|
Allgedo! Sports,
Monday, Dec. 12, 2005 |
Kooxda Somali
Windsor ayaa si xarrago leh uga guulaysatay Somali
Detroit!
|
|
Somali Windsor 12, Somali
Detroit 7
Detroit, December 28, 2005

By Ahmed Al-matary
aamatary@hotmail.com
Faafin: Allgedo Online, December 30, 2005
Detroit - USA - Kooxda caanka ah ee Somali
Windsor ayaa Somali Detroit ku dardartay 12 gool,
kaddib markii ay casumaad ka heleen kooxda Detroit
ayay labada kooxood isku arkeen Garoonka dedan oo ku
yaala magaalada Ypesilanti oo ah nawaaxiga Detroit,
Michegan.
Dhowaantaanba Somalida reer Detroit ayaa ku
mashquulsanaa sidii ay u qaabili lahaayeen kooxda
xoogga wayn ee Windsor, halkaas oo ay kooxdu caan ka
noqdeen kaddib markii ay Somali week Toronto ka
galeen kaalinta labaad iyagoo Rigoorayaal ay uga
adkaatay kooxda Banaadir, kaddib markii 2-2 la isla
mari waayay. Sidoo kale Somali Windsor waxay ku
guulaysteen koobka Ururka Isutagga ee kooxaha
Windsor Seria A oo sanad kasta lagu qabto Windsor.
Windsor Fall League ayay haddana kaalinta labaad ka
galeen, Windsor Winter League ayay imminka ku jiraan
oo bilaaban doona January 8, 2006, kaasoo aad kala
socon kartaan websitekan Allgedo Online hadii uu
rabi raali ka noqdo:
http://www.leaguelineup.com/standings.asp?url=wyisl&sid=239863469&divisionid=154102
Haddan u noqonno ciyaartii dhex martay labada
kooxood ayaa u ekayd mid hal dhinac keliya ka socota,
kaddib markii ay garoonka isku heleen rag caan ka ah
garoomada waddanka Kanada oo uu hogaaminayay
Maxamuud Imigration (Goysmo) oo isagu goysmo nooc
walba leh reer Detroit ku dhigay, Faragaab oo
wacdaro la yaab leh dhigay iyo Yaasiin oo isagu
markii ugu horaysay muddo laga joogo laba sano ka
ciyaaray dhexda, Maxamuud iyo Faragaabna sheekada
sahal uga dhigay oo weliba 3 gool oo wada kala qurux
badan dhaliyay, sidoo kale difaaca waxaa ku dhamaa
labadii laacib oo Toronto looga sheekaysanay Somali
week oo kala ah Maxamed Deeq iyo Farxaan Xalane,
waxaase xiddiga garoonka ahaa Mr. Yusuf Jihaad oo
isagu ugu yaraan laba Hatrick xalayto garoonka kala
tegay. Caruurta yaryar oo reer Detroit ayaa
iyagu ka yaabay hal gool oo Yuusuf intuu seexday
Madaxa si jees-jees ah ugu dhaliyay, kaddib markuu
difaaca soo kal jebiyay. Xaaji Yaxye ayaa isaguna
habeenkaas garoonka aad uga muuqday, Axmed
Shangahaay iyo Hardway (oo isagu muddo dheer ku
maqnaa Edmonton Canada) ayaa iyaguna Wacdaro dhigay,
Gool qurux badan ayuu Hardway ka xireeyay reer
Detroit. Laacibka khabiirka ah ee Yaasir ayaa isagu
goobta ka maqnaa, duruufo la xiriira xagga sharciga
dartood.
allgedo@allgedo.com
|
 |