|
Allgedo
News - Maanta oo ay taariikhdu tahay December 9,
2006, waxaa magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona
(USA) booqasho gaaban ku yimid mudane Faarax
Macalin Dawaara oo ah Gudoomiyaha Xisbiga FORD-P
ee dalka Kenya.
(Eeg masawirka dhanka
midig ee sare mudane Faarax Macalin oo qudbad
muhiim ah u jeedinaya jaaliyadda Soomaaliyeed ee
reer Phoenix.)
Mudanaha oo ah siyaasi weyn oo ruug cadaa ah
ayaa waxaa magaalada Phoenix si weyn ugu soo
dhaweeyay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed
ee ku dhaqan Gobolka Arizona oo tiradoodu lagu
qiyaasay ilaa iyo 10,000. Guddoomiye
Dawaara waxuu horay usoo maray shirarna uu lasoo
qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Minniapolis,
Minnesota iyo San Diego, California.
Shirka uu Guddoomiyaha la yeeshay jaaliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Phoenix iyo
agagaaraheeda ayaa waxaa isku soo duba riday
Ururka Soomaaliyeed ee Somali Association of
Arizona.
(Eeg masawirka dhanka midig ee hoose,
Guddoomiyaha Somali Association of Arizona Dr.
Cabdixakim oo munaasabadda shirka furaya.)
Furitaankii
shirka ayaa waxaa lagu bilaabay aayado quraan
ah, dabadeedna waxaa la guda galay
barnaamijyadii loogu tala galay in uu shirka ku
socdo ayada oo ay halkaasna ka hadleen dad fara
badan oo ay ka mid ahaayeen:
Dr. C/xakim
Axmed C. Cisman (Guddoomiyaha Somali Association
of Arizona), Ambassador - General Maxamed Darman),
Ex-Col. Axmed Jaamac (Dhagaweyne), Dr. Maxamed
Jamac, Sheikh Cabdikhaliq (Shiikha magaalada
Phoenix) iyo ugu danbeyntii mudane Farax Macalin
Dawara.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Phoenix ayaa
maalintaas waxaa laga dareemi karay wajiyadooda
farxad iyo jaceyl ay u qabeen in ay si diiran
ugu soo dhaweeyaan walaalkooda Soomaaliyeed ee
ka yimid Geeska Afrika iyagoo haddana jeclaa in
ay dhageystaan qudbadda dhaxalgalka ah ee uu
halkaas kasoo jeedin doono mudane Faarax Macalin
Dawara.
Furitaankii aayadaha quraanka kaddib, waxaa
halkaas gabay qiima badan oo aad loo jecleystay
ka tiriyay abwaan Cabdiraxmaan Suni, dabadeedna
waxaa cod baahiyaha loo dhiibay mudane Farax
Macalin oo halkaas kasoo jeediyay qudbad uu si
qoto dheer ugu qaadaa dhigay arrimaha siyaasadda
iyo taariikhda geeska Afrika.
Mudane Faarax mar uu ka hadlayay arrimaha
dhinaca siyaasadda ayaa waxuu yiri "Soomaaliya
waxaa markii horeba bur-buriyay shisheeye, inta
ay umadda Soomaaliyeed taas ka fahmeyso oo ay
iyada isku tashaneysana waligeed deganaasho iyo
horumar toona gaari meyso." Sidoo kale
waxuu mudanaha si toos ah carabka ugu adkeeyay
in IGAD, ITOOBIYA IYO KENYA TOONA aanay dooneyn
in ay marnaba Soomaaliya deganaasho ka dhacdo,
maxaa yeelay buu yiri intuba dano gaar ah ayay
Soomaaliya ka leeyihiin, sidaas awgeed, waxaan
ku talinayaa buu yiri in haddii Soomaaliya nabad
laga rabo ay haboon tahay in ay Soomaalida
dhexdooda ka heshiiyaan caalamkana uu sidaas ku
taageero.
Mar ay allgedo wax ka weydiisay sida uu u arko
in uu xalku yahay is mari waaga siyaasadeed ee
Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Golaha
Maxaakiimta waxuu ku jawaabay "xalku
waa in ay labadaas garab isu yimaadaan oo ay
iyaga dhexdooda ka heshiiyaan, isla markaana
dowlad ay ku mideysan yihiin dhistaan",
xal ka aniga sidaas baan u arkaa ayuu
hadalkiisii raaciyay mudane Faarax.
Mudane Faarax Dawaara oo aad wejigiisa ka
dareemi kartay in uu aad iyo aad uga xun yahay
nasiib darada Soomaalida ku habsatay iyo sida
aanay intooda badanba arrintaas ugu
baraarugsaneyn ayaa waxaa hadaladiisii ka mid
ahaa "Soomaaliya
anaa bur-buriyay ee ma ahan cidda bur-burisay
adinka!", sababtuna
waxay tahay buu yiri "markii labada Gobol ee
Waqooyi iyo Koofur ay xornimadii ka qaateen
Ingiriiska iyo Talyaaniga sanadkii 1960-kii,
maalma yar gudahoodna waxay ku dhawaaqeen buu
yiri wax la yiraahdo Somali weyn "GREATER
SOMALIA" iyo in Gobolada maqan oo ah NFD, SOMALI
GALBEED IYO JABUUTI loo howl galo sidii loo
xoreyn lahaa xoog iyo xeelad tii ay doontaba
haloo adeegsadee. Arrintaasi waxay aheyd
buu yiri qalad, maxaa yeelay, dhamaan dowladihii
gumeysiga ee xornimada laga qaatay iyo kuwa
Soomaaliya deriska la ah sida: Itoobiya iyo
Kenya midna raali kama aheyn in marnaba ay
rumowdo riyada Soomaaliyeed ee ah SOMALI WEYN
iyo in ay shanta Soomaaliyeed midoobaan toona.
Sidaas awgeed, anigu waxaan u arkaa buu yiri in
bur-burka maanta ku dhacay Soomaaliya ay
sababtay doonitaankii shanta Soomaaliyeed ayada
oo aanay jirin awood dhaqaale iyo mid
siyaasadeed ee lagu soo xaro gelin karo gobolada
maqan ee ay Soomaaliya sheeganeyso.
Qudbad dheer oo dhaxal gal ah kaddib, waxuu
hadalkiisii kusoo gebo-gebeeyay mudane Dawaara
muhiimadda ay leedahay in Soomaalida meel ay
joogtaba laga rabo in ay isku tashtaan, soona
celiyaan sharaftii iyo karaamadii Soomaaliyeed,
isla markaana ay iska daayaan isku haleynta iyo
ku tiirsanaanta dowlado ama dad aanan marnaba ka
shaqeyneyn danta iyo maslaxadda umadda
Soomaaliyeed.
Wareysiga ay allgedo la yeelatay mudane Faarax
Macalin Dawaara riix (wareysi)
allgedo@allgedo.com
 |
|
|