|
Dimishiq
Caasimaddii Umawiyiinta, Taariikh Qoto dheer!
Warbixin:
Sida ku cad taariikhda, magaalada Dimishiq waxay ka mid
tahay magaalooyinkii ugu horeeyey ee uu dago bani’aadamku,
waxaana lagu tilmaamaa magaalo madaxda aduunka ugu
da’da weyn, sababtoo ah muddo 6000 oo sanno ah ayaanay
maalin qudha maamul la’aan ku soo toosin kuna seexan,
Dimishiqna dadku ay intaasi ku noolaayeen.
Magaalada Dimishiq waxay mar la jaan qaaday ilbaxnnimadii
dadka oo ka unkantay,kana hanaqaaday dhulka ku dheraran
labada wabi ee Dijla iyo Furaat, oo iyagu ah halkii
ilbaxnnimada adduunku indhaha ku kala furtay.
Waxayna magaaladan Dimishiq soo martay xukumo kala duwan oo
dadkii soo xukumi jiray kala haysteen diino kala duwan, sida
Diinta Yuhuuda, Kiristaanka iyo Diinta Islaamka oo ayba
Muslimiintu fureen dalka Suuriya bilowgii taariikhda
hijriyada xilligii Amiirkii muminiinta Cumar Ibnu Khadaab (R.C).
Waxaana gacanta lagaga dhigay oo xilligaas xukumi jiray
magaalada Dimishiq nimankii loo yaqaanay Biisaandiiniyiin,
البيزنطين)), Sanadkii 14aad ee taariikhda Hijriyada 635
tariikhda Miilaadiga ah.
Waxaana ay Caasimad u noqotay dawladii Islaamka xilligii uu
Mucaawiye Ibnu Abii Sufiyaan xilka la wareegay Aasaasayna
dawladii markii danbe la baxday Uma-wiyiinta, taas oo loo
nisbeeyey jilibkii uu Mucaawiye(R.C) ka soo jeeday oo
ahaa jilib Quraysh ah lana odhan jiray Banii- Ummayya,
dawladaas oo jirtay muddo gaadhaysa 100 sanno, markii
danbena ay hogaankii Dawladdii Islaamka la wareegeen
Cabbaasiyiinta oo Dawladaasna Ammiiradeedu ka soo
jeedeen nabagi(NNKH) adeerkii Cabbaas Ibnu Cabdil Mudalib.
Waxayna Cabaasiyiintu xilligaasi markay xukunka gacanta ku
dhigeen uga wareegeen magaaladda Dimishiq oo Caasimad ka
dhigteen magaalada Baqdaad oo ay iyagu aasaaseen waliba
amiirkii la odhan jiray Abu Jacfar Almansuuri, oo Baqdaad
dhagixii ugu horeeyey dhigay qarannigii labaad ee taariikhda
Hijriyadda ah.
Haddaba hadaynu u soo noqono magaalada Dimishiq oo aad ugu
caan baxday Caasimadii Uma-wiyiinta ama Caasimaddii
Mucaawiye ayaa waxa ku yaala goobo badan oo Taariikhi ah,
iyada oo Dalka Suuriya badankiisuba wada taariikhi yahay,
waxaana ka mid ah goobahaas oo ay Roomaaniyiintii iyo dadkii
loo yaqaanay camaaliiqda oo iyagu Carab ahaaba ay kaga
tageen raad aad u muuqda haday noqon lahaayeen daaro,
garoono(masrax lagu soo bandhigi jiray ciyaaraha) iyo goobo
lagu cibaadeysan jiray.
Waxa kale oo ay muslimiintii hogaanka u qabtay dunidu
iyaguna ku soo kordhiyeen dalka Suuriya ilbaxnnimo iyo
xadaarad hor leh oo aqoonteeda iyo dhismaheedaba wadata,
waxyaalaha ugu horeeya oo ka turjumaya xadaaradda ay
muslimintu ku soo biiriyeen ilbaxnnimadii hore oo haddaad
booqatid goobaha taariikhiga ah ee ku yaala Dimishiq ku soo
jiidanaya waxaa ka mid ah Masjidka Uma-wiyiinta oo loo
yaqaano (جامع الأموى )
Masjidka
Umuwayinta (جامع الأموى )
Masjidkaas oo uu dhisay Khaliifkii Dawlada
Uma-wayiinta Waliid Ibnu Cabdil-Malik sanadkii 86 ee
taariikhda hijriga-kuna beegnayd sanadkii 705 taariikhda
miilaadiga ah, wuxuuna masjidkani dhisan yahay muddo dhan
1295 oo sano.
Masjidkan ayaa waxa goobta uu ka dhisan yahay xilliyadii
hore ahaan jirtay Kiniisad, waxaana ay Muslimiintu markii ay
fureen Dimishiq ka agdhisteen kiniisadaas masjid, muddo
markii ay muslimiintu ku sugnaayeen Dimishiq, ayna noqotay
xilligii Walid Ibnu Cabdi-Malik Magaalo madaxdii dawladii
Islaamka oo xiligaas u talinaysay koonfurta Faransiiska ilaa
iyo galbeedka Shiinaha ayaa amiirkii muslimiintu Walid waxa
uu Masiixiyiintii xilligaas kiniisada masjidka ku dhegan ku
cibaadeysan jiray la galay wada hadal si ay uga iibiyaan
muslimiinta dhulka kiniisadu ku taalay, markii ay
ogolaadeena waxa uu amiirku markiiba guda galay sidii uu u
balaadhinlahaa Masjidkii iyada oo kiniisadii la burburiyey.
Wuxuuna
isugu yeedhay muslimiinta, waxuuna ka codsaday in ay
bilaabaan masjid u qalma Caasimada dawlada muslimiinta, kaas
oo qaadi kara dad aad u tiro badan, wuxuuna u furay
khasnadihii dawlada, waxaana ay sheegaan khubarada
Taariikhdu in ay gaadhaysay lacagta lagu dhisay Masjidkan
lacag dhan 5.600,000 Diinaar shan milyan iyo lix boqol oo
kun oo diiraanka xilligaas ahaa, oo aan manta wax lagu
qiimeeyo la garan Karin,sida ku xusan Buuga uu qoray Dr. C/qaadir
AL-Rayxaawi جامع دمشق الأموي,التاريخ والتراث والفن المعمارى)).
Barxadda Masjidka Uma-wiyiinta
Dimishiq
Waxa kale oo uu Waliid Ibnu Cabdi Malik ka codsadey in la
dhiso masjid aan hore looga dhisin dunida , dibna loo
dhisin, haday noqon lahayd dhinaca quruxda iyo weynaantaba,
taas oo marka aad eegtid masjidka sida loo dhisay aad ka
dareemi kartid sida loo qurxiyey , iyada oo la adegsanayo
dhagxaan aad loo qoray iyo marmarka lagu naqshadeeyo
tiirarka iyo gidaarka masjidka.
Masjidkan ayaa waxa uu ka kooban yahay laba qaybood, oo kala
ah qaybta gudaha oo iyada markasta lagu tukado qaadina karta
10,000 oo qof iyo barxad weyn oo loogu talo galay hadduu
buuxsamo in lagu tukado, waxaana barxadaas ku yaala sadex
qubadood ama sadex goobood ku kala yaala aadna loo qurxiyey,
oo ta dhexe tahay meel loogu talo galay in lagu weyseysto.
Qabriga
Nabi Yaxye (C.S) sida ay aaminsan yihiin dad badan oo ka
barakeysanaya
Masjidka Gudihiisa.
Masjidkan ayaa gudihiisa waxa ku yaala sida ay aaminsan
yihiin dadka reer Shaam (Dimishiq) qabrigii NABI Yaxye
(Calayhi Salaam), waxaa kale oo ku yala ceelkii Kiniisadii
meesha laga dumiyey loo adeegsan jiray, waxa kale oo ku soo
jiidanaya minbarka masjidka oo aad loo qurxiyey, iyo afar
mixraab oo loogu tala galay in xilliyada duruustu ka socoto
masjidka lagu kala tukado..
Masjidka oo dib u habayn lagu sameeyey badhtamihii
sideetameeyaadkii , lacag aad u badanina ku baxday ayaa waxa
gudihiisa lagu xardhay, mar-mar iyo laydhadh aad u
quruxbadan oo qofka booqda aad u jiidanaya, waxaana
maalintiiba soo booqda dalxiisayaal aad u tirabadan kuwaas
oo isugu jira dad ka kala yimi daafaha aduunka isuguna jira
muslin iyo dadka kale ee diimaha kala duwan haysta.
Mid ka mid ah Minaaradaha Masjidka
Waxa
kale oo uu masjid kani lee yahay sadex minaaradood oo
dhaadheer oo mid waliba naqshad gooniya leedahay, iyada oo
dhagaxaanta minaaradahaas qaarkood la sheegay in ay ka
hadheen macbadkii ama kiniisaddii ay masiixiyiintu ku
cibaadeysan jireen.
Magaalada Dimishiq waxa kale oo ku soo jiidanaya qalcadda
lagu magacaabo qalcadda Dimishiq taas oo uu dhisay
mujaahidkii weynaa ee muslimiinta Salaaxa-diin Al-ayyuubi,
sanadkii 1076M-469Hwaxayna kaga beegan tahay masjidka
dhinaca qorax u dhaca iyada oo u jirta in ka yar 100m.
Qalcadda
Dimishiq (1079m-469)
Qalcaddan ayaa iyaduna waxa ay ahaan jirtay goob looga
taliyo dhulka muslimiinta xilli ay gaaladu ama kiristaanku
weerar ku soo qaadeen dhulkii muslimiinta, gaar ahaan qudus
iyo falastiin, dagaaladii la baxay dagaalkii mucatabka.
Gurigii
Suldan Daahir Bibaras, Suldaankii Jabiyey Maangooliyiinta
Dimishiq innaga oo aan ku soo koobi Karin hal maqaal dhulka
Taariikhiga ah ee qiimaha badan ee ku yaala ayaa waxa
indhahaaga soo jiidanaya gobo badan oo saxaabadii R.C ku
noolaan jireen sida Bilaal Ibnu Rabaaxa(R.C) mu’adinkii
Rasuulka(C.S.W.S) oo ku aasan magaalada Dimishiq, ka dib
markii uu degay xilligii danbe ee noloshiisa sida Taariikhdu
qortana gabadh Dimishiqiyad ah kuba guursaday, wuxuuna ku
geeriyoodey sanadkii 20 taariikhda hijriga isaga oo dadiisu
ahayd 64 jir.
Qabriga
Bilaal Al-xabashiyyi, sida uu xaqiijiyey Imaamu Nawawi
Waxa kale oo iyaguna jira masaajidyo badan oo saxaabadii
nabigu (N.N.N.K) ay laasimeen oo dadka wax ku bari jireen
waxaana ka mid ah ,masjidkii Abuu Dardaa, uu dadka casharada
ugu meerin jiray, kuna dhegan Qalcadda Dimishiq waxa kale oo
ku yaala sida ay dad badani aaminsan yihiin masjidkii uu u
badnaanjiray Abu Hurayra(R.C) oo ku dhexyaala suuqa ugu weyn
dimishiq uguna caasan ee xamaadiya badhtamihiisa.
Misjidkii
Abu-Hurayra oo ku dhexyaala suuqa Xamiidiya
Dimishiqna waxaa ku noolan jiray culimo waaweyn oo dunida
islaamka aad looga yaqaano cilmigii iyo aqoontii ay ka
tageena daafaha aduunka ka kala dhacday waxaana ka mid ah,
Imaamu Nawawi, kana soo jeeday Tuulada la yidhaado Nawa,
Shiikhan oo dunida Islaamka aad looga yaqaano Kutub badana
allifay, sida kitaabka Riyaadu Saalixiin,sharaxyna kitaabka
saxiixul muslim.
Dimishiq culimadii kale ee ku noolaan jirtay waxaa ka mid
ahaa , Ibnu kathiir, oo tafsiirka can ka ah qoray iyo Ibnu
Taymiyah, oo xilligii uu nolaa Ibnu Taymiyah
Dimishiqba ay qabsadeen Dadkii loo yaqaanay Tataarka ama
Maqoolka, ee weerarka ka soo qaaday Dalka Maanta loo yaqaano
Maangooliya, waxa kale oo iyaguna ku noolaan jiray
Dimishiq culimo kale oo aan halkan lagu soo koobi
Karin.
Suuqa
Xamiidiya
Magaalada Dimishiq waxa kale oo ku yaala suuq taariikhiya oo
lagu magacaabo Suuq Xamidiya oo ay dhiseen
Cusmaaniyiintii dunida islaamka muddo dheer xukumasay. Dalka
Suuriya waa dad hodanka ah dhinaca Taariikhda goobaha kale
ee iyagana dalxiis ahaan loo tago waxaa ka mid ah Magaalada
Xalab oo ku taala waqooyiga dalka oo ay ku yaalaan qalcado
badan oo Taariikhi ahi, dhawaana looba doortay Caasimada
Taariikhda Islaamka,waxaa iyana aad loo booqdaa Xuduuda u
dhaxaysa Suuriya iyo Urdun oo uu ka dhacay Dagaalkii dhulkan
Shaam lagu furtay goobtaas oo loo yaqaano Yarmuuk,
Dagaalkaas waxaa dhinaca Muslimiinta hogaaminayey Kaalid
Ibnu Walid(R.C) oo ku aasan magaalada Xalab , waxa
kale oo ku taala Basra Shaam oo ah goobtii uu nabigu(N.N.K.H)
yaraatiisii isaga oo la socda adeerkiis cabbaas booqday.
Qudbiga
Qabriga Salaaxa-Diin (Qabriga
Salaaxadiin Al-ayuub 1193 taariikhda miiladiga)
Magaalooyinka kale ee Taariikhiga waxaa ka mid ah magaalada
Tadmur oo ay Roomaaniyiintii dhulkan ka talin jirtay
Islaamka ka hor ay dhiseen,Buuro la xardhayna u badan, Dalka
Suuriya goobhaas taarikhiga ahi waxay ugu jiraan Tiirarka
ugu waaweyn ee uu dhaqaalaha ka helo dalku, waxaana sanad
kasta Soo booqda dalka Suuriya Dalxiisayaal daafaha aduunka
ka kala yimaada, kuwaas oo isugu jira dad tamashlaynaya,
kuwo cibaadeysanaya iyo kuwo cilmi baadhis u yimaada,
waxaana dalka ka soo gala dalxiisayaashaas kala duwan dakhli
malaayiin Dollarka Maraykanka ah gadhay.
Siiriya
waa dal nabad galyadiisu ay aad u wanaagsan tahay,
kuna jira dalalka aduunka ugu nabad galyada badan in kastuu
ku yaalo bogcad aad u loolan badan oo ay ka taagan yihiin
dhibaatooyinka aduunka ugu khatarsan sida qadiyada falastiin,
iyo buuraha jolan oo ay Israa’iil ka qabsatay Suuriya
sanadkii 1967, hadana waxa uu dalxiisayaashaas ku kasbaday
nabada gudaha dalka ka jirta, waxaanu dalxiiskani sii
xoogaystay 11/9/2001 qaraxii daarihii dhaadheeraa ee
maraykanka ka dib, markaas oo ay ku soo jabeen dadkii u
dalxiisi jiray dalalka reer galbeedka markii cadaadis la
saaray, kuwaas oo u badnaa dalxiisayaal u dhashay wadamada
carabta gaar ahaan gacanka carabta.
Asad Caddaani Ibrahim
Dimishiq, Suuriya
asadlaska@hotmail.com
asadlaska@yahoo.com
Somali Arizona News Media
|