Somaliarizona.com

 


 

 

Somali Arizona! News, Thursday,  August 31,  2006

Dimishiq Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qoto dheer!

Warbixin:

  
Sida ku cad taariikhda, magaalada Dimishiq waxay ka mid tahay magaalooyinkii ugu horeeyey ee uu dago bani’aadamku, waxaana  lagu tilmaamaa magaalo madaxda aduunka ugu da’da weyn, sababtoo ah muddo 6000 oo sanno ah ayaanay maalin qudha maamul la’aan ku soo toosin kuna seexan, Dimishiqna dadku ay intaasi ku noolaayeen.
  
Magaalada Dimishiq waxay mar la jaan qaaday ilbaxnnimadii dadka oo ka unkantay,kana hanaqaaday dhulka ku dheraran labada wabi ee Dijla iyo Furaat, oo iyagu ah halkii ilbaxnnimada adduunku indhaha ku kala furtay.
  
Waxayna magaaladan Dimishiq soo martay xukumo kala duwan oo dadkii soo xukumi jiray kala haysteen diino kala duwan, sida Diinta Yuhuuda, Kiristaanka iyo Diinta Islaamka oo ayba Muslimiintu  fureen dalka Suuriya bilowgii taariikhda hijriyada xilligii Amiirkii muminiinta Cumar Ibnu Khadaab (R.C).
  
Waxaana gacanta lagaga dhigay oo xilligaas xukumi jiray magaalada Dimishiq nimankii loo yaqaanay Biisaandiiniyiin, البيزنطين)), Sanadkii 14aad ee taariikhda Hijriyada 635 tariikhda Miilaadiga ah.
  
Waxaana ay Caasimad u noqotay dawladii Islaamka xilligii uu Mucaawiye Ibnu Abii Sufiyaan xilka la wareegay Aasaasayna dawladii markii danbe la baxday Uma-wiyiinta, taas oo loo nisbeeyey  jilibkii uu Mucaawiye(R.C) ka soo jeeday oo ahaa jilib Quraysh ah lana odhan jiray Banii- Ummayya, dawladaas oo jirtay muddo gaadhaysa 100 sanno, markii danbena ay hogaankii Dawladdii Islaamka la wareegeen  Cabbaasiyiinta oo Dawladaasna Ammiiradeedu  ka soo jeedeen nabagi(NNKH) adeerkii Cabbaas Ibnu Cabdil Mudalib.
  
Waxayna Cabaasiyiintu xilligaasi markay xukunka gacanta ku dhigeen uga wareegeen magaaladda Dimishiq oo Caasimad ka dhigteen magaalada Baqdaad oo ay iyagu aasaaseen waliba amiirkii la odhan jiray Abu Jacfar Almansuuri, oo Baqdaad dhagixii ugu horeeyey dhigay qarannigii labaad ee taariikhda Hijriyadda ah.  
  
Haddaba hadaynu u soo noqono magaalada Dimishiq oo aad ugu caan baxday Caasimadii Uma-wiyiinta ama Caasimaddii Mucaawiye ayaa waxa ku yaala goobo badan oo Taariikhi ah, iyada oo Dalka Suuriya badankiisuba wada taariikhi yahay, waxaana ka mid ah goobahaas oo ay Roomaaniyiintii iyo dadkii loo yaqaanay camaaliiqda oo iyagu Carab ahaaba ay kaga tageen raad aad u muuqda haday noqon lahaayeen daaro, garoono(masrax lagu soo bandhigi jiray ciyaaraha) iyo goobo lagu cibaadeysan jiray.
  
Waxa kale oo ay muslimiintii hogaanka u qabtay dunidu iyaguna ku soo kordhiyeen dalka Suuriya ilbaxnnimo iyo xadaarad hor leh oo aqoonteeda iyo dhismaheedaba wadata, waxyaalaha ugu horeeya oo ka turjumaya xadaaradda ay muslimintu ku soo biiriyeen ilbaxnnimadii hore oo haddaad booqatid goobaha taariikhiga ah ee ku yaala Dimishiq ku soo jiidanaya  waxaa ka mid ah Masjidka Uma-wiyiinta oo loo yaqaano (جامع الأموى ) 
  
Masjidka  Umuwayinta (جامع الأموى )
  
Masjidkaas  oo uu dhisay Khaliifkii Dawlada Uma-wayiinta Waliid Ibnu Cabdil-Malik sanadkii 86 ee taariikhda hijriga-kuna beegnayd sanadkii 705 taariikhda miilaadiga ah, wuxuuna masjidkani dhisan yahay muddo dhan 1295 oo sano.
  
Masjidkan ayaa waxa goobta uu ka dhisan yahay xilliyadii hore ahaan jirtay Kiniisad, waxaana ay Muslimiintu markii ay fureen Dimishiq ka agdhisteen kiniisadaas masjid, muddo markii ay muslimiintu ku sugnaayeen Dimishiq, ayna noqotay xilligii Walid Ibnu Cabdi-Malik Magaalo madaxdii dawladii Islaamka oo xiligaas u talinaysay koonfurta Faransiiska ilaa iyo galbeedka Shiinaha ayaa amiirkii muslimiintu Walid waxa uu Masiixiyiintii xilligaas kiniisada masjidka ku dhegan ku cibaadeysan jiray la galay wada hadal si ay uga iibiyaan muslimiinta dhulka kiniisadu ku taalay, markii ay ogolaadeena waxa uu amiirku markiiba guda galay sidii uu u balaadhinlahaa Masjidkii iyada oo kiniisadii la burburiyey. 
  
Wuxuuna isugu yeedhay muslimiinta, waxuuna ka codsaday in ay bilaabaan masjid u qalma Caasimada dawlada muslimiinta, kaas oo qaadi kara dad aad u tiro badan, wuxuuna  u furay khasnadihii dawlada, waxaana ay sheegaan khubarada Taariikhdu in ay gaadhaysay lacagta lagu dhisay Masjidkan lacag dhan 5.600,000 Diinaar shan milyan iyo lix boqol oo kun oo diiraanka xilligaas ahaa, oo aan manta wax lagu qiimeeyo la garan Karin,sida ku xusan Buuga uu qoray Dr. C/qaadir AL-Rayxaawi جامع دمشق الأموي,التاريخ والتراث والفن المعمارى)). 
  
Barxadda Masjidka Uma-wiyiinta Dimishiq
  
Waxa kale oo uu Waliid Ibnu Cabdi Malik ka codsadey in la dhiso masjid aan hore looga dhisin dunida ,  dibna loo dhisin, haday noqon lahayd dhinaca quruxda iyo weynaantaba, taas oo marka aad eegtid masjidka sida loo dhisay aad ka dareemi kartid sida loo qurxiyey , iyada oo la adegsanayo dhagxaan aad loo qoray iyo marmarka lagu naqshadeeyo tiirarka iyo gidaarka masjidka.   
  
Masjidkan ayaa waxa uu ka kooban yahay laba qaybood, oo kala ah qaybta gudaha oo iyada markasta lagu tukado qaadina karta 10,000 oo qof iyo barxad weyn oo loogu talo galay hadduu buuxsamo in lagu tukado, waxaana barxadaas ku yaala sadex qubadood ama sadex goobood ku kala yaala aadna loo qurxiyey, oo ta dhexe tahay meel loogu talo galay in lagu weyseysto.  
 
Qabriga Nabi Yaxye (C.S) sida ay aaminsan yihiin dad badan oo ka barakeysanaya
Masjidka Gudihiisa.

  
Masjidkan ayaa gudihiisa waxa ku yaala sida ay aaminsan yihiin dadka reer Shaam (Dimishiq) qabrigii NABI Yaxye (Calayhi Salaam), waxaa kale oo ku yala ceelkii Kiniisadii meesha laga dumiyey loo adeegsan jiray, waxa kale oo ku soo jiidanaya minbarka masjidka oo aad loo qurxiyey, iyo afar mixraab oo loogu tala galay in xilliyada duruustu ka socoto masjidka  lagu kala tukado..
  
Masjidka oo dib u habayn lagu sameeyey badhtamihii sideetameeyaadkii , lacag aad u badanina ku baxday ayaa waxa gudihiisa lagu xardhay, mar-mar iyo laydhadh aad u quruxbadan oo qofka booqda aad u jiidanaya, waxaana maalintiiba soo booqda dalxiisayaal aad u tirabadan kuwaas oo isugu jira dad ka kala yimi daafaha aduunka isuguna jira muslin iyo dadka kale ee diimaha kala duwan haysta.
    
Mid ka mid ah Minaaradaha Masjidka
  
Waxa kale oo uu masjid kani lee yahay sadex minaaradood oo dhaadheer oo mid waliba naqshad gooniya leedahay, iyada oo dhagaxaanta minaaradahaas qaarkood  la sheegay in ay ka hadheen macbadkii ama kiniisaddii ay masiixiyiintu ku cibaadeysan jireen.
  
Magaalada Dimishiq waxa kale oo ku soo jiidanaya qalcadda lagu magacaabo qalcadda Dimishiq taas oo uu dhisay mujaahidkii weynaa ee muslimiinta Salaaxa-diin Al-ayyuubi, sanadkii 1076M-469Hwaxayna kaga beegan tahay masjidka dhinaca qorax u dhaca iyada oo u jirta in ka yar 100m.

Qalcadda Dimishiq (1079m-469)
  
Qalcaddan ayaa iyaduna waxa ay ahaan jirtay goob looga taliyo dhulka muslimiinta xilli ay gaaladu ama kiristaanku weerar ku soo qaadeen dhulkii muslimiinta, gaar ahaan qudus iyo falastiin, dagaaladii la baxay dagaalkii mucatabka.    
 
Gurigii Suldan Daahir Bibaras, Suldaankii Jabiyey Maangooliyiinta
  
Dimishiq innaga oo aan ku soo koobi Karin hal maqaal dhulka Taariikhiga ah ee qiimaha badan ee ku yaala ayaa waxa indhahaaga soo jiidanaya gobo badan oo saxaabadii R.C ku noolaan jireen sida Bilaal Ibnu Rabaaxa(R.C) mu’adinkii Rasuulka(C.S.W.S) oo ku aasan magaalada Dimishiq, ka dib markii uu degay xilligii danbe ee noloshiisa sida Taariikhdu qortana gabadh Dimishiqiyad ah kuba guursaday, wuxuuna ku geeriyoodey sanadkii 20 taariikhda hijriga isaga oo dadiisu ahayd 64 jir. 
  
Qabriga Bilaal Al-xabashiyyi, sida uu xaqiijiyey Imaamu Nawawi
  
Waxa kale oo iyaguna jira masaajidyo badan oo saxaabadii nabigu (N.N.N.K) ay laasimeen oo dadka wax ku bari jireen waxaana ka mid ah ,masjidkii Abuu Dardaa, uu dadka casharada ugu meerin jiray, kuna dhegan Qalcadda Dimishiq waxa kale oo ku yaala sida ay dad badani aaminsan yihiin masjidkii uu u badnaanjiray Abu Hurayra(R.C) oo ku dhexyaala suuqa ugu weyn dimishiq uguna caasan ee xamaadiya badhtamihiisa.
    
Misjidkii Abu-Hurayra oo ku dhexyaala suuqa Xamiidiya
  
Dimishiqna waxaa ku noolan jiray culimo waaweyn oo dunida islaamka aad looga yaqaano cilmigii iyo aqoontii ay ka tageena daafaha aduunka ka kala dhacday waxaana ka mid ah, Imaamu Nawawi, kana soo jeeday Tuulada la yidhaado Nawa, Shiikhan oo dunida Islaamka aad looga yaqaano Kutub badana allifay, sida kitaabka Riyaadu Saalixiin,sharaxyna kitaabka saxiixul muslim.
  
Dimishiq culimadii kale ee ku noolaan jirtay waxaa ka mid ahaa , Ibnu kathiir, oo tafsiirka can ka ah qoray iyo Ibnu Taymiyah, oo  xilligii uu nolaa Ibnu Taymiyah Dimishiqba ay qabsadeen Dadkii loo yaqaanay Tataarka ama Maqoolka, ee weerarka ka soo qaaday Dalka Maanta loo yaqaano Maangooliya, waxa kale oo  iyaguna ku noolaan jiray Dimishiq  culimo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin.  
 
Suuqa Xamiidiya

Magaalada Dimishiq waxa kale oo ku yaala suuq taariikhiya oo lagu magacaabo Suuq Xamidiya oo  ay dhiseen Cusmaaniyiintii dunida islaamka muddo dheer xukumasay. Dalka Suuriya waa dad hodanka ah dhinaca Taariikhda goobaha kale ee iyagana dalxiis ahaan loo tago waxaa ka mid ah Magaalada Xalab oo ku taala waqooyiga dalka oo ay ku yaalaan qalcado badan oo Taariikhi ahi, dhawaana looba doortay Caasimada Taariikhda Islaamka,waxaa iyana aad loo booqdaa Xuduuda u dhaxaysa Suuriya iyo Urdun oo uu ka dhacay Dagaalkii dhulkan Shaam lagu furtay goobtaas oo loo yaqaano Yarmuuk, Dagaalkaas waxaa dhinaca Muslimiinta hogaaminayey Kaalid Ibnu Walid(R.C) oo ku aasan  magaalada Xalab , waxa kale oo ku taala Basra Shaam oo ah goobtii uu nabigu(N.N.K.H) yaraatiisii isaga oo la socda adeerkiis cabbaas booqday.  
  
Qudbiga Qabriga Salaaxa-Diin  (Qabriga Salaaxadiin Al-ayuub 1193 taariikhda miiladiga)
  
Magaalooyinka kale ee Taariikhiga waxaa ka mid ah magaalada Tadmur oo ay Roomaaniyiintii dhulkan ka talin jirtay Islaamka ka hor ay dhiseen,Buuro la xardhayna u badan, Dalka Suuriya goobhaas taarikhiga ahi waxay ugu jiraan Tiirarka ugu waaweyn ee uu dhaqaalaha ka helo dalku, waxaana sanad kasta Soo booqda dalka Suuriya Dalxiisayaal daafaha aduunka ka kala yimaada, kuwaas oo isugu jira dad tamashlaynaya, kuwo cibaadeysanaya iyo kuwo cilmi baadhis u yimaada, waxaana dalka ka soo gala dalxiisayaashaas kala duwan dakhli  malaayiin Dollarka Maraykanka ah gadhay.  

Siiriya waa dal nabad galyadiisu ay aad u wanaagsan  tahay, kuna jira dalalka aduunka ugu nabad galyada badan in kastuu ku yaalo bogcad aad u loolan badan oo ay ka taagan yihiin dhibaatooyinka aduunka ugu khatarsan sida qadiyada falastiin, iyo buuraha jolan oo ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya sanadkii 1967, hadana waxa uu dalxiisayaashaas ku kasbaday nabada gudaha dalka ka jirta, waxaanu dalxiiskani sii xoogaystay 11/9/2001 qaraxii daarihii dhaadheeraa ee maraykanka ka dib, markaas oo ay ku soo jabeen dadkii u dalxiisi jiray dalalka reer galbeedka markii cadaadis la saaray, kuwaas oo u badnaa dalxiisayaal u dhashay wadamada carabta gaar ahaan gacanka carabta.  



Asad Caddaani Ibrahim
Dimishiq, Suuriya
asadlaska@hotmail.com
asadlaska@yahoo.com


 

Somali Arizona News Media

 


 

 
 

                 Somaliarizona Online © 2006 - All Rights Reserved.                     
contact us at:
somaliarizona@somaliarizona.com