WELCOME TO ALLGEDO ONLINE


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo, News,  December 4,  2006

Waxaa maanta Shakabadda Allgedo Online u suurta gashay inay waraysi dhincayo badan taabanaya la yeelato Dr. C/xakim Axmed C. Cisman oo ah Gudoomiyaha Ururka Somali Association of Arizona oo shaqo muhiim ah u haysa shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Phoenix ee gobolka Arizona, waraysigiina wuxuu u dhacay sidatan:

Allgedo: Dr. C/xakim, kusoo dhawaw shabakada Allgedo Online. 
  
Dr. C/xakim:  Waa mahadsantahay Adan.
  
Allgedo: Gudoomiye, marka hore wax manooga sheegi kartaa taariikh nololeedkaaga oo kooban?
  
Dr. C/xakim:  Haa Adan, ugu horayn anigu waxaan ka mid ahaa dhalintii kasoo qaxday Somaliya xiligii uu Mogadisho ka bilowday dagaalkii sokeeye ee waxaana ka mid ahaa dad weynihii Soomaaliyeed ee qaxootiga ahaa ee galay Utanga Refugee Camp ee laga furay Mombasa.  Kaddibna waxaan nasiib u yeeshay in bartamihii sagaasha meeyadii aan usoo dhoofay USA, halkaas oo aan ilaa iyo hadda ku sugnahay, xagga waxbarashadana aan sii watay ilaa iyo aan ka gaaray heer Jaamacadeed kana qalin jebiyay jaamacadda Arizona State University oo ku taala Phoenix.
 
Allgedo:  Sida aan og nahay waxaad tahay Gudoomiyaha Ururka Somali Association of Arizona, haddaba war bixin ma naga siin kartaa Ururka iyo wax qabadkiisa?

Dr. C/xakim: Ugu horeyntii, Aden waad ku mahadsan tahay fursadda aad maanta isiisay, marka xigtana Somali Association of Arizona, waxaa la aasaasay bilowgii sagaashameeyadii, waxaana aasaasay aqoonyahanno iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo dareemay baahida loo qabo urur matala bulshada Soomaaliyeed ee kunool gobolkaan.
  
Allgedo: Inta uu Ururkaan soo jiray muxuu u qabtay bulshada Soomalaiyeed ee ku nool gobolkaan?
  
Dr. C/xakim: Ururkaan runtii wuxuu qabtay wax badan oo aanan lagu soo koobi karin waraysi kaliya, balse haddaan wax ka xuso, ururku wuxuu ka shaqeeyaa mar walba horumarinta bulshada ku nool gobolkaan sida: Waxbarashada, caafimaadka, shaqada, dib u dajinta, xalinta dhibaatooyinka qoysaska, turjumidda luuqadda oo ah
qoraal iyo hadalba.
  
Allgedo: Ururo kale oo Soomaali ah oo shaqadiina oo kale qabta maka jiraan gobolkaan?
  
Dr. C/xakim: Runtii majiraan Ururo kale oo qabta shaqada ay qabato Somali Association of Arizona, waxaana oran karaa Ururkaani waa ururka kaliya ee sharciyaysan ee ka shaqeeya gobolkaan, balse waxaan maqlaa mararka qaarkood dad raba inay sameeyaan Ururo kale oo cusub, hase ahaatee shacabka ku nool gobolkaan ayaa ah dad u badan wax garad oo mar kasta hor istaaga cid alla iyo ciddii wada wax aan dan u ahayn horumarka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkan Arizona. 
  
Allgedo: Dr. C/xakim,  sida aad xustay, Ururkaan Somali Association of Arizona waa ururka kaliya ee ka jira gobolkaan lix iyo tobakii sano ee lasoo dhaafay, halka ay gobolada kale ay ka jiraan ururo badan oo iskasoo horjeeda, maxay tahay waxa aad is leedahay waad uga duwan tihiin Gobolada kale ee USA ama qurbahaba ee ay ku dhaqan yihiin bulshada Soomaaliyeed oo intooda badan aanan ku heshiinin in ay
yeeshaan hal urur oo danahooda u fuliya? 
  
Dr. C/xakim: Haa Adan, way jirtaa in aad moodo in aan dhanka towfiiqda iyo isku xirnaanta kaga duwanahay meelo badan oo ay bulshada Soomaaliyeed kaga nool yihiin qurbaha, sababaha kaliya ee aan xusi karana waxay yihiin:

 1.  Ayada oo sida aan kor ku soo sheegayba dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolkaan rizona ay yihiin dad xil kas ah isla markaana og faa’iida darada ka dhalan karta is qilaafka iyo is mucaaradka.

 2.  Iyada oo Gobolkaan ay ku badan yihiin aqoon yahanada, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ah ay horay aqoontooda ugala yimaadeen dalkii hooyo, qaarna ay halkaan wax ku barteen, sidaas awgeedna, waxaan la soconaa in ay aqoonta tahay sheyga kaliya ee dadka is raacisa horumarna lagu gaaro.

 3.  Iyada oo bulshada ku dhaqan Gobolkaan ay ku cibro qaateen faa’iido daradii laga dhaxlay Community-yadii ama Organization-adii faraha badnaa ee ay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee qurba jooga ah ay horay ugu talaabsadeen, balse dhamaantood ama intooda badan ay kala kulmeen fashilaad iyo bur-bur.

 4.  Ugu danbeyntii, kaddib markii ay in badan iska arkeen aqoon yahanada, iyo wax garadka Soomaaliyeed ee rag iyo dumarba leh ee ku dhaqan Gobolkaan waxa keenay in ay bur-buraan Community-yadii faraha badnaa ee ay laga abuuray meelo fara badan oo qurbaha ka mid ah ayaa waxaa usoo baxday in ay sababtu tahay in markii horeba
ujeedadii loo abuuray community-yadaas aanay ku saleysneyn daacad-nimo iyo bulshada Soomaaliyeed ee tabaaleysan si daacad nimo leh oo joogta ah wax loogu qabto. 

Dhinaca kalena, Adan waxaan ku xasuusinayaa in Ururkaan aan madaxda ka ahay uusan aheyn mid uu hal qof siduu doono ka yeelo, balse jiritaankiisa iyo wax qabadkiisaba ay hoos tagto wax garadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolkan.

Allgedo:  Dr. C/Xakin waad mahadsan tahay.

Dr. C/xakim:  Adinkaa mudan walaal.




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

         

 

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com