| |
|
|
|
|
Allgedo! Sports, Monday, Dec. 5, 2005 |
Kooxda Somali Windsor oo kaalinta labaad keli ku noqotay. By Ahmed Almatary aamatary@hotmail.com Faafin: Allgedo Online, Dec. 5, 2005 Kaddib markii ay usbuucii hore ku dardareen kooxda Dimelition 12-3, oo qofkasta oo garoonka ku jiray ugu yaraan hal gool xireeyay, ayay usbuucan waxay isku dhaceen koox kale oo kaalinta labaad kula kartamaysay oo la dhaho Allstars. Haddba ciyaartaas ayaa si xiiso leh u dhacday, gelinkii hore bilowgiisii ayaa 2-1 durbadiiba looga hormaray Somalida, laakiinse Somalida oo aad isugu kalsoon rag badan oo heer qaran ahna u ciyaaraan ayaan iyadu welwelba ka qabin, in laga hor maro. Muddo kaddib ayay 4-2 ka dhigeen, laacibka macruufka ka ah magaalooyinka Windsor iyo Toronto oo ah Binajmiin, reer Torontona ugu yeeraan Xiinfiniin, ayaa isagu goolka ugu horeeya Rigoore ku xireeyay, kaddib markii Xuseen Dheere dhulka la dhigay, muddo kaddibna laacib kale oo ladhaho Axmed Nabulsi, oo isagu u ciyaari jiray Naadiga Alshabab ee waddanka imaaraadka, una soo haajiray waddankan Kanada, ayaa goolka labaad xireeyay kaddib markuu Super Star Maxamed Sudani, baas Fiican ka helay. Laacibkaas Nabulsi ayaa isagu madaxda Kooxda Somalida intuu u yimi ka dalbaday inuu kooxdooda marti sharaf u noqdo ciyaarhaan Winterka dhacaya, kaddib markuu arkay ciyaar wanaagga kooxdu muujisay iyo sida ay uga ciyaar wanaagsan yihiin kooxaha kale. Benjamin iyo Masamed Sudani ayaa laba gool kala dhaliyay, Goolka Maxamed Sudani ayaa ahaa gool cajiib ah oo uu bartamaha banooniga ka qaatay, laacibka allstarna dhulka ku jiiday, ayuu gooliga keli ku noqday, intaas kuma ekaane gooligana dhulkuu ku jiiday, si xarrago ahna wuu i xireeyay. Dadwaynaha banaanka jooga ayaa halmar sawaxan la kacay una sacabtumay. laakiin Allstars ayaa iyaduna 2 gool kale dhashatay oo 4-4 ayay ka dhigeen. Gelinkii hore ayaa intaas la isku maray. Gelinkii dambe ayaa Kubbad qurux badan oo uu soo baasay Binjamiin, yaasir goolka ku hubsaday. Wax yar kaddibna Xueen dheere ayaa kubad madaxa ku xireeyay. 6-4, sheekadu inta kuma ekaane Allstar laba gool oo kale ayay kadaba keentay 6-6, wax yar kadibna gool kale ayay ku dareen 6-7, somalida oo yaaban, ayaa dhowr kubadood Binjamiin gooliga kui shuuday oo gacmaha ku gubay, waxaase Targetka la helay Faragaab oo isagu gooligii oo gacmuhu belbelayaan mid tii Binjamiin ka daran beerka ugeliyay, taasoo keentay inay geeska ku dhacdo dib usoo noqoto, oo xoog ay ku socotay darteed difaaca allstar ayaa khasab isaga dhaliyay. 7-7, dadwaynihii ayaa rajo hor leh soo gashay. Daqiiqaddii ugu dambaysay ayaa fanaanka Maxamed Sudan kubad qurux badan geeska lasoo galay gooligana ku shuuday, halkaasna 8-7 Somalidu ku hormartay. Goolkaas ayaa ahaa Winning gool. Runtii Maxamed Sudani waa laacib jookar ah meel kastana ka ciyaari kara, markuu difaac kuu istaago, cid foodda kusoo gelinaysaaba iska yar, horeyna warkeedaba daa. Laacibkaas ayaa u dhigma laacibka somalida oo macruufka ah Cali Baashi, waxaad u malaysaa inay "Carbon Copy" isu yihiin. Runtii xalyto waxaa dadka guusha soo hoyay ugu cadcadaa Gooliga Farxaan, oo isagu goolal badan si waalan u celiyay iyo Binjamiin oo isna si fiican u ciyaaray. Dhexda Yasir, Faragaab iyo labada Suudaanta ah si fiican ayay uga muuqdeen. Cabdi Fataaxna gadaal wuu ka xamaashay Somalida oo laacibiin badan ka maqan yihiin ayaa ka yaabsatay reer Windsor sida fanka ah oo ay u ciyaarayaan. Laacibiinta kooxdan ka maqan ayaa kal ah Yusuf Jihaad oo isagu ku maqan Suspension dulmi ahaan lagu siiyay, Maxamed Deeq oo dhaawacan, Mukhtar oo dhaawacan. Waxaa axaddan soo socota la sugayaa laba laacib oo iyaguna tiirka kooxdan Windsor ah waa Yaasiin oo ah laacib ay reer Windsor ku dhaartaan, iyo Maxamuud Cabdalla "Immigration" oo isaguna ah laacib khabiir ah markuu dhexda kuu joogona aad ka seexan kartid kana mid ah ragga kooxdan wax ka asaasay, isagoo waddanka dibadiisa ku maqnaa ayaa la sugayaa insha-allaah Khamiistaan inuu kusoo laabto Kanada. Khadka dhexe ee Windsor ayaa markay isku helaan Yaasir, Maxamuud iyo Faragaab lagu xauuustaa khadkii dahabiga ahaa ee Brazil ( Socrates, Zico iyo Falcoa). Sida loo kala taagan yahay ciyaarahan waxaad kala socon kartaa: http://www.leaguelineup.com/standings.asp?url=wyisl&sid=240198062&divisionid=148011 Somalida ayaa immink haysata 13 dhibcood, kelina ku ah kaalinta labaad, waxaana haray laba ciyaarood koobkaan. Koob kale ayaa isaguna bilaaban doona January 2, 2006 oo ay ka qayb geli doonaan somalidu. Waxaan u rajaynaynaa somaliyoo dhan meel ay joogaanba guul iyo dagaal la'aan. allgedo@allgedo.com |
|