|
|
 |
Allgedo,
News, November 22,
2006
|
Talo ku socota
Bare Adan Shire (Bare Hiiraale)

Asalaamu
caleekum
|
 |
Bacda salaan,
Bare waxaan jeclahay inaan
halkaan kuu soo mariyo talo qaas
ah oo ku socota adiga, taas oo
ka timid fikirkayga iyo sida ay
aniga ila tahay.
Sida
aad u jeedo waxaa lagu jiraa
waqti xaalada Soomaaliya ay
marayso meel murugsan, taas oo
loo baahan yahay qofka bani
aadamka ah inuu fekaro kana
qaato waxa ku haboon.
Sida lagugu yaqan, dagaaladii
sokeeya ee ka dhex dhacay beesha
Sade waqtigii sagaashamaadkii
lala dagaalamayay wadaadada
qabiilkaas Ilaahay waa kaa
badbaadiyay, waxa aadna ka
qaataday go'aan fiican, kaddibna
waxaa uu Ilaah kuu kasay inaad
noqoto hogaamiyaha beesha mudo
sideed sano ah.
Haddaba, wax walba sida aad la
socotid waxa ay ku dhaceen
qadarka Alle, marka hada waxaa
dhacay qaladaad, kuwaasoo dhacay
sideedii sano eed ahayd
hogaamiyaha beesha, taasoo
kaliftay mida aad uga baxday
magaaladii aad sideeda sano ka
talinaysay iyo hogaankii beesha,
taas oo sida aad dareemi karto
ah inay ka timid dadkii waqtigaa
la taliyaasha kuu ahaa sida
lagugu yaqaan ood ku caan baxday
waxay ahayd:-
A- Inaadan cadowga umada soomaaliyeed u adeegin.
B- Inaad iska ilaaliso deganada sokeeye.
C- Inaad dadka diinta wata aadan ka hor imaan. Marka maadama aad
sifooyinkaa leedahay aniga oo
kula jecel wanaag waxaan kugula
talinayaa dhowrkaan arimood oo
soo socda jeclahayna inaad iga
qaadatid.
1- Inaadan u adeegin cadowga soomaaliya.
2- Inaadan isku dayin dhulka beesha degto inaad keento cadowga umada.
3- Si walba ooy dhib kuugu tahay hadaadan ka qayb qaadan karin ood
hogaankooda ka mid noqon karin
dadka soomaaliyeed amaba ah
beesha sade oo diinta iyo raba
inay kitaabka alle u gargaaraan
inaad iska tanaasusho ood iaka
ilowdo.
4- Jagada aad u haysid dowlada ku meelgaarka oo ah wasiirka gaashaandhiga
inaysan ku hodin kuguna qasbin
inaad cadowga soomaaliya u
adeegto.
5- Marka barow adeer ka joog adiga maahee yeey ku hodin midaan.
FADLAN GUDBIYA FARINTAAN.
QORE. A. HASHI ABDI
hashi66@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|
|
|