|
|||||
| Allgedo News, Sunday, October 15, 2006 | |||||
|
01600 Vantaa Ujeedo: Cam baarayn xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday Jubooyinka
Eng Idiris Hassan Farah waxuu soosaarayaa cam baarayntaan ku saabsan xiisadaha colaadeed ee ka soo cusboonaaday Jubooyinka iyo dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira gobolada Jubooyinka. Waxaa ayaan daro ah in markale kasoo cus boonaadaan saan saan colaadeed G/ Jubooyinka kadib markii ay la wareegeen ciidamada Maxaakiimta bishii aan soo dhaafnay oo sida muuqato aan miro dhal noqonaynin waa hadii uu hardan ka dhaco isla markaana uu dhiig badan ku daato. Sidaa darteed waxaan ku baaqaynaa inaan ladaadinin dhiig soomaaliyeed aydoo aanay jirin sabab loo xalaalaysto dhiiga dadka. Hadaba waxaan midawga maxaakiimta soomaaliyeed kula talinaynaa inay ka fakaraan dagaal ay lagalaan Bare hiiraale iyo waliba cawaaqib xumada uu keeni karo maadaama oo Bare ahaan jiray dadka aadka oogu dhaw MMI isla markaana aanu jirin khatar uu ku hayay iyo sabab maxaakiimtu ugeeyaan arinka halka uu maanta joogo, Waxayna dad badan is waydiinayaan waa maxay sababta ay max kamaduhu weerarka oogu qaadeen G/jubooyinka ayadoo ay ahayd meelaha laga taageersanyahay MMI. Sidaa darteed waxaan kula talinaynaa kooxaha isku hayo Jubooyinka inay gartaan in sida kali ah ee lagu bad baadi karaa ay tahay aydooo waxii jiro wada hadal lagu dhameeyo gaar ahaan waxaan MMI oogu baaqaynaa inay soo celiyaan ciidamada ay u direen gobolada jubooyinka si looga baaqsado dhiig sabab la aan kudaato. Ugu dam bayntii waxaan kula
talinaynaa masuuliyiinta soomaaliyeed meel kastaa oo ay joogaan
inay ka fogaadaan wax kastaa oo keeni karo isku dhac uu dhiig
badan ku daato lana dhawro mid nimada soomaaliyeed isla markaana
aan lagu jaha wareerinin shacabka soomaaliyeed dagaalo sokeeye
oo aan lagaranaynin danta laga leeyahay. Idiris Hassan farah |
|||||
|
|