| |
|
|
|
|
Allgedo! Sports, Monday, Dec. 19, 2005 |
Xidiga kubada cagta ee reer Brazil oo "Rolandinho" loo doortay! (Ronaldinho Named World Soccer Player 2nd Year in Row (Update1) (Ronaldinho's still the best) Xiriirka Kubada Cagta Aduunka"FIFA" oo sand walba soo xulo Xidiga ugu Qaab Ciyaareed Wanaagsan Aduunka ayaa Cawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Yahay Xidiga Kubada Cagta Aduunka ee Sandkan 2005, Wiilka Reer Brazil ee Kooxdda Barcolana u Dheela iyo Qaranka Dalkisa-Rolandinho. Codeeyntii loo qaaday ayuu ku hantiyeey 960-Cod kuna hantay Guusha Kaalinta Koowaad, Waana sanadkii labaad ee uu ku guuleeysto Ciyaartooyga Aduunka Kadib arkii 2004-tii noqday Xidiga Aduunka, Shaki kuma jiro in uu yahay Ciyaartooyga ugu Qaab Ciyaareed Wanaagsan, Garoomaha Aduunka ka dhigay Wacdaro iyo Hanaan Qaab Ciyaareed oo Qurxoon oo Raali geliyeey Malaayiin iyo Malaayiin Daawayaal ama Bahda Xiiseeysa Kubadda Cagta,Rolandino ayaa u soo Ciyaaray Kooxdda PSG ee Dalka Faransiiska, Qaranka Dalka Brazil oo Tartankii Koobka Aduunka 2002-dii ka mid ahaa Xidigihii u Suurta Galiyeey Hanashadda Koobka Aduunka, iyo Tartankii Qaramadda Qaaradda 2005 laga Qabtay Dalka Jarmalka oo Isla Brazil ku Guuleeystay, Kooxda Barcalona u suurta geliyeey ku Guuleeysiga Horyaalnimadda Dalka Spain, Xidigan ayaa leh Qaab Ciyaareed aad iyo aad u Wanaagsan oo uu Kubadda ugu Raaxeeysto, kuna Dhaliyo Golal aad u Heer Sareeya iyo Hanaan Wanaagsan oo Qeybinta Kubadda, Ciyaar Nadiifeed iyo Hab Soo Jiidasho leh, Wacaana laga Filaayaa in uu Tartanka Koobka Aduunka 2006 ka dhici Doona Dalka Jarmalka ku Soo Bandhigo Xeelao Wanaagsan iyo Qaabab Cusub oo Farsamo Ciyaareed Daawadayaasha Raali Geliya. Kaalinta Labaad waxaa ku Guuleystay Xidiga Qaranka Ingiriiska iyo Kooxdda Chelsea Farnka Lampa oo Helay 429-Cod, Kaalinta Sedexaadna Xidiga Afrika iyo Dalka Camaroon-Samaul Eto,o oo Helay 190-Cod, Runtiina Eto,o uu ka Qaab Ciyaareed Wanaagsan Lampard intii U Doono Laakiin Qaaradda uu ka Socdda ayaa Afrika ah oo aan Wax Mudnaan ah la Siin, Balse Xidiga Reer Camaroon waa Fanaan Habka Gool Dhalinta ku Caan oo Shaqabqo Wadadda Loo Mari Yaqaan. -Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(assan Carab)- -Huddersfield-England- 20/12/2005- -sharifhassan50@yahoo.com- allgedo@allgedo.com |
|