WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Wareysi dhinacyo badan taabanaya ayaa waxay Allgedo la yeelatay Mudane Faarax Macalin Dawara oo ah Guddoomiyaha Ururka FORD-P ee Dalka Kenya, wareysigaasna waxa uu u dhacay sida hoose:

Faafin:  Allgedo Online,  December 12,  2006

Warbixin gaar ah oo la xariirta booqashada uu mudane Faarax Macalin Dawara ku yimid Phoenix, Arizona iyo masawiro muujinaya sida ay xafladaasi u dhacday, riix (warbixin)

 

December 9, 2006:  Mudane Faarax Macalin Dawara oo la hadlaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Phoenix, Arizona.

Allgedo:  Mudane Faarax, ugu horeyntii waxaan rabaa in aan wax kaa weydiiyo ujeedada safarkaaga ee aad ku timid Waqooyiga Ameerika.  

Mudane Faarax: Waxaan martiqaad ka helay Hay'adda la yiraahdo International Leadership Institute, martiqaadkaas oo la xariira qaab tababar ah oo aniga iyo dad kale oo badan oo Afrikaan ah naloo fidiyay, qaarna ay hadda joogaan USA qaarna ay mustaqbalka danbe imaan doonaan.

Allgedo: Imisa Gobol oo USA ah ayaad soo martay socodkaagaan aad ku timid Phoenix, Arizona ka hor?

Mudane Faarax: Waxaan soo maray San Diego, California iyo Minnesota, Minneapolis.

Allgedo: Jaaliyadda Soomaaliyeed ee labadaas Gobol ma'isa soo aragteen sida aad kuwa Phoenix isu aragteenba?

Mudane Faarax: Haa, Jaaliyadaha saddexdaas Gobol ee uu ka mid yahay midkaan aan joogno ee Arizona waan is wada aragnay, si aad u weyn bayna iigu soo dhaweeyeen, waxayna i tuseen wixii aan ka filayay oo ah in Soomaalida meel ay joogaanba ay yihiin dad walaalo ah oo aan kala maarmeyn.

Allgedo: Waxyaabaha aad kala hadashay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Goboladaas ku nool maxaa ka mid ah?

Mudane Faarax: Waxaan kala hadlay arrimo dhowr ah oo la xariira dhinacyada siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliya, tacliinta iyo dhinaca horumarka guud (General Development.)

Allgedo: Mudane, sida aan ka warhayno waxaad horay uga tirsanaan jirtay Xisbigii SAFINA oo aad adigu aas-aastay 1994 kii, marka weli ma Xisbigii baad madax ka tahay mise ku kale?

Mudane Faarax: Horta waa runtaa oo aniga ayaa aas-aasay Xisbigii SAFINA, inkastoo taariikhda aad xustay aan aas-aasay haddana waxuu dhaqan galay oo la sharciyeeyay oo Xisbi mucaarad ah loo aqoonsaday sanadkii 1998, waxaana Guddoomiye ka ahaa Xisbigaas ilaa iyo 2003, balse hadda waan ka baxay oo waxaan Guddoomiye ka ahay Xisbiga FORD-P.

Allgedo: Ujeedada aad ka laheyd aas-aasidda Xisbigaan iyo qodobada saldhigga u ah wax ma nooga sheegi kartaa?

Mudane Faarax: Haa, in aan Xisbiga aas-aaso waxaa igu kalifay kaddib markii aan arkay in maamulkii dalka si qaldan loo isticmaalayo oo wadanku uu ka bixi la' yahay musuq-maasuq iyo wax is weydaarin, ayaa waxaa aniga ii soo baxay in aan talada wadanka wax ku yeelan karo si aan qaldaadka jira wax uga toosiyo, waxyaabaha aan rabo in aan helno oo aan ku dagaalameyno ayaa waxaa ka mid ah:
 - Hantida wadanka in Gobolada si cadaalad ah loo gaarsiiyo.
 - Goboladii hadda ka hor la gacan bidxeeyay sida Gobolka Waqooyi Bari ee ay Soomaalidu degan tahay in loo qorsheeyo maalgelin xad dhaaf ah si uu usoo gaaro waddanka Goboladiisa kale sida ugu dhaqsiyaha badan, khaas ahaan tacliinta, kobcinta dhaqaalaha xoolo dhaqatada iyo in wadooyinka Gobolka la hagaajiyo. 
 - Xasuuqii iyo cadaalad daradii lagu sameeyay Gobolada Waqooyi Bari sanadihii lasoo dhaafay in loo saaro baaritaan Guddi Maxkamadeed sida xasuuqii WAGALLA oo laga fuliyay Degmada Wajeer sanadkii 1984-kii oo baaritaankaas markii lasoo afjaro in dadkii xasuuqaas ka danbeeyay la ciqaabo iyo in caa'iladii dadka la xasuuqay la siiyo mag dhow ah dadka la laayay ama wax yeelada loo geystay dhiigoodii.

Allgedo: Guddoomiye, sida aan ka war qabnaba Soomaaliya muddo dheer ayay dowlad la'aan tahay, arrimaheedana marba meel bay soo taagneyd, adigu hadda sidee u aragtaa in qilaafka Soomaaliya xal loogu heli karo?

Mudane Faarax: Ugu horeyn, anigu waxaan u arkaa Soomaaliya waxaa bur-buriyay faragelin shisheeye, marka haddii Soomaaliya loo daayo in ay dhexdeeda ka tashato, faragelinta shisheeyahana laga daayo, Soomaalidu way heshiin kartaa. 

Allgedo:  Dowladda Federaalka ku meel gaarka ah iyo Maxaakiimtu oo iyagu iska soo hor jeeda sideed xaalkooda u aragtaa?

Mudane Faarax:
Waxaan qabaa in ay dhexdooda ka heshiiyaan oo ay sameystaan maamul mideysan.

Allgedo: Mudane hadaan wax kaa weydiiyo arrinta la xariirta sheegashada Dhulka Soomaalida ka maqan oo ay ka mid yihiin NFD iyo Soomaali Galbeed, sideed adigu u aragtaa sheegashada dhulkaas maadaama aad tahay siyaasi ka tirsan Soomaalida NFD?

Mudane Faarax: Horta Soomaalida Kenya ku nool iyo kuwa  Soomali Galbeed isku si anigu uma arko xaalkooda, Sababta koowaad waxay tahay, Itoobiya waxay ka mid aheyd dowladda kaliya ee qaaradda madow ka tirsan ee sanadkii 1884 ka qeyb qaadatay qeybintii dhulka Soomaaliya ee ka dhacay Barlin caasimaddii dalka Jarmalka ee xiligaas, ilaa iyo haddana Itoobiya wax xuquuq ah uma ogola shacbiga Soomaaliyeed ee ku hoos nool, waana kaa farqiga u dhaxeeya Itoobiya iyo Kenya. Sababta labaadna waxay tahay, Itoobiya waa gumeyste umadda Soomaaliyeed ee ku hoos noolna waxay ku jiraan gumeysi, hase yeeshee Somalida NFD wax ka haleysan ma jiraan, maamulka dalka Kenya haddii uu halaabana waxay ula siman yihiin dadweynaha kale ee reer Kenya, toosinta qaldaadka maamulka qaloocdayna anaga Soomaalida Kenya ah xil baa naga saaran oo anigaba waa anigaa ku howlan in aan wax ka soxo, waxaana ku rajo weynahay in aan wax weyn ka bedeli doono. Waxaan intaa raacinayaa in ha gaadho oo ha gaadhee ay Soomaalida Galbeed iyaga iska qaadi doonaan reeryada gumeysiga, balse waxaan aaminsanahay in Soomaaliweynta kale ay arrimahooda ula sinaadaan adduun weynaha kale.

Allgedo:  IGAD  iyo Itoobiya sideed ayada u aragtaa siyaasadooda ku wajahan Soomaaliya?

Mudane Faarax: IGAD markii horeba waxaa loo abuuray dhibka Soomaaliyeed iyo madadaalo, 15 sanana arrintaas wax bay ka qaban waayeen, xasuuso murtidii aheyd "BAADIDA NINBAA KULA DAY-DAYI DAALNA KAA BADANIE, OO AAN DOONAHEYN IN AAD HESHAA DAA'IN EBEDKAAYE...", Itoobiyana wax ma dhaanto oo waxay aheydba aas-aaska dhibka Soomaaliyeed, marka sidee cudurkii Soomaali kala bur-buriyay hadda daawo looga raadin karaa?

Allgedo
: Ugu danbeystii, mudane maxaad umadda Soomaaliyeed guud ahaan meel ay joogtaba, gaar ahaan kuwa Waqooyiga Amerika ee aad hadda u timid kula dardaarmeysaa?

Mudane Faarax: Waxaan kula dar-daarmayaa Soomaalida in ay u ololeeyaan midnimada umadda Soomaaliyeed, hana ogaadaan in uu cadowgooda badan yahay, wax wanaagga Soomaalida doonaya oo aan Soomaali ka aheyn wali ma arag.  IGAD, AU iyo ARAB LEAGUE toona ma muujin wanaagga Soomaaliyeed iyo mowqif xalaal ah oo la aamino toona ee sidaas umadda Soomaaliyeed ha ogaato hana isku tashato meel ay joogtaba.

Allgedo: Mudane Faarax aad baad ugu mahadsan tahay wareysiga aad Allgedo siisay.

Mudane Faarax: Adinkaa mudan walaal.



Wareysigaan waxaa isku soo duba riday Aden A. Colujoog.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

 



 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com