| |
|
|
|
|
Allgedo! Sorts, Monday, Dec. 5, 2005 |
Ronaldinho "Best Player in Europe!" By Ahmed Almatary aamatary@hotmail.com Faafin: Allgedo Online, Dec. 5, 2005 Xiddiga xulka Qaranka ee Brazil iyo kooxda Barcellona ayaa loo magacaabay cayaartooyga sannadka 2005 ee qaaraqdda Yurub. Ronaldinho oo 25 jir ah ayaa sannadkii 2004 hore ku guuleeystay Fifa World Player of the Year . Ronaldinho ayaa markii la gudoonsiiyay abaal marrinta sheegay in ay riyadiisu maanta u rumowday. Isagoo weligii ku riyoon jiray inuu mar un ku guuleesto kubadda dahabka ah Ballono D'Oro. Ronoldinho oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: Abaalmarrintan waxay ii sii kordhineysaa xiisadda aan u qabo ciyaarta kubadda cagta iyo da'daakeeygaba. Runtii waxaan aad ugu farxsanahay in aan ku shaqeesto wax aan jeclahay oo ah inaan ciyaaro kubadda cagta.Ronaldinho wuxuu kaalin weyn ka qaatay hanashada ay kooxda hanatay horyaalka Spain sannadkii hore isagoo dhaliyay 9 Goal. Ronaldinho waa cayaartooyga seddaxaad ee reer Brazil ee ku guuleysta abaal marintan isagoo u ciyaaraya kooxda Barcellona. Iyadoo hore ay ugu guuleysteen Ronaldo sannadkii 1997 iyo Rivaldo oo isaguna ku guuleestay Ballone d'oro sannadkii 1999. Kaalinta labaad waxaa galay Lampard oo u safta Chelsea . Halka kaalinta seddaxaadan uu galay Gerrard oo u ciyaara Liverpool. Ronaldinho ayaa u sharaxan inuu ku darsado "Fifa World player" usbuucyada nasoo haya. Ciyaartooydii kale iyo kaalintii ay kala galeen waa sidan hoos ku qoran: 1 Ronaldinho Barcelona 225 points 2 Lampard Chelsea 148 points 3 Gerrard Liverpool 142 points 4 Henry Arsenal 41 points 5 Shevchenko AC Milan 33 points 6 Maldini AC Milan 23 points 7 Adriano Inter 22 points 8 Ibrahimovic Juventus 21 points 9 Kaka AC Milan 19 points 10 = Eto'o Barcelona 18 points 10 = Terry Chelsea 18 points 12 Juninho Lyon 15 points 13 Makelele Chelsea 8 points 14 =Ballack B Munich 7 points 14= Cech Chelsea 7 points 14= Drogba Chelsea 7 points 14= Riquelme Villarreal 7 points 18 Zidane Real Madrid 5 points 19 Buffon Juventus 4 points 20 = Carragher Liverpool 3 points 20 = Ronaldo Man United 3 points allgedo@allgedo.com |
|