HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! Sports, Tuesday, Nov 22,  2005

Windsor oo looga heesay: Layaaliinaa Layaaliikum Yaa Suudaanunaa!!

By Ahmed Almatary
aamatary@hotmail.com
Faafin:  Allgedo Online, Nov. 21, 2005  




 

Garoonka dedan ee Micmac waxaa xalayto ka dhacday Riwaayaddii macruufka ahayd ee hoballada waaberi iyo hobollada Sudan ay wada jir ugu dhigeen waddanka Sudan ahaydna: "Aldunyaa Dabangah", riwaayadaas ayaa waxaa ku jirtay hees macruuf ahayd halku dhigeeduna ahaa: "Layaaliinaa Layaaliikum Yaa Suudaanunaa Yaa Soomaalunaa".

Haddaba kooxda Somali Windsor ayaa wacdaro layaab leh dhigtay xalayto, kaddib markii looga hormaray 8-5, ayay muddo 5 daqiiqadood gudahood ah 4 gool oo xiriir ah dhashteen.

Somali Windsor 9 Windsor Wheels 8.
 

Maxamed Suudani oo u ciyaara kooxda Somali Windsor

Ciyaarihii Dayrta (Winter) ayaa 3 toddobaad ka hor ka furmay magaalada Windsor, ciyaarhaas oo ka socda garoonka dedan ee MiKMak, ayaa waxaa ka qayb galay 8 kooxood, haddaba 3diciyaarood oo hore ayaa Kooxda Somalidu, waxay ka heshay 4 dhibcood, kaddib markii ciyaartii koowaad 5-5 ay Buddies United kukal baxeen ayaa ciyaartii labaadna 7-3 ay Lions ku dardartay, laakiinse nasiib darro ciyaartii 3aad ayaa looga adkaaday 6-3 oo koox lamagac baxday Pub358 ayaa uga adkaatay natiijadaas, ciyaartaas oo runtii dhacdooyin fara badan ka dheceen, oo garsooraha ayaa si aan caadi ahayn ugu seexday kooxda Windsor, ciyaarta oo muddo 10 daqiiqo ah dhimantahayna dagaal ayaa ka dhexdhacay laacibiinta, taasoo keentay in koox kasta 3 guduud 3 laacib laga siiyo, intaas kuma ekeyne, ciyaartooygii Pub358 iyo dadwaynihii somalida oo daawanayay ciyaarta ayaa madaxa isla galay, taasoo keentay in laba laba la isu qabsado. Runtii inkastoo somalida laga gardarraa oo weliba ciyaaryahannada Pub358 ay aflagaadho u gaysteen dadwaynaha, haddana waxay ahayd wax aad u fool xun sida soomalidu u aargoosatay, loomana baahnayn ilaa heerkaas inay gaarto. Ciyaartaas dhibcaheedii inkastoo Pub358 la siiyay, haddana dacwadeedii weli way socotaa, waanna idinla socodsiin doonnaa wixii kasoo kordha.

Xuseen Suudaani oo u ciyaara kooxda Somali Windsor

Haddaba somalida ayaa xalayto wareegii afraad waxay isku dheceen Windsor Wheels, iyadoo weliba 3dii laacib oo kala ahaa Xuseen Faragaab, Yuusuf Jihaad, Iyo Mukhtar Xirsi ay ka maqnaayeen maadaama ay Kaarka Cas haysteen.Ciyaaartii ayaa Weerar ku bilaabatay, oo Somali Windsor ayaa durbadiiba 2 gool hor martay, goolashaas ayaa waxaa si xarrago leh oo One Two ah ukala dhashtay laacibiinta Maxamed Sudani iyo Xusen Sudani, runtiina labadaas laacib xalayto garoonka waxay ka dhigeen "Show" aad iyo aad loola riyaaqay, mudddo kadibna ciyaartii waxay noqotay 3-1, intuba inta ka dhaqso yare, 5-3 ayaa lagu maray "half time". Haddaba kooxda Somalida oo aad isula haysata, horayna uu ujoogo M.Sudani, Dhexdana ay hayaan YAsir, Xuseen Sudani, Maxamed Deeq (oo isagu ciyaaray Super Game) iyo difaacoo ahaa CAbdi Fataax iyo Kulan. Goolhayihii kooxda ee Greg duruuf khaas ah ayuu ku maqnaa, markaas Farxaan oo difaaca ka ciyaara ayaa Goolhaye ahaa. Raggaas oo dhan ayaa runtii aad u xamaashay, laakiinse gelinkii dambe ayaa ragga intiisa badan daaleen, maadaama aysan haysan bedelaad, garoonkana muddo ku jireen, taasoo keentay in 8-5 looga kor maro, laakiinse daqiiqado kadib ayay ka dhigeen 8-6.

Tababaraha kooxda Somali Windsor  Nur Roble

Haddaba Nur Roble oo ahaa Tababaraha kooxda ayaa go'aansaday inuu isagu goolka qabto si Farxaan u nasiyo difaaca, taasaa waxay keentay in inqilaab dhaco, oo difaacii ayaa Faraxaan oo lugo Fresh ah garoonka lasoo galay si fiican isugu xiray difaaca iyo dhexda oo isaga iyo kulan ayaa difaacii qafilay , tasoo keentay in Yasir, iyo suudaantu si xarrago leh goolka Wheels u tagaan, oo 3 gool oo darandoorri ah u dhashtaan, taasoo ku kalliftay laacibiintii Wheels inay u sacab tumaan, Somalida. 9ka gool oo kooxda somalidu dhalisay ayaa 9kaba waxaa ku lug lahaa MAxamed Sudani iyo Xuseen Sudani, haddii uusan midkood dhalin kan kale ayaa dhiibayey, intaas laba jibaarkeedna geesaha ayay la dheceen, sidaas darteed ayaan usoo xasuusannay heesta kor ku xusan. Labadaas laacib ayaa iyagu ah laacibiin (wanted) ah oo kooxaha windsor oo dhan isku deyaan inay kooxdooda kamid noqdaan, haddaba waxaa sharafkaas iska leh maamulka kooxda Somali windsor iyo laacibka khabiirka ah ee Yaasir oo iyagu ku guulaystay in laacibintaasi kamid noqdaan kooxdaas soomaliyeed, weliba waxaa kaloo jira laacib 3aad oo la dhaho Binjamin oo sudani kale ah kana tirsan kooxda Somalida, sidoo kalena duruuf khaas ku maqnaa, Laacibkaas Binjamiin ayaa Somalida reer Toronto caan ka ah waxayna u yaqaaniin "xiin finiin", iyagoo ka yaabay orodkiisa.

Guntii iyo gebobabadii xalayto sharaf wanaag ayay kooxda somalidu muujisay, qof ka mid ah oo garsooraha la hadlayna kuma uusan jirin, xattaa markii laga hormaray 8-5 si edeb iyo sharaf ah ayay muujiyeen, taasoo aan jecelnahay insha-allaah inay sii wadaan.
 


allgedo@allgedo.com




 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com