|
|
 |
Allgedo News,
Sabti, October 28,
2006
|
|
 |
Shir dhinaca
Teleefanka ah (Teleconference)
oo dhexmaray qaar ka mid ah qurbajooga
beesha Sade (USA) iyo Sheikh Maxamed
Weli oo isagu ku sugan magaalada
Kismaayo
|
(Allgedo News) - Maanta oo ah
Sabti, October 28, 2006, ayaa waxaa
dhacay shir teleefaneed (Teleconference)
dhex maray qaar ka mid ah qurbajooga
beesha Sade ee ku nool USA
iyo Sheikh Maxamed Weli oo isagu laga
soo xariiriyay magaalada Kismaayo.
Shirkaan oo bilowday 12:00
PM (EST)
ama 9:00 AM
(PST)
waqtiga USA ayaa dhamaaday saddex
saacadood kaddib.
Ugu horeyntii, shiikha waxuu warbixin
dheer ka bixiyay dagaalkii ay golaha
midowga Maxaakiimta la galeen kagana
adkaadeen hogaamiye kooxeedyadii
gobolada Koofureed, isagoo dadkii qadka
teleefanka ku jiray ku baraarujiyay
muhiimadda ay leedahay ka qeyb
qaadashada maamulka golaha Maxaakiimta.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa
qaar ka mid ah su'aalo dhowr ahaa oo
geba-gebadii shirka shiikha la weydiiyay
iyo jawaabihii uu ka bixiyay:
Su'aal:
Sheikh Maxamed Weli, ma jiraan dad aan
Soomaali aheyn (ajnabi) oo wax ka haya
maamulka Jubbooyinka, gaar ahaan kan
magaalada Kismaayo?
Jawaab:
Horta waxaan idiin sheegayaa in dhamaan
jagooyinka gudoomiyaha Gobolka Jubbada
Hoose, kan duqa magaalada, kan dekedda
iyo kan Gegida diyaaradahaba ay
maamulkaan dad Soomaali ah, hase
ahaatee waxaan rabaa in aan halkaan
idinkugu sheego in aad ogaataan xataa
haddii ay dad kale oo aan u dhalan
Soomaali dalka joogaan, marba haddii ay
muslim yihiin in aan la oran karin waa
ajnabi.
Su'aal:
Dowladda Itoobiya waxay dalka
Soomaaliyeed soo gelisay ciidamo xoogan
oo aad u fara badan, adinka haddii aad
tihiin golaha midowga Maxaakiimta, maxaa
diyaar garow ah ee aad arrintaas ka
sameyseen, rajadiina ah in aad ciidamada
Itoobiya dalka Soomaaliya ka saartaana
intee la'eg tahay?
Jawaab:
Horta sida aad ka warqabtaan dagaalkii
dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya
sanadkii 1960, tirada ciidamada
Soomaaliya ee xiligaas waxay aheyd 9000
oo askari, halka ay kuwa Itoobiyana
ahaayeen 100,000 oo askari, dagaalkaasna
waxay guushu ku raacday Soomaaliya.
Marka waxaan oran karaa hadda waan u
diyaar garownay sidii aan ula diriri
laheyn dowladda Itoobiya oo aan dalka
yaga uga saari laheyn, waxaana ku
kalsoonahay maanta oo aan dhan kasta
kaga xoog badanahay cududii ciidan ee
aan laheyn sanadkii 1960-kii, idam
Ilaahna waan ka adkaan doonaa Itoobiya
haddii ay nagula dagaalamaan gudaha
dhulkayaga.
Su'aal:
Sheikh Maxamed, adiga kaalinteed kaga
jirtaa golaha Maxaakiimta?
Haddiise ay beesha aad ka dhalatay ay u
baahato in ay la xariirto maamulka sare
ee Maxaakiimta ma aday kuu soo mareysaa,
mise waxay toos ula xariirayaan
gudoomiyaha guddiga Shuurada Sheikh
Shariif Sh. Axmed?
Jawaab: Horta
aniga labada gole ee midowga Maxaakiimta
midna kuma jiro, laakiin waxaan ahay
xubin fir-fircoon oo Maxaakiimta ka
tirsan warkiisana la qadariyo, isla
markaasna wakiil ka noqon kara beesha uu
kasoo jeedo, sidaas awgeed haddii ay
beesha aan ka dhashay rabto in ay la
xariirto maamulka sare ee Maxkamadaha
way ii sheegan karaan waxa ay baahidooda
tahay, anigana waxaan ula noqonayaa
hogaanka sare ee Maxaakiimta, sida aan
ku kal soonahayna arrimahaas ku saabsan
xiriirinta dadweynaha iyo maamulka
Maxaakiimta oo muhiimad weyn leh door
weyn ayaan kasoo qaatay iminkana kaga
jiraa waana sii wadi doonaa intii
karaankey ah.
Maxamed Weli waxuu dadkii qadka
Teleefanka ku jiray u xaqiijiyay in
dadaal badan oo dhex-dhexaadin ah kaddib
ay ku guuleysteen in maleeshiyadii Beer-xaano
ee uu hogaaminayay Col. Cabaas ay ku soo
biireen midowga Maxaakiimta kuwaasoo
hadda ku sugan gudaha magaalada
Kismaayo.
Ugu danbeyntii, Shiikha waxuu ku
cel-celiyay muhiimadda ay leedahay in
umadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba ay
si buuxda isu garab taagaan midowga
Maxaakiimta, isagoo isla markaana meesha
ka saaray warar sheegayay in ay jiraan
qaldaad iyo mugdi-mugdi la xariiray
qaabkii Col. Bare Aden Shire (Bare
Hiiraale) ay Maxkamaduhu xukunka
Jubooyinka uga fara maroojiyeen.
Allgedo News Media Network (ANMN)
allgedo@allgedo.com
|
|
|
|
|