|
||||
![]() |
![]() |
![]() |
||
Spain, Czech Republic iyo Switzerland oo ay Germany usoo carfayso By Ahmed Almataryaamatary@hotmail.com Faafin: Allgedo Online, Nov. 14, 2005
Kooxda Czech ayaa iyaduna 1-0 kaga naxsatay Norway oo gurigeeda ku ciyaaraysay, waxaana goolkaas xireeyay laacibka Jevuntus ee Nedved, ciyaarta kale ayaa lagu qban doonaa Czech REpublic arbacada nagu soo food leh. Sidoo kale Switzerland ayaa 2-0 kaga adkaatay Turkey, waxaana ciyaartu ka dhacday Swisska, iyadoo arbacada danbe la aadi doono Istanbul Turkey. Ciyaarihii kaloo shalayto dhacay ayaa Bahrain 1-1 ku bareejaysay Trinidaad oo gurigeed ku ciyaaraysay, taasoo jaanis wayn siisay kooxda Bahrain oo gurigeeda lagu ciyaari doono Arbacada, waxaana ku filan barbardhac 0-0 ama nooc kasta oo badin ah. Uruguay ayaa iyaduna gurigeeda kaga adkaatay Australia, 1-0. Ciyaarta danbena sidoo kale waa arbacada nagu soo food leh. 10 kaas kooxood 5 ka mid ah ayaa Germany usoo baxaysa, waana 5ta kooxood oo keliya oo imminka la sugayo, kaddib markii kooxihii kale oo dhan soo wada baxeen. |
|||||
|
All
Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved. |