HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! News, Saturday, Oct. 22,  2005

Maxaad ka taqaan tariikhda Siyaad Barre?      

Kacaankii Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya waxuu dhashay 21-kii Oktobar, 1969-kii, kaddib markii la af ganbiyey xukuumadii sharciga ahayd ee dalka Soomaaliya, taasoo uu Ra'isul wasaare ka ahaa Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu magacaabay Madaxweeynihii dalka ee xilligaas Cabdirishiid Cali sharmaarke.

Sababihii gundhiga ahaa oo dhaliyey kacaankii 21-ka Oktobar waxaa ka mid ahaa maamul-xumadii xukuumadihii aan is dhaamin oo mudda 9 sano ahayd dalka maamulayey iyadoo xiisadu ay gaartay heer naxdin leh bishii Maarso 1969-kii, halkaas oo doorashadii Baarlamaanka ee ka dhacday Somalia uu ka biloowday qalalaaso iyo qaranjab, waxaana dalka qasay xasiloonidiisii 69 xisbi oo ku dhisnaa beelo iyo qabiil.

Kacaankii 21 Oktoobar waxaa soo dedejiyey dilkii madaxweeynihii dalka marxuun Cabdirashiid Cali Sharamaarke iyo iyada oo markii uu dhintay madaxweeynihii dalka oo dhan lagu soo rogay bandow oo habeenkii aan la'isu socon karin.  Iyadoo aan wali la aasin madaxweeynihii dalka ayaa Xaruntii Dhexe ee Xisbiga SYL waxaa ka biloowday looltan iyo khilaaf ku sabsan doorashada madaxweynaha Cusub iyo ciddii noqon lahayd madaxweynaha.

Maxamad Siyaad Barre oo ciidamada qalabka sida hoggaaminayey ayaa waxuu si wayn uga faa'idaystay ciidamadii qalabka siday oo xiligaas ahaa xubinta kaliya oo ka nabadgashay saamaytii qabyaalada iyo dalka oo hoggaan la'aan kusoo baxay markii madaxweeynihii la dilay, waxaana markii la dilay maadaxweeynaha dalka uu Ra'isul wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal booqasho ugu maqnaa dalka dibidiisa.

Markii uu Radio Muqdsiho 21-kii Oktoobar, 1969-kii ku dhawaaqay in dalka uu ka dhashay Kacaan, kaasoo ay hogaaminayaan Ciidanka Qalabka sida ayaa waxaa isu soo baxay shacabkii oo caleemo qoyan ruxayey.

Markii Kacaanku dhashayba wuxuu balan ku qaaday in uu la dagaalamayo musuq-maasuqa iyo qabyaalada uuna soo celinayo nidaamkii iyo kala danbeentii, waxaana la baa bi'iyay dastuurkii dalka, waxaana la kala diray Baarlamaakii iyo golihii Wasiirada oo qaar badan oo ka mid ah xabsiga loo taxaabay iyaga oo aan wax maxkamad ah la sootaagin.

Waxa lagu dhawaaqay Golihii Sare ee kacannka oo u badnan Saraakiil ciidaka Qalabka sida katirsan. Waxaa kale oo la abuuray Xoghayaasha dowladda oo ka dhigan Wasiiro, waxeyna u badnayeen dhalinyaro Jaamacado dibida ah kasoo qalinjabiyey oo lugu doortay aqoontooda.

Sanadadihii ugu horeeyey Kacaanku wuxuu ku socday xowli la yaab leh oo loo bogay, waxaana horumar la taaban karo laga gaaray xagga dhaqaalaha iyada oo qofwalba oo ka soo baxay Dugsi Sare uu haystay balanqaad shaqo iyo meelayn. Waxaa dalka ka bilowday mashaariic lixaad leh oo ah xaga beeraha, warshadaha iyo qeyraadka badda.

Waxqabadkii Kacaanka waxaa ugu weeynaa qoridii iyo hirgalintii barshada far Soomaaliga (Afka hooyo), iyadoo ololihii hormarinta reer miyiga ee xaga barashada uu ahaa mid aayatiin fiican keenay, waxaana lagaga xoroobay afafkii qalaad oo dad yar oo qur ah ay yaqaaneen, waxaana bilowday in buugaagtii cilmiga ee dugsiyada laga dhigi jiray oo dhan lagu turjumo afka Soomaaliga, Dugsiyadii Hoose, Dhexe iyo Sareba ay ku qaateen afkoodii hooyo.

Horumarkii kale oo Kacaanku xaqiijiyay waxaa ka mid ahaa Bacaad celintii iyo dejintii dad ka badan 12,5000 oo ah kuwii abaaruhu ay wax yeelada u geysteen. Guulihii kacaanka waxa ka mid ahaa abuuristii Jaamacada Umada oo yeelatay ilaa sagaal Kuliyadood oo lagu barto cilmiga casriga ah ayna kasoo qalin jebin jireen sanad walba Takhaatiir, Injineero, Dhaqaalo-yahano, Jiiyolojiin, Takhaatiirta xanaanada xoolaha, Agronomayaal iwm.

Markii Kacaanku dhashay gulaha wasiiradu waxay ku urur sanaayeen hal dhismo oo loo yiqiinay ''Ufficio Governo'' oo kaddib noqotay xaruuntii dowlada Hoose, waxaana dhacday markii dambe wasaarad walba iyo wakaalad walba in ay yeelatay xaruun bilicsan oo iyada u gaar ah.

Dhinaca arrimaha dibadda waxaa Kacaanka sumcad fiican uu u keenay dalka Soomaaliya oo sanadkii 1974-tii lagu qabtay Shirweynihii Ururka Midowga Afrika, shirkaas oo ka mid ahaa kuwii ugu fiicnaa xagga abaabulka iyo marti gelinta.  Lama soo koobi karo guulihii Kacaanka oo aad u tiro badnaa,  haseyeeshee waqtiga oo aan nagu simeyn intaas ayaan ku deyneynaa.

Dhanka kale, waxaa jiray siyaasado maldahan oo aan muuqan oo Kacaanku mar kasta hoos ka watay iyo ujeedooyin u qarsoonaa oo in yar oo dad ahi ay xog ogaal u aheyd, taasoy ugu weyneyd ka takhaluska cid kasta oo loo arko in ay Kacaanka khatar ku aheyd sida dilkii loo geystay allaha u naxariistee Saraakiishii caanka ahaa oo ay ka midka ahaayeen Caynaanshe, Dheel iyo Salaad Gabeyre.  Waxaa kale oo jagadii iyo xilalkii militari-nimada laga fogeeyay qaarkoodna xabsiga loo taxaabay Saraakiil Sar-sare oo ay ka mid ahaayeen: 

 -  General Max’ed Abshir
 -  General Max’ed Cali Mire
 -  General C/laahi Faarax Hoolif
 -  General Cismaan Sabriye Sokorow
 -  General Jaamac Ow Muse
 -  General Cali Xaashi Iyo kuwa kale

Dhibaatadi ugu weyneyd iyo mucaaradnimadii shacbiga wuxuu kala kulmay Jaalle Siyaad dilidii 1975-tii ee culumadii ka hor timid xeerkii Qoyska ee Kacaanka soo saaray, kaddib markii ay Culumadu dhaliishay sharcigaas oo qura.

Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya oo bilowday1977-dii oo qasaaro weyn soo jiiday iyo ciidamadii Soomaaliyeed ee dagaalka galay oo dib loogu soo celshay xuduudii ay ka duuleen ayaa waxay keentay niyad jab iyo bur bur ku dhacay nidaamkii iyo hanaankii ciidan. Bishaa April, 1978-dii, waxaa qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida oo uu hogaaminaayo Col. Cirro ay ku sigteen in ay sameeyaan Cinqilaab najaxa.  Maalintaas ka dib Siyaad Barre wuxuu u arkay ciidamada Qalabka sida in ay yihiin cadaw aan la isku aamini karin, wuxuuna u iishay xoogaa dhanka qabiilka asagoo is bedel xoog leh ku sameeyay Ciidamadii ilaalinaayay iyo kuwii joogay meelaha istaraatiijiga ah oo uu u dhiibay rag ay isku heyb yihiin iyo kuwa uu aaminsan yahay, arintaas oo keentay in laga taqaluso badi saraakisha waxa soo baratay oo xirfad ciidan laheyd laguna bedelo kuwa aan aqoon ciidan laheyn oo lagu kalsoon yahay.

Taariq nololeedkii Maxamed Siyaad Bare iyo xiligii uu ku soo biiray Ciidanka

Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo yaraantiisii ahaa wiil yar oo reer baadiye ah ayaa markii ugu horeysay waxuu yimid Degmada Dhuuso Mareeb, wuxuuna uga sii gudbay magaalada Beledweyne, wuxuuna nasiib wanaag la kulmay askar halkaa lagu qoraayay oo uu ka mid noqday dadkii ciidamadii dhibowga 1936-dii ku galay xerada tababarada ee Beledwenye.

Max’ed Siyaad Bare Markii tababarki uu dhamaaday waxaa loo soo bedelay Magaalada Muqdisho, waxaana la keenay si uu tababaro dheeri ah oo ciidanimo ugu sii qaato Xeradii Ciidamada ee ku taalay degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho. Max’ed Siyaad Bare wuxuu ka tagay howshii ciidanimada 1939-kii, kaddib markii loo soo sheegay geeridii laba adeeradiis ah oo kale ahaa Jaamac Bare iyo Maxamed Bare wuxuuna aaday deegaanka Ulasan ee ka tirsan Degmada Dhuuso Mareeb oo cidiisu degenaayeen.

Max’ed Siyaad Bare miyiga ayuu degey wuxuuna ku guursaday Xaaskiisii ugu horeeysay oo lagu magacaabo jiray Faadumo Aw-Muse Sanadkii 1941-dii markaas oo uu Ingiriisku kala wareegay awoodii dalka Soomaaliya Taliskii Talyaaniga oo dagaalkii aduunweynaha labaad looga itaal roonaaday.  Max’ed Siyaad Bare isla sanadkaas wuxuu ku biiray Ciidamada Ingiriiska, wuxuuna dalacaadii ugu horeysay oo aheyd Alifle helay Sanadkii 1941-dii, Alifkii labaadna wuxuu qaatay Sanadkii 1944tii, waxaana waxbarasho loogu diray Magaalada Nairobi Dugsiga la yiraahdo
 “Gin School” waxaana tababarkaas kaddib uu noqday kormeere Koowaad 1950-kii. Markii Talyaaniga Dalka uu ku soo noqday, Max’ed Siyaad Bare oo saddex xarigle ah waxaa loo qaaday dalka Talyaaniga sanadkii 1952-dii .

16-kii October, 1954-tii ayuu Siyaad Bare qaatay Xidigtii ugu horeesay uuna noqday Sarkaal. Siyaad Bare wuxuu laba xidigle u dalacay sanadii 1955-tii asigoo sanadki 1957-dii noqday kabtan ama Dhamme kaddib 1958-dii waxaa uu Max’ed Siyaad Bare noqday Dhamme ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. waxaana loo magacaabay Xafiiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

1960-kii, waxaa la dhisay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya uuna hogaaminaayay Generaalkii sida aadka ah loo jeclaa Generaal Daauud C/laahi Xersi oo markii uu geeriyooday sanadkii 1965tii uu bedelay oo jagadiisii qabtay General Max’ed Siyaad Bare asigoo noqday taliyihii Xooga Dalka Soomaaliya (XDS) isagoo xukunka hayay mudo 21 sano ah, wuxuuna ku geeriyooday Dalka Nigeria oo uu magangalyo ku joogay ilaa iyo sanadkii 1995-tii.

Lama yaqaan waqti cayiman oo uu dhashay General Max’ed Siyaad Bare, sababtoo ah wuxuu ku dhashay MIYI, xataa waxaa dood ka taagan tahay halka uu ku dhashay inkastoo warbaahinta rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu ku dhashay deegaanka Baardheere. Waxaa la qiyaasayaa in Max’ed Siyaad Bare uu dhashay sanadkii 1912-kii in kastoo wargeysyada rasmiga ah ee Kacaanku ay qori jireen inuu dhashay sanadkii 1920kii.

Max’ed Siyaad Bare hooyadiis waxaa la oran jiray Shaqlan Warfaa, waxeyna geeriyootay asagoo sideed jir ah, aabihiisna wuxuu geeriyooday 2 sano kaddib Max’ed Siyaad Bare oo 10 jir ah, waxaana soo koriyay aderkiis Xirsi Bare iyo ayeeydiis Sacdiyo, wuxuuna ahaa curudka aabihiis Siyaad Bare oo lagu naaneesi jiray “Siyaad Garba Weyne”, inkastoo ay dadkii yaqaanay Max’ed Siyaad Bare ay sheegeen in aabihiis Siyaad Bare lagu dilay dagaal qabiil uuna ahaa abaanduulihii colkaas.  Waxaa Radio Muqdisho iyo Wargeysyada Kacaankuba ay qori jireen in uu Siyaad Bare ahaa halgamaa weyn uuna ka mid ahaa Ciidamadii uu hogaaminaayay Cumar Samatar oo gumeysigii Talyaanigu la dagaalamayay una ku shahiiday aagga Ceel Mirikh oo ku yaalo deegaanka Dhuuso Mareeb 1930-kii .

Xersi Bare oo ahaaa Max’ed Siyaad Bare adeerkiis, ahana ninkii gacanta ku haayay waxaa la dilay 3 sano ka dib dhimashadii Siyaad Bare abaarihii sanadkii 1933-dii .

Sanadkii 1936-dii ayaa Max’ed Siyaad Bare ka soo tagay Xoolihii MIYIGA oo uu xanaaneyn jiray iyadoo xilgaas cidahooda ay degenaayeen aaga Ceel-gaab.


C/laahi Axmed Diriye Boore, Muqdisho - Soomaliya
boore3@hotmail.com


 

allgedo@allgedo.com




 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com