HOME|NEWS|MAQAALLO|GEDO|FEED BACK|FORUM|GUEST BOOK|WAREYSIYO|MAQAALO|ARTICLES|

 

 
  WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo! News, Sunday,  Dec. 18,  2005

WAREYSI GAAR AH OO AY SHABAKADA ALLGEDO-ONLINE LA YEELATAY MR XASAN DAAHIR YAROW (Xasan-dheere).

Xasan Daahir Yarow (Xasan Dheere)
Guddoomiyaha Ururka SNF/SRRC

Tan iyo intii DFKMG-ka ah ee Soomaaliya lagu soo dhisay dalka Kenya oo ay timid fadhigeeda kumeel gaarka ah ee Jowhar ayaa waxaa socday xilal loo magacaabayey mas'uuliyiinta qaar ka mid ah gobollada dalka, Haddaba waxaa Allgedo-online u suuro gashay in ay wareysi dhinacy badan taabanaya la yeelato Mr. Xasan Daahir Yarow (Xasan-dheere) oo ah gudoomiyaha ururka SNF/SRRC. wareysigii ayaa waxuu u dhacay sidan.

Allgedo: Xasan, waxaad warbixin kooban naga siisaa marxalada uu ku suganyahay G/Gedo ee dhaqaale, siyaasad iyo hormar intaba?

Xasan: Horta waxaan shabakada Allgedo uga mahad celinayaa fursaddan ay ii siisay in ay wareysi iga qaado. Marka xiga haddii aan ugudo galo jawaabta su'aashaada, horta gobolkan haatan waxuu ku suganyahay marxalado aad u adag marka laga eego abaaraha ka jira iyo weliba marxalad siyaasadeed oo wajiyo badan wadata, laakiin waxaan dhihi karaa gobolka waayadan danbe waxuu ka gudbay colaadihii u dhexeeyey qaar ka mid ah qabaa'ilka gobolka sidoo kalana waxaa jirta hormar lagu tallaabsaday marka laga eego xaga nabadda iyo isgaarsiinta (communication).

Allgedo: Xasan, waxaad sheegtay in uu gobolku ku suganyaay siyaasad wajiyo badan bal taa maxaad ula jeedaa?

Xasan: Waxii ka horreeyey sanadkii 2004-ta guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka jirtay nidaam ururro ah laakiin waxii ka danbeeyey markii la soo dhisay xukuumadda uu Cali Maxamed Geedi madaxda ka yahay ayaa waxaa xoogaa khalkhal galiyey gobolka qaabka ay xukuumada Geedi ula dhaqmayso dadyowga ku sugan qaar ka mid ah gobollada dalka waayo dawladda Cali Maxamed Geedi waxay noqotay bisad, waayo bisaddu waxay aragto waxay ugu jeceshahay hilibka waxayna ugu necebtahay biyaha marka waxaad moodaa in uu bar-bar socdo axdi qarameedkii lagu soo heshiiyey ee ahaa in ay dawladu tahay federal oo gobol walba uu u madax banaanyahay arrimhiisa gaarka ah. marka waxaan dhihi karnaa in xukuumada ra'iisul wasaare Geedi ku xadgudubtay axdi qarameedkii dawladda, waxaana u sheegaynaa dhammaan cidii ay khusayso in aysan waxbo ka jirin magacaabida lagu magacaabay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta G/Gedo waxaana u sheegayna sida lagu baahiyey BBC-da tababarrada lagu qabanayo G/Gedo gaar ahaan degmada G/harrey aanan marnaba aqbalayn, haddii tallaabo noocaas oo kale ah la isku dayana cawaaqibkeeda uu yeelan doono Cali Maxamed Geedi.

Allgedo: Xasan, sida hadalkaaga ka muuqato waxaad ka soo horjeedaa nidamka ay DFKMG-ka ah ku shaqaynayso iyo weliba magacaabida mas'uuliyiinta aad sheegtay in loo magacaabay G/Gedo, sidoo kalana waxaa jirtay in 16-kii bishan uu Ugaas Cumar Ugaas Xirsi warbaahinta u sheegay in uusan raali ka hayn qaabka uu wax u magacaabayo ra'iisul wasaare Geedi marka adiga iyo Ugaas Cumar iyo inta idinla mowqifka ah miyaad tashateen oo wax aad isku ogtihiin miyaa jira?

Xasan: Shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Kenya waxaa hormuud u ahaa hogaanka dhaqanka iyo siyaasiinta, marka haddii aan labadaba lagala tashan qaabka wax loo agaasimayo waxaad cad in uu fashil ka imaanayo hawlaha dawladda, aniga iyo Ugaas Cumarse ma aanan kulmin oo kama aanan tashan hawlahan.

Allgedo: Adigu hada sida aad sheegeyso waxaad tahay gudoomiyaha ururka SNF/SRRC waxaana la soconaa in dad badan oo aad iskala tirsanaydeen ururkan ay ka mid yihiin labada gole ee DFKMG-ka iyo weliba mas'uuliyiinta hadda gobolka loo magacaabay marka yaa hawshan kula wato adiga?

Xasan: Walaal, gabi ahaanba ma jiraan wax aniga igu gaar ah, waxa aan ku hadlaya waa afka dadka aan mas'uulka u ahay.

Allgedo:  Xasan waad mahadsan tahay.

Xasan:  Adinkaa mudan.



allgedo@allgedo.com

 



 

 
 

All Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved.
contact us at:  allgedo@allgedo.com
or webmaster@allgedo.com