|
||||
![]() |
![]() |
![]() |
||
Ugaaska beesha Mariixaan oo ku gacan seyray maamulka gobolka Gedo ee uu soo magacaabay R/wasaare Geedi By Axmed Cumar Saalixi, Allgedo Online Kulankaan oo ay soo abaabuleen xubno ka tirsan gudiga maamulka iyo ugaaska beesha Sade, Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa mudadii uu socday waxaa looga wada hadlayay arimo ay ka mid yihiin sugida amaanka degmada, soo dhaweynta hay'adaha samafalka iyo xaaladaha abaaraha ee ka taagan degmada Baardheere iyo Arimo kale. Ugaas Beesha Sade oo kulankaasi ka hadlay ayaa markii ugu horeysay mowqifkiisa ku aadan xaalada gobolka uu marayo dhinaca siyaasadda, nabadgalyada iyo bulshada waxa uu soo hadal qaaday magacaabistii Gudoomiyaha gobolka Gedo oo dhowaan Ra'isulwasaare Geedi uu soo magacaabay. Ugaaska ayaa sheegay in uu ka xun yahay xilalka maamulka gobolka Gedo ee laga soo magacaabayo magaalada Jowhar ee kor looga keenayo shacabka ku nool gobolka, taasi uu sheegay in aysan waafaqsaneyn nidaamka axdi qarameedka dowladda FS balse loo baahan yahay Shacabka gobolka Gedo in gacmaha ay is qabsadaan oo ay doortaan cidii maamuli laheyd. Ugaaska ayaa intaasi ku daray in axdiga dowladda FS uusan waafaqsaneyn in dowladda FS ay soo magacaabaan mas'uuliyiinta maamulada degmooyinka gobolada dalka oo aaney soo dooran dadka gobolkaasi dega. "Waxaanu ka digeynaa in talaabo ceenkaan oo kale ah la qaado, taasi oo sii kala fogeyneysa dadweynaha ku nool gobolka Gedo isla markaana sii kala fogeyneysa dadweynaha gobolka isla markaana sii hurineyso colaadihii la soo afjarayay mudooyinkaan". Sidoo kale K/simaha Gudoomiyaha maamulka degmada Baardheere Max'ed Shire Max'uud oo kulankaasi hadalo kooban ka jeediyay ayaa ku tilmaamay xaaladda gobolka uu ku sugan yahay mid halis ah, oo uu sheegay hadii aan gargaar lala soo gaarin ay dhici karto xaalado aan waangsaneyn. Ugu dambeyntii kulankaasi ayaa waxaa laga soo saaray baaq ku aadan hay'adaha samafalka in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka iyo abaaraha ka jira gobolka Gedo.
|
|||||
|
All
Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved. |