Taariikh Kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan,
Allaha u naxariistee, iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo
horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo
Talyaaniga.
Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay maqlaan magaca iyo
martabada uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay
taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray
taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo
xushmada ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo
Galbeed, Koonfur iyo Waqooyi inay isweydiiyaan: "muxuu
Sayid Maxamed ku mutaystay xusuuustaa karaamaysan ee aan cid
kale la wadaagin?" Haddaba suuragal ma aha in qormo qudh ah
lagu soo koobo dagaal 21 sanno soconayey, haseyeeshee waxaan
isku dayeynaa in aan guudmaro dhiiranaantii, geesinimadii
iyo mintidkii gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey
Sayid Maxamed Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u
diiday gumaysiga dhinac walbana ka wareemay.
Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday
Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii
wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta
Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna
duulaan. Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada
degan haddii ay isqoonsadaan. Sidaa awgeed, Ingiriisku
wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga
dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo
qabaa'ilka Soomaaliyeed. Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska
Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid
Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala
socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto.
Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee yahay xer badan
hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana
jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga
Soomaaliyeed. 1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada
Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu
uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado
degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku waxay ku
dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu
waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si
sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii
Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u
xogwaramaan markii la waraystay.
April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska
Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar
sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo
tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad
ba'an oo uu Ingiriiska kusoo qaado. Bishii August 1899kii
waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed
yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid
ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh
haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka
aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada
abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si
badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo
doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay
Daraawiish, wuxuu u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo dhan
inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.
Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa soo xaluushay
akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu ay
kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi'in
doonaan ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha
magaaladana gubi doonaan. Arintaasi argagax iyo cabsi ayey
ku riday Ingiriiskii iyo gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo
xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo qalab waxay lahaayeen ku
daldashay markab magaciisa la odhan jidhay FALCON waxayna u
qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen. Nimankii shisheeyaha
ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen saraakiishii
iyo ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa
marka ay Soomaaliya cagta dhigaan. Shisheeyihii ku hadhay
Berberana habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo
gaadheen laba markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan
jidhay Medos iyo Bahome.
Waxaan idiin sheegayaa in aad samayseen wixii aad
doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in dadka
idin rumaysan ay yihiin kuwa khaa'imiin ah oo diintoodii
iyo dalkoodiiba caasiyey. Waa Maxamedkii aad taqaaneen
oo idin warsanaya in aad hubka iska dhigtaan ood
isdhiibtaan sidaa darteed baan warqadaan idiinku soo
diray. Eega laba kala doorta: haddii aad dagaal
doonaysaan gudooma baanu lee nahay, haddii aad nabad
rabtaana baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka isaga
tagtaan.
Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu akhristay
warqadii Sayidka aad buu uga cadhooday waxaana
Ingiriisku u aqoonsaday Sayidka inuu yahay nin ku
shuftoobay taliskiisa, wuxuuna digniin ku bixiyey
Soomaalidii taliskiisa ku hoos jirtay in ciqaab ay la
kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah ay la
yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan Sayidka. Ingiriisku
waxay Sayidka u baxsheen 'Mad Mullah' oo macnaheedu
yahay wadaadkii walaa, waayo xilligaa gumaysigu wax aan
miyir qabin oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga
Ingiriisku lee yahay isku dayda in ay is hortaagto.
Taaktikada iyo tabcooyinka dagaalka ciidamadii
Daraawiishta oo xambaarsan waanadii xusuusanna gabayadii
guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay u hureen
dalkooda iyo diintooda siddii ay u daafici lahaayeen.
- Ninkii bala'da lagu yeedhiyee bayraq lagu
duubay
- Kol hadduusan bara aamin baahi geys noqonin
- Inaan boqorka loo deynahayn ba'aha yow sheega
- ...
- Runba nimaan u baydhayn ibleys barale
weeyaane
- Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi
waayo
- Inaan dhegaha loo balalinayn ba'aha yow
sheega
- ..
- Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile
e
- Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari
waayo
- Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba'aha yow
sheega
- ...
- Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye
- Goortuu bidhaan cadow arkuu balow
yidhaahdaaye
- Inaan mowdka laga baajinayn ba'aha yow sheega
- Geesiga halkii lagu baxay baa
bili ka raacdaaye
- Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala
baydhye
- Isaguna buruu leeyahaye ba'aha yow sheega
Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu heshiish la
galay boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku
waafaqeen in ay wadajir Sayidka ula dagaalamaan.
Waxaana bishii March 1900, kasoo ambabaxay magaalada
Herar ciidamo Xabashi ah oo uu hogaaminayey sargaal
Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso Daraawiishta iyo
ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga halkaa oo
wax la dilay iyo wax la dhaawacay laga dhigay. Hayes
Sadler oo ahaa qunsulkii sarre ee Ingiriiska waxa uu u
diray H. G. C. Swayne dhanbaalkan:
Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad dishaan Sayidka
ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo
waad aqbali kartaan, haddii uusan arintaa wax
shuruud ah ku xidhin. Markaa ka dibna waa inaad
baabi'isaan dhamaanba qabaa'iladii Sayidka
taageerada u fidiyey.
Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay dawladda
Ingiriiska, Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan,
Hunuud iyo Asian isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka
ugu soo qaaday duulimaadkii ugu hareeyay.
Bishii November 1900, waxaa dalka Soomaaliya yimid
Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u
horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey. Swayne kuma uu
cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay
walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa
ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka
Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la
magacbaxay Seventeen Trips Through Somaliland oo
macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya
Lagu Maray.
Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu
dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna
adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida,
waxayna go'aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay
Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku
dalka Itoobiya u diray Gaashaanle
(..........................) oo ka tirsanaa ciidamadii
la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay
Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro
ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.
Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal askar
ah iyo saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen,
waxaana ka mid ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N.
Arms, Dhame C. N. S. Cord iyo kuwa fara badan oo kale.
Markii uu Berbera yimid Swayne wuxuu bixiyey
xogwarankan:
Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u
biimaynayaan Daraawiishtu. Marnaba u malayn maynin ilaa
aan dagaal kula kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa
gaadhsiisan tahay. Daraawiishtu waxay u badan yihiin
niman xaasaskoodii, ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo
tagay si ay u noqdaan naftood hurayaal. Waxay sitaan
cimaamado iyo go'yaal bayl ah, waxayna qabaan amar ah
inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima kasta ha ugu
kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii ay wax
dilaanba inay janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii
dagaalkii raggii Daraawiishta uga dhintay waxay u
badnaayeen xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay
dhufayskii aanu ku jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama
Ilaah baa weyn.
Hadalkaasi waa xog warankii Swayne. Duulimaadkii
koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay
dhamaadeen October 6, 1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo
Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo
Fardhidin.
- Ninka gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay
- Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday
- Sidii boodhle geesala' ninkii gaaddaduu
mariyey
- Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay
- Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin
- Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga
qaatay
- ...
- Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey
- Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey
- Siddii caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel
aadshey
- Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga
dhaartay
- Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku
geeraaray
- Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala
laabtay
- Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray
- Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga
gurguureynin
- Ninka yidhi gol madhan waa miduu galay
wadkiisiiye
Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee
horre waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah
waxayna ogaadeen xoogga Daraawiishta oo ah mid aan
dhayal loo loodin karin. Ciidamadii Ingiriiska ooy
kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay King's African
Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo baqdin ay
ka qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u turin. Si
haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii
saddexaad waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii
General W. H. Manning, dawlada Ingiriiskuna waxay
heshiis la yeelatay Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in
Talyaanigu geesta Bari kasoo weeraro Sayidka. Sidaa
darteed laba markab oo ah kuwa dagaalka ooy Ingiriiska
iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa xeebaha dalka ku
wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay asgartooda
kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.
September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee
dowlada Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo
ciidamo uu lee yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed
Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inuu wado
duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo xoogleh kasoo
rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga
hareereeyo Sayidka. 1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo
Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah
goobtaa waxaa ka raacday guuldaro culus.
April 1903 dii Sayidku wuxuu
Ingiriiska usoo diray warqadan markii Nugaal uu u
hayaamayey:
Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Ku: Ingiriiska
Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga oo tixgaliya.
Waxaan doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana
daafaco. Hadalkayga maqla oo tixgaliya. Ma aad
maqashaane dhibbaa dacalka idiin soo gaadhay. Waxay
idiinku sheekeeyeen Daraawiishi waa carartay, ma ay
cararinse ee waa dagaalamayaan. Waxaan u guuraynaa
meeshii aan doono anagoon baqayn. Waxaan doonaynaa in
aan idinla dirirno dagaalkana aad ayaan uga helaa, hase
yeeshee idinku maya. Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan
idinka furandoonaa hub fara badan. Anigu ma lihi
hodannimo, ma lihi guryo, ma lihi beero, ma haysto dahab
iyo dheeman midna aad iga dhacdaan. Dadkaygu wax wanaag
ah idiin mahayo idinkuna uma haysaan. Aniga waxaad iigu
timaadaani waa xabad iyo dagaal wax kalana iga heli
maysaan. Waxaan kula kulmay raggiinii dagaal waana aan
wada gowracay. Dadkii naga dhintay waxay shaqaysteen
janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad dagaal wadaan
raali baanu ka nahay haddii aad nabad rabtaana ka baxa
dalkanaga oo aada dalkiinii, haddii aad dagaal rabtaana
sii jooga.
July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday duulimaadkii
saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari
iyo Waqooyiba ku dagaalameen. Waxaa Ingiriiska gaadhay
jug weyn waxaana saraakiishii uga dhintay dagaalka ka
mid ahaa Gashaanle Sare A. M. Ruthford, Gaashaanle Dhexe
A. W. D. Francis oo hogaaminayey ciidamadii la magac
baxay Regiment Manchester, Dhame S. T. Albright oo
taliye ka ahaa ciidamdii loo yiqiin ...........
Regiment, Kabtan J. John Stewart oo ka tirsanaa
ciidamadii loo yiqiin Argyll and Sutherland Highlanders,
Dhame H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent
Regiment, Dhame J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo
madax ka ahaa North Derby Regiment ciidamo badanna
xukumay. Guud ahaan, sida uu qoray Douglas Jaridine,
waxay dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga u dartay
sagaal (9) sargaal oo sarsare oo ciidamadii Ingiriiska
hogaanka u hayey, in ka badan 187 askari, iyo in ka
badan 29 askari oo dhaawac xuni soo gaadhay.
Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid ahaayeen
boqolaalkii saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku
intuu socday.
Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb
galeen maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go'aan
ku gaadhay in Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale
loola isticmaalo. General LAYNE ayaa loo xilsaaray
fulinta duulimaadka afraad, waxaa kale oo la shaqaynayey
Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye Guuto Fasken. Intii
uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska Sayidku
gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka
dhintay saraakiil badan oo ay kamid ahaa Dhame J. R.
Williams, Dhame G. Ester, iyo Laba Xidigle T. H. Aurder
iyo kuwa kale oo badan. Goobihii laysaga horyimid intii
duulimaadyadaasi socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku
isku haleeleena waxaa ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne,
Daratoole, Taargooye, iyo Jidbaale.
Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano heshiishkii
Pestalozze 1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u
fadhiyey Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu
rabay inuu Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo
wuxuuna ugu horrayn hindise kusoo jeediyey in Sayidka:
- Degaan rasmi ah la siiyo
- Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado
- Xornimo iyo madax banaani ganacsi la siiyo oo uu
helo
- Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka lagu
faragalinin
Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa dhab ahaan u
ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku
dubarito ciidamadiisa, hubna baadigoobto, iyo in uu
kasoo kabto khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale.
Heshiiskaasi markii in yar dhaxal gal noqday, ayaa
Ingiriisku wuxuu bilaabay inuu hub ka baadho doonyihii
Sayidka badeecada u siday. Sayidku wuxuu Ingiriiska u
soo diray warqad uu ugu sheegayo inay khilaafeen
heshiiskii, markii ay baadheen doonyihiisii iyagoo ka
gaashaamanayey in Sayidku hub culus lasoo dego, arintaa
oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday, waxyeelada
ka imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa qaadaya.
Wuxuu Sayidku warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii
sarre ee Ingiriiska F. C. S. Gordon, wuxuuna u sheegay
in haddii la doonayo in heshiishkii Pestalozze uu
hirgalo oo uu socdo inaan lasoo faragalin Sayidka
badeecadiisa loona soo celiyo hubkii iyo saadkii laga
dhacay.
Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu sheegay
Ingiriiska mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in
uusan maanta ka dib dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku
u fasirtay in Sayidku soo kicin doono dagaal hor leh.
Sidaa daraadeed waxaa laysku soo qaaday in la dumo
duulimaad iyo col fara badan oo Sayidka laga horgeeyo.
Dalka Ingiriiska 1908 baarlamaanku canaan kulul buu usoo
jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta faraha
badan ee dagaalka lagu hoobtay Ingiriisku uu ku
bixinayey iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya.
Sidaa darteed, November 30, 1908 wasiirkii isticmaarka
ee Ingiriiska wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka
talinayey Soomaliya warqad uu ugu sheegayo in aan
Ingiriisku hadda ku talo jirin dagaal Sayidka lagu
qaado.
Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka
kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii
Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo
mushaaro joogta ah siiso. John Talon, Maarso 3, 1910
wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise
laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000
oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee Sayidku
gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay
Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la
gorgorin karin. Sayidku wuxuu hadalkii kusoo koobay
diintayda iyo dalkayga gadan maayo. Wuxuu yidhi:
- Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
- Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka
raacayne
- Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii
col ahe
- Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e
- Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne
- Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale
- Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye
- Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane
- Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
- Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye
- Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye
- Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye
- Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede
- Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
- Anaan labada daarood tan horre darajo
moodaynin
- Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye
(scw)
- Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine
- Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane
August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga
(Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada
Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u
taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey
gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon.
Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil badan oo
Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.
- Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne
- Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la'aaneede
- Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato
- Nimankii janno u kacay war bay jirin
inshaalleye
- Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
- Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii
gaadhid
- Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda
- Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo
jeerkii dheh
- Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen
dheh
- Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo
baaruud dheh
- Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig
duulaan dheh
- Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil
roonaa dheh
- Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed
dheh
- Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii
dheh
- Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh
- Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
- Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen
dheh
- Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
- Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u
muuji
- Jiidaha xanuunka leh markii la igu
jeeraarshay
- Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban
waa dheh
- Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa
dheh
- Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii
dheh
- Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan
qaaday
- Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii
siin dheh
- Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen
dheh
- Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay
dheh
- Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh
- Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul
jiibsheen dheh
- Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii
dheh
- Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa
dheh
- Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh
- Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa
dheh
- Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay
dheh
- Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi
dheh
Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida badankeedu
u taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo
horjeeda halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo
Daraawiishtiisa ee uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah
siddiisa u neceb. Wuxuu in badan ciidamo ku bixiyey oo
uu soo mooroduugay shacab Soomaaliyeed oo wax ay u
dhimeen iyo wax ay u geysteen Ingiriiska uusan jirin.
Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku hoosnoolaa
ximaayada Ingiriiska. Mar uu ku duulay reer guuraa meel
deganaa kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa
kuu Ina-Weysaxume tixda ku mariyey:
- Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay
- Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye
- Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye
- Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye
- Afku gow' ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye
- Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**
Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan
waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin
tabcada lagu socdo. November 1918kii gudi uu madax ka
yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan
xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska
siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya. October 1919kii
baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inay
Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan,
ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka
iyo badduba.
Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari
waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo
qalcadihii kale. Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo
taaktiko dagaal. Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii,
waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka
waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon
wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa
DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii
Sayidka oo dhan. Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay
ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu
horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo. Taasina waxay
muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu
gobonimada usoo galeen.
Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.
Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo
diray Sayidka warqadan.
Waxaan usoo diray waqti saddex todobaad laga
joogo Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la
magan galin doono haddii ay isdhiibaan. Hubkaaga
iyo kaygu isma leh, adigu waxaad tahay wadaad
Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay dawladda
adduunka ugu xoogga weyn oo ka adkaatay Jermalkii
iyo Turkigii. Maanta xoogaagii waa yaraaday,
dayuuraadkana uma adkaysan kartaan, dhinac aad u
ciirsatana ma jirro. Waxaa xagga Bari kaa xigga
Boqor Cismaan Maxamuud iyo Cali Keenadiid oo
labaduba col kula ah adiga iyo halgankaagaba mana
aadi kartid. Dhanka Itoobiya saaxiibkaa Leit
Yasuuf waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay.
Awood uma lihid inaad nala dagaalanto. Waxaan
laayey ciidamadaadii badi ahaan, gacalkaagiina
gacantayda ayey ku jiraan. Ujeedadaydu ma aha inaan
wax laayo haddii aad is dhiibto 40 casho dhexdood.
Ammaan iyo xushmo ayaad heli doontaa. Waxaanse
kaaga digaynaa in aadan warqadan caasiyin. Waxaanan
ku siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku
fidisid. Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax
micnaha ah ama qiima ah ooy leedahay ma jirto haddii
aadan 40 casho dhexdood ku imaanin. Waxaan warqadan
kuugu soo dhiibay haweenaydaadii.
Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid Sheekh Cali oo
ahaan jiray qaaligii Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka
adeerkii ahaa oo wada jawaabtii waraaqdii Sayidka loo
diray. Warqaddii Sayidku waxay ahayd sidan:
Waan helay warqadii aad soo dirteen 22kii
Jamaadul Aakhir, jawaabteediina waatan. Warqadaadii
macnaheedu wuxuu ahaa inaad ka adkaateen Jermal iyo
Turki xoog badanna leedihiin iyo inaan isdhiibo.
Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa inta aad
idinku wadaan. Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa
leh xoogna ninkuu siiyo ayaa iska leh.
Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan ku gaadhay
inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa'ikhdii
Goboladda Waqooyi oo kala ahaa:
Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada
Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii
dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal
fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil
Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi
Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali
Guuleed. Ergadaa ka koobnayd maashaa'ikhdii dariiqada
iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka
waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka
inuu ergadaas soo raaco. Ergadii waxay ka baxday Burco
April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii nin ee
warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji Cismaan
iyo Sheekh Cali.
16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo
gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile.
Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska
ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba
isdhiibaynin. November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed,
naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah ugu
geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya gamaskii
xornimada iyo gobonimada.
Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu
isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo
ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan
21 sanno. Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro
magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa
uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed.
- Inuu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane
- Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye
- Dilaal waxaad cunaysaan intaan dunida
joogaaye
- Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka
habowshay
- Wax ma dadine macnihiina sow idin ma
deqsiinin
- Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil
qaata
- Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u
yeesha
- Waxna loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta
- Waxna loo danleeyahay ninkii diinta Nabi
raacay (csw)
- Nin rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa
mooge
- Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma
qabadsiiyey
- Deelqaafku waa ba'an yahaye daacad ma u
sheegay
- Dacwad kalana Soomaali waa mid aan
dareensiiyey
- ...
Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille
Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray
gumaysiga waxaan kusoo af-jaraynaa tuducyo kooban oo ka
mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey
dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran:
- ...
- Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn
waayey
- Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
- Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka
raacayne
- Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye
- Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e
- Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye
(scw)
- Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye
- Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede
- Anaan labada daarood tan hore darajo
moodaynin
- Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine
- Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane
- Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine
- Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline
- Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu
qabane??
- Sida doxorka Gaal-Raac anaan duud-xamaal
noqone
- Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline
- Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane
- Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
- Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye
- Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii
maraye
- Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye
- Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw
yeelan
- Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku
yeelkiisa
- Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa
mooge
- Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar
sidiisiiye
- Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine
- Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya
dhaafsada e
- Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha
e
- Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal
dhaafay
- Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo
degiye
Dhammaad.
****************************************************************************
Waxaan ka qorray barnaamij laga soo daayey Idaacadii
Muqdisho, buuggii Aw-Jaamac Cumar Ciise, Early Days in
Somaliland and Other Tales by H. G. C. Swayne, iyo The
Warrior Mullah by Ray Beachey meelaha qaarkood, sidda
magacyada badhkood ayaan ka saxnay. Magacyada qaarbaan
wali saxnayn qaarna waaba maqan yihiin. Sixidooda iyo
helidoodu waa howl inoo wada taala. Mahadsanid
**Taariikhdii Daraawiishta iyo Sayid Maxamed
Cabdille Xasan. Aw Jaamac Cumar Ciise.