|
Col. Bare Aden Shire (Hiiraale) iyo
meleeshiyadii taabacsaneyd oo xalay saqdii dhexe baneeyay
rugihii ay ku lahaayeen Degmada Baardheere oo laga yaabo in ay
ku biiraan xoogagga midowga Maxaakiimta!
Waasiirka Gaashaan dhigga Dowladda FKMG ah, Col. Barre Aden
Shire iyo maleeshiyadii taabacsaneyd ee ay kal dhaweyd Midowga
Maxaakiimta ka qabsadeen Gobolada Jubooyinka ayaa xalay saqdii
dhexe si lama filaan ah u baneeyay rugihii ay ku lahaayeen
Degmada Baardheere. Wasiirka oo sida la wada og yahay
aanan waligii jecleyn in ay ciidamada IGAD cag soo dhigaan ciida
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Dalka Itoobiya; isla markaana ay
waayadaan danbe soo food saartay deganaasho la'aan dhinaca
siyaasadda ah ayay guuritaankiisa ku soo beegan tahay kaddib
markii ay: Dowladda Itoobiya Addis ugu
yeertay Col. Cabdulahi Yuusuf arrimo la xariira wada tashi iyo
sidii dalka Soomaaliyeed loo qaban lahaa,
dalka Soomaaliyeed oo ay xiligaan soo food
saartay qatar balaaran oo kaga soo fool leh duulaano balaaran oo
la damacsan yahay in ay meelo badan uga soo qaadaan isbaheysiga
ay Xabashidu horkaceyso, xiligan oo
ay midowga maxaakiimtu u muuqdaan quwad kasbatay kalsoonida
umadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba, warqaddii Ra’isulwasaare
Geedi uu u gudbiyay beesha caalamka ee uu ugu sheegayay in aanay
jirin cid wakiil ka ah dowladda KMG ah oo la xaajooneysa
maxkamadaha islaamiga, iyo is casilaadii Gudoomiyaha Baarlamanka
Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu iska casilay jagadii loo
magacaabay ee aheyd wada xaajoodka Maxkamadaha iyo dowladda KMG
ah.
Dhanka kale, warar hoose oo ay Allgedo ka heshay ilo lagu
kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in dhawaanahaanba uu wada
hadal hoose u socday Col. Bare Hiiraale iyo midowga Maxaakiimta,
taasoo midowga maxaakiimta ay Bare si cad ugu sheegeen in uu si
weyn uga fekero ka mid noqoshaha midowga maxaakiimta ama kuwa
kasoo horjeeda ee ay bah wadaagta yihiin cadowga Soomaaliyeed oo
ah Dowladda FKMG. Culeyskaan siyaasadeed ee waayadaan danbe soo
wajahay Col. Hiiraale ayaa waxaa usii dheer ayada oo uu horay u
lumiyay inta badan kalsoonida beesha uu kasoo jeedo ee Mareexaan
iyo isaga oo ay adagtahay in xiligaan uu sida Gen. Morgan
dibadaha gaaf-wareegeysto.
Isku soo wada duuboo, amuurahaas aan kor kusoo sheegnay awgood
ayaa waxaa laga yaabaa in ay xiligaan soo dedejisay in ay Bare
Hiiraale iyo meleeshiyadiisa u ruqaansadaan Gobolada Jubooyinka
si ay uga mid noqdaan Midowga Maxaakiimta ee uusan marnaba
hadafkooda aheyn in ay dagaal kala hortagaan kuwa Maxaakiimta ee
ku sugan deegaanada Jubbooyinka.
Ugu danbeyntii, waxaa xaqiiqo ah haddii ay dhacdo in xoogagga
Barre Hiiraale ay ku biiraan kuwa Maxaakiimta in ay talaabadaasi
noqon doonto guul dhinaca siyaasadda ah ee usoo hoyatay Midowga
Maxaakiimta iyo dharbaaxo lama filaan ah ee ku dhacday quwadaha
ay Itoobiyaanka hor kacayaan.
Allgedo News Media Network (ANMN)

|