HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! Sports, Monday,  Dec. 19,  2005

Sao Paulo oo hanatay koobkii kooxaha ee adduunka!


By Ahmed Al-matary
aamatary@hotmail.com


Faafin:  Allgedo Online, December 19, 2005


Kooxda Brazilianka ah ee Sao Paulo ayaa si xarrago leh uga guulaysatay kooxda xoogga wayn ee Liverpol. Kaddib markii ay gool ku hormareen gool qurux badan oo uuu xireeyay laacibka Mineiro, isagoo baas qurux badan ka helay Saaxibkiis Aloisio daqiiqaddii 72aad. Intaas wixii ka dambaysay ciyaartu waxay dhexmartay difaaca Sao iyo Hujuumka Liverpol oo runtii goolal badan ku qubaystay, 3 goolna ku andacooday in laga diiday iyo weliba rigoore, laakiinse sheekadu waxay kusoo gabagaboowday "Brazil waa Brazil" ama ha yaraato ama ha waynaato.

Kaddib markii kooxda Qaranku sanadkaan ku guulaysteen koobkii qaaradaha ayaa Sao Paulo ugu dartay koobkii qaaradaha ee kooxaha, marka Qaramadii iyo kooxihiiba iyagaa isku darsaday!.
 
 
Sawirka dhinaca sare ee midig ka muuqda waa laacibka Cicinho ee Sao Paulo difaaca uga ciyaara.


 

allgedo@allgedo.com




 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com