiri "warkaa lagu qoray shabakadaha internet-ka ma ahan mid sal iyo raad leh, mana ahan Ra'iisul wasaaraha cida xaqa u leh in uu soo magacaabo Gudoomiye Gobol ee waxay arrintaas u taalaa bulshada ku dhaqan G/Gedo in ay doortaan Xuseen Sh. Cabdi ama shaqsigii kale ee anfacaya mustaqbalkooda sida ku cad axdi qarameedka DFKMka ee lagu soo dhisay dalka Kenya."

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu yiri "aniga oo ah wasiirka Gobolka Gedo qof ahaan kama xumi in Xuseen Sh. Cabdi loo magacaabo gudoomiyaha gobolka Gedo, laakiin arrinku waa in uu noqdaa mid sharciga waafaqsan isla markaana rabitaanka uu ka yimaado bulshada ku dhaqan gobolka."

Mar ay Allgedo wax ka weydiisay qorshaha shaqo ee u yaalo waftigii uu hogaaminaayey oo hada ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxuu yiri wasiirku "waxaa noo taalo shaqo aad u culus waxyaabo badana wey noo hirgaleen sida ayuu yiri tasiilaadkii ciidamada Gobolka Gedo, waxaana sidoo kale la balansanahay Arbacada hay'adda UNDP/OPS oo aan kala xaajoon rabno qaabka loo dhisi lahaa hay'adihii maamulka ee Gobolka Gedo maadaamaa uu Gobolku ka mid yahay 7-da gobol ee ay dhawaan dawladaha Talyaaniga iyo Soomaaliya heshiiska ku galeen in maamulo loo sameeyo, waxaana laga billaabayaa heer degmo ilaa heer gobol sidaa daraadeed ayaa waxaa haboon ayuu yiri wasiirku in aan la jahawareerin dadka oo aan loo sheegin waxyaabo been abuur ah sida tan gudoomiyaha G/Gedo."

Sidoo kale, waxuu wasiirku Allgedo u sheegay in ay dhawaan dib ugu laaban doonaan G/Gedo si loo fuliyo shaqooyinka horyaalo.

 

allgedo@allgedo.com
 


 



 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com