|
||||
![]() |
![]() |
![]() |
||
Spain, Czechs, Switzerland, Trinidad and Australia oo Germany lugaha dhigtay! Bahrain ayaa u baanayd inay 0-0 ku dhamaato ciyaartu, laakiinse taasi way suuroobi wayday kaddib markuu Dennis Lawrence madaxa ku xireeyay kubbad koornarka laga soo laaday. Taasoo ay kasoo waaqsan waayeen Baxrayniyiintu. Ciyaartiine intaas ayay ku dhamaatay. Trinidad koobka addunka ayay sidaas ugu soo baxday. Waana markii ugu horaysay oo ay dawladdaas yarta ah 1.1Million Population ay udoo baxdo fagaarahaas. Czech Republic 1, Norway 0
Spain oo aan wax (pressure) ah saarnayn maadaama ay 5-1 kusoo adkaatay ciyaartii hore ayaa barbardhac la noqotay Slovakia. Sidaasna Spain ayaa iyaduna si xarrago ah Germany u caga dhigatay. Haddaad xusuusataan Czechoslovakia waxay ahaan jirtay hal dawlad, laakiin laba dowladood ayaa loo kala gooyay, oo kala ah Czech republic iyo Slovakia. Turkey 4, Switzerland 2 Yaa Xaraam, ayay carabtu tiraahdaa marka ay wax ka murugoodaan, haddaba sheekada ku dhacday Turkey ayaa istaahisha in la dhahao yaa Xaraam iyo nus . Sabatoo ah Swisska oo ilaa 18 ciyaarood aan laga guulaysan ayay waxay ugu socdeen si aan caadi ahayn oo laacibka Tuncay Sanli ayaa Hatrick ka xireeyay, goolka hore ayaa Swissku ku hormareen, laakiin 3 ayaa laga daba geeyay, daqiiqaddii 84aad ayaa haddana Swiisku goolkale dhashteen, kaasoo sababay in Turkey Pressure hor leh fuulo, gool afraad aya dhashteen, laakiin kuma filnayn waxaa looga baahnaa 3 gool inay ka kormaraan swisska, sabatoo ah goolasha swisska ayaa laba jibaarmaya maadaama aysan gurigooda ku ciyaaraynin. Isugayn labada ciyaarood waxay kooxuhu ku kala baxeen 4-4, laakiin Swiiska ayaa goolashoodii la laba jibaaray gaar ahaan kuwii ay ku dhashteen Turkey oo aan gurigooda ahayn. Sidaas ayaa Swissku koobka addunka ku aaday. Australia 1, Uruguay 0 (Australia 4-2 on penalty kicks Australia ayaa yaab dhigtay markaan oo ka aargoosatay Uruguay oo iyadu 4 sano ka hor ka guulaysatay Australia. Haddba ciyaartii hore waa tii ku dhamaatay 1-0 oo URuguay ayaa adkaatay, laakiin markaan waxaa lagu ciyaarayay Sydney Australia oo in ka badan 80,000 ayaa daawanaysay ciyaartaas, haddba laacibiintu dadwaynahaas kuma aysan ceeboobine , sharaf wayn ayay tuseen kaddib markay 1-0 uga adkaadeen kooxda Culus oo caanka ah ee URuguay. Tasoos sababtay in waqti lagu daro, kaddib marki la ismari waayayna rigoorayaal ayaa loo dhigay, haddaba gooliga australia ayaa Hero noqday kaddib markuu 3 rigoore ka celiyay URuguay. halkaasna 4-2 ayay ku dhamaatay, Australiyana koobka addunka ayaa usoo baxday kaddib markii ay isku dayaysay in ka badan 30 sano, 1974kii ayaa ugu dambaysay koob ay usoo baxdo. |
|||||
|
All
Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved. |