|
Advertisement |
 |
Ujeedada shirkan waxay aheyd
sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa mushruuc
waxbarasho, oo isugu jira waxbarashada assaasiga
ah iyo mida sare, lagana hirgelin doono
goboladda Gedo iyo Galgaduud hadduu Alle Idmo.
Waxaa shirkan ka soo qayb galay dad aad u badan
oo isugu jira ganacsato, aqoon yahanno, ardayda
wax ka barta jaamacadaha Columbus iyo dadweynaha
ku dhaqan magaaladaas.
Waxaa shirka furay Guddoomiyaha
ururka SDF Professor Warsame Ali oo halkas ka
soo jeediyay qudbad isugu jirtay soo dhaweyn,
mahadcelin iyo waxqabadka iyo himilooyinka
ururka SDF. Professor Warsame hadaladiisa waxaa
ka mid ahaa “ama bax ama bixi, oo micnaheedu
yahay ama dalkii ku noqo oo ka qayb qaado
dhismihiisa ama bixi kaalmo lacageed oo dalkii
lagu dhiso”. Prof. Warsame waxaa uu sheegay in
aqoontu tahay furaha hurumarka aadanaha,
koritaanka iyo joogteynta dhaqaalaha iyo
bidhaaminta mustaqbal nuur leh iyo yadadiilo
gelinta dadka. Waxaa iyana halkaasi haddalo soo
dhaweyn iyo gubaabo ah kasoo jeediyay
Guddoomiyaha Somali Community of Culombus Mr.
Hassan Ali Omar iyo Mohaned Ugaas Hirsi oo ka
hadlayay magaca reer Columbus oo iyagu marti loo
ahaa. Waxaa sidaas oo kale maxaadaro diini ah oo
aad loo jecleystay ka soo jeediyay Sheekh
Mohamed Diini.
Waxaa kale oo shirkaasi ka hadlay Dr.
Cabdulqadir A. Maxamuud “Jangeli”. Oo ka mid ah
key note speakers. Dr. Cabdulqadir wuxuu si gaar
ah ugu dheeraaday doorka ay waxbarashadu ka
qaadan karto xalka dhibaatooyinka Soomaaliya ka
jira isaga oo sheegay in mushkuladaha Soomaaliya
ka jira laga bixi karo haddii ay dadka
Soomaaliyeed aqoon yeeshaan. “Dhibaatooyinka
faraha badan ee Soomaaliya haysta, sida
dagaallada iyo gaajada, waxaa saldhig u ah aqoon
darro waxbarashada” ayuu yiri Dr. Cabdulqaadir
Jangeli, wuxuuna ka codsaday dadkii shirka
jooggay inay si dhab ah uga qayb qaataan
taageerada barnaamijka waxbarasha ee uu soo
bandhigay ururka SDF. Wuxuu xusay in aqoonta
sare ay tahay wadada dowladda wanaagsan iyo
khilaaf bixinta murunka iyo qalalaasaha.
Waxaa halkaas PowerPoint Presentation ku saabsan
mashruuca tacliinta sare iyo midda aasaasiga ah
oo la qorsheyneyno in laga hergeliyo Gobolka
Gedo iyo Galgaduud ka soo jeediyay Mr. Ali
Malaaq Ahmed Iyo Mr. Mohamud Abdule Indhacasae.
Waxay soo bandhigeen daraasad muujineysa
xaqiiqda iyo baahida waxbarasho iyo midda
nololeed ee ka jirta guud ahaan Somalia
gaarhaaana Gobolada Gedo iyo Galgaduud. Ali iyo
Mohamud waxaa kale oo ay daraasad cilmiyeedkaas
ku muujieyeen waqtiga mashruucaas la qabanayo,
xoogga iyo dhaqaalaha hawshaasi u baahan tahay
iyaga oo xusay in farqiga u dhexeya wadamada
horumaray iyo kuwa saboolka ayan aheyn qayraadka
ku ku jira dhulkooda balse heerka tacliinta sare
iyo technologiya. Waxay shirweynaha xasuusiyeen
in aqoontu tahay hubka ugu casrisan oo lagula
dagaalamo macluusha, qabyaaladda, musuqmaasuqa,
cadaalad darada iyo cudurka. Waxaa kale oo ay ka
hadleen doorka dadka qurboolayda ay ka qaadan
karaan horumarinta dadkooda iyo dalalkooda.
Waxaa sidaas oo kale halkaas qudbad xiiso
badneyd oo la sugayay ka soo jeeday Dr. Cali
Khaliif Galaydh. Dr. Khaliif wuxuu dadkii shirka
isugu yimid uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed
ee ay Soomaaliya hadda ku sugan tahay, wuxuuna
warwar ka muujiyey dagaalada laga cabsi qabo
inay ka qarxaan Soomaaliya. “arrintu hadda waxay
ku jirtaa gacan Soomaaliyeed, xalkuna wuxuu ugu
dhow yahay haddii Soomaalidu wada hadasho.
Haddiise ciidamo Ethiopian ah la keeno, taladu
gacanta Soomaalida way ka baxaysaaye oggaada”
ayuu yiri Dr. Galaydh. Isagoo ka hadlaayey
isbedeladii dhowaan Soomaaliya ka dhacay, gaar
ahaan magaalada Muqdisho, Dr. Galaydh wuxuu
sheegay in ay abuurantay rajo laga qabo in
Soomaaliya nabad lagu soo dabaalo, laakiin loo
baahan yahay in isbedelkaasi si degan loo
maamulo. Ugu danbeyntii Dr. Khaliif wuxuu u soo
jeediyey kooxaha isku haya siyaasadda Soomaaliya
inay isu dulqaataan, kana fogaadaan fikirka ah
in kooxi kooxda kale dagaal uga adkaato. Wuxuu
Somalidu kula taliyay inay ka soo dhexbaxaan
suntuuuqa yar oo ay ku dhexjiraan iyo isku
habsaamida dhexdooda ah oo ay ka fekeraan aragti
fog iyo mustaqbalkooda (Bigger picture). Dr
Khalif wuxuu Somalida ka codsaday inay aqoonta u
hiiliyaan maxaa yeelay waa furaha nabad ku wada
noolanshaha, xasiloonaanta iyo xaqsoorka. Dr.
Cali Khaliif Galaydh wuxuu amaan u soo jeediyey
Ururka Horumarinta Soomaaliyeed, oo uu sheeegay
inay hawl muhim ah ummadda u hayaan. Wuxuuna ku
dhiirigelyey dhalinyaradii halkaas isugu timid
inay ka qayb qaataan nabadeynta iyo dib u dhiska
Soomaaliya, isla markaana ay dalkii dib ugu
noqdaan
Ugu danbeyntii ganacsatadii iyo
dadweynihii shirkaasi ka soo qayb galay waxay
ugu yabooheen Ururka Horumarinta Soomaaliyeed (UHS)
lacag gaareysa $40,000. shirkadihii iyo
hay’adihii lacagta ku yaboohay waxaa ka mid ahaa:
Shirkadda Dahabshiil, Global home Care, Bell
Home Care, Hamarweyne Centre, Columbus global
home care, Hiiraan University, Xawaaladda
Tawakal iyo Global Mall.
Warbixintaan waxaa Allgedo soo gaarsiiyay Dr.
Ali Malaaq Ahmed, email address:
raamoraaxo@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
| Dr. Ali Malaq Ahmed giving speech with power presentation for SDF fund raising dinner on November 25, 2006. |
 |
| On November 25, 2006, Dr. Ali Malaq Ahmed (far right), Prof. Ali Qalif Galeyr, Prof. Warsame and and a man presented Somali map written on it "I love Somalia." |
 |
| Dr. Ali Malaq Ahmed (left) and a man gave speech on November 25, 2006 for special SDF fund raising dinner. |
 |
| Prof. Ali Qalif Galeyr gave speech On Novermber 25, 2006 for special SDF fund raising dinner. |
 |
|
|