HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! Sports, Thursday,  Dec. 15,  2005

Koobkii Qaaradaha ee kooxaha adduuknka.

Kooxda Sucuudiga ee Alittixaad oo khlakhal gelisay Sao Paulo " Brazilian Champion".

By Ahmed al-matary
aamatary@hotmail.com


Faafin:  Allgedo, December 15, 2005



Kaddib markii Sucuudiyiintu si xarrago leh Quarter Finalkii ku soo mareen iyagoo ka soo adkaaday kooxda macruufka ah ee Masaarida Al-ahli (1-0). Ayay Semi Finalkii isku dhaceen Sao Paulo, taasoo saadaasha dhan loo malaynayay in ay noqondoonto "One side game", ayaadba u malyasaa ciyaartii saaka dhacday in Sucuudiyiintu Brazil ahaayeen.

Wiilasha fanaantii ah oo aan anigu "personally" u aqaan, sida Maxamed Nuur oo horay ka ciyaara iyo Khalid Al-muntashari oo difaaca ka ciyaara isla markaana haysta " kubadda dahabiga ah ee best player of the year in Asia" ayaa waxay difaaca Sao Paulo geliyeen khalkhal aad u wayn, gaar ahaan Maxamed Nuur iyo Kallon oo ah laacib muctarif ah kana yimi dalka Seara Leon.

Haddaba Braziiiliyiinta ayaa goolka hore ku hormaray kaddib markii laacibka Amoroso laad xoog wayn ku laaday dhinaca gooliga Alittixaad, ayay waxay kusii dhacday difaaca Ittixaad oo gooligu ku khaldamay. Ittixaad ayaa waxaa barbardhaca u keenay fanaanka Maxamed Nuur. Amoroso ayaa haddana kubbad geeska laga soo laaday madaxa ku hubsaday, Ceni ayaa isaguna goolkii 3-aad Rigoore ku xireeyay, laakiin Sucuudigu ma aamusine goolkii labaad ayaa Al-muntashari madaxa ku xireeyay. Daqiiqadii 68-aad ayay ciyaartu kala maraysay 3-2, intaas wixii ka dambeeyay dheeshu waxay u dhexmaraysay difaaca Sao Paulo iyo hujuumka Ittixaad oo runtii goolhayaha Sao Paulo ayaa badbaadiyay kooxdiisa, sidaas ayayna Sao Paulo Finalka ugu soo gudubtay.



allgedo@allgedo.com





 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com