|
||||
![]() |
![]() |
![]() |
||
Almatary, Yasir iyo Nur Roble oo koofiyadaha u bixiyay Yusuf Jihaad, kaddib markuu isku darsaday MVP, ciyaar wanaag iyo akhlaaq heer sare ah. Kooxda Jeenyo ayaa ku heestay: "Yaasir yaa la dhahaa , ALmatary-se waa kuma." Dadwaynaha iyo ciyaartooygii labadii kooxood oo haray ee Badda iyo Horseed oo si xad dhaaf ah u taageeray Jeenyo oo weliba ku orinayay kooxda Wagad iyo Cabdifataax (wagad) oo u sharaxnaa MVP laakiinse kaarka cas qaatay, ciyaartoo meel xiise leh maraysa. Xuseen Sudani oo isaguna ka sharaxnaa dhinaca Jeenyo, laakiinse isna kaarka cas qaatay daqiiqadahii ugu dambeeyay. Marti sharaf badan oo kasoo qaybgashay ciyaarta uuna hor kacayay Cali Shiikh (Cali Baaba) oo isagu ka mid ah duqayda Soomaliyeed ee Windsor, Ontario - Canada, Koobkana guduunsiiyay Kooxda Jeenyo, kaddib markuu khudbad yar jeediyay guddoomiyaha kooxda Windsor Axmed Shanagahaay. Ciyaartii oo faahfaahsan. Jeenyo 6 - Wagad 3 Kaddib markuu Yaxye u dhigtay isbaaro koobka wayn ayaa armaajada koobabka ee Yasir waxaa usoo hoyday koobkii kaalinta labaad. Haddaba ciyaarta ayaa waxay ahayd ciyaar aad DRAMATIC u ah. Gelinkii hore ayaa waxaa aad u heersaraysay kooxda Wagad oo weerar aad u culus ayaa lagaga naxsaday kooxda Jeenyo, halkaasna gool ayaa Mukhtaar ku xareeyay. Wax yar kaddibna gool kasii macaan ayaa Nur Roble ku labeeyay. Weerarka oo sidiisii u socda ayaa ciyaarta qaybteedii hore ku dhamaatay 2-0 oo Wagad ayaa cadcadayd gelinkaas. Haddaba galinkii dambe ayaa waxaa dhacay wax aysan marnaba ku xisaabtamayn kooxda Wagad oo meeshii ay weerarka kasii wadi lahaayeen ayaa laba gool muddo 2 daqiiqo ah dhexdood laga dhashtay oo laacibka AL-amiir ayaa saxiixay, wax yar kaddibna gool 3-aad ayaa Yusuf Jihaad ka xareeyay. Ilaa intaas ciyaartu qiime wayn ayay lahayd oo labada kooxood ciyaar wanaag heer sare ah ayay muujiyeen. Haddaba garsooraha oo intii hore xukunkiisu macquul ahaa ayaa sheekadu ka qasantay intii dambe, Cabdifataax oo horay u haystay jaallo ayuu guduud siiyay. Kooxda Wagad ayaa muddo 5 daqiiqo ku ciyaartay 5 qof oo keliya, laakiinse garsooraha ayaa haddana is bedelay oo u ogolaaday inay ku ciyaaraan 6 qof. Wax la is weeraroba goolkii barbardhaca ayay Wagad heshay kaddib markuu Almatary soo saaray gees, ayaa Cabdi dheere goolkiisa ku xareeyay. Haddaba, laacibka Yaxye oo isagu horay u haystay kaarka jaallaha ayaa ciyaartii joojiyay oo garsooraha kula murmay in uuusan oggolaan karin in Wagad qof kale soo gashato garoonka. Garsooraha oo amarkiisa qaatay ayaa, ciyaartii joojiyay, una yeeray labada kabtan iyo guddiga, kaddib markii la murmay ayaa go'aankii garsooraha la beddelay, kooxdiina 5 qof ayaa lagu celiyay. Haddaba inkastoo Yaxye uu xaq u lahaa inuu ka doodo, laakiinse kaayooska uu abuuray iyo ciyaar joojinta darteed iyo isagoo in ka badan afar mar sameeyay khaladaad ka waawayn kuwii Cabdifataax !!!!!!!!!! wuxuu istaahilay ugu yaraan kaar guduudan, taasi ma dhicine, illayn garsooruhu waakii isku dhex yaacay sidaan horeba u sheegnay, meeshii ayaa sheekadu kasii socotay. Maxaad ku taqaan koox uu ka baxay laacibkoodii u sharaxnaa inuu qaato MVP, dabcan Wagad way isku dhex yaacday oo si fiican ayaa loo weeraray, Yusuf Jihaad, Kulan iyo Xuseen Sudani ayaa ka nastay dhibkii uu ku hayay Cabdi fataax, taasoo u sahashay inay gool kale oo afraad Kulan u xireeyo. Haddaba garsooraha Francua oo isagu ciyaarta wanaageedii aad ugu ciyaaray, ayaa si uu dadka u tuso inuusan istaahilin Garsoorenimo ayuu wuxuu siiyay kaarkii labaad oo Jaallaha ah laacibka Xuseen Sudani kaddib markii loo sheegay in jaallaha labaad micneheedu yahay guduud, ayaa wuxuu yiri "ciyaartu way socotaa", goolka shanaad ayaa wuxuu ku dhashay iyadoo laacibiinta Wagad wada istaageen, oo faraha ka qaadeen, waxaase kasii yaab badan waxaa goolkaas dhaliyay isla laacibka labada jaallo haysta ee Xuseen sudani !!!!!!!!!!!! Kooxda wagad ayaa garsooraha mar labaad xusuusisay inuu jaallihii labaad yahay, kaddib mar kale markay guddigu dhex galeen ayuu guduud siiyay. Laakiinse Xuseen ma ciil qabo, goolkiisina waa loo socodsiiyay. Daqiiqadihii ugu dambeeyay ayay gool lixaad dhashteen kooxda Jeenyo, intaas ayayna ku dhamaatay ciyaartii cajiibka ahayd ee dhex martay labadaas kooxood. Waxaa xusid mudan inay kooxda Jeenyo guud ahaan istaahishay koobkaas, waxaase kaloo xusid mudan in Garsooraha Francua uu ciyaarta nuxurkii ka dilay, labada kooxood ee Jeenyo iyo Wagad ayaa waxay u fekereen si caqli wayni ku jirta, waayo ciyaarto gacanta way ka bixi lahay haddii garsooraha la aflagaadhayn lahaa. Haddaba labadaas kooxood waxay na tuseen in ciyaartu ay marka horeba akhlaaaq tahay, mar labaadkana guul tahay, gaar ahaan waxaan mar labaad xusaynaa Yusuf Jihaad oo runtii akhlaaq wanaag muujiyay oo weliba ogolaaday in kooxda Wagad ku ciyaarto 6-dooda qof, kooxda Wagadna waxay ugu abaalguday inay ka aamusaan goolkii xuseen sudani oo xaqdarada ku dhashay isaagoo guduud haysta. Martida xalayto kasoo qaybgashay marka laga reebo ciyaartooygii kooxihii hore oo haray ayaa waxaa ka mid ahaa: Cali Shiikh (Cali baaba), Dr.Qaasim (oo ka mid ahaa musharixiintii Madaxwaynenimada Dawladda federaalka ee Somaliya) Axmed Jihaad, Cabdiraxmaan, Maxamuud (Casino), Maxamuud Tiiro, Cali Caliyoow iyo dadwayne farabadan oo aanan imminka soo wada xusi karin. Guddoomiyaha Axmed Shangahaaay wuxuu aad u mahadiyay duqaydaas sharafka leh laacibiinta iyo dadwaynihii oo dhan. Hadiyadihii ayaa sidan loo baxshay:- Koobka kaalinta koowaad Jeenyo oo Yusuf Jihaad ayaa la guddoonsiiyay.
|
|||||||||||||||||
|
©allgedo@allgedo.com |
|||||||||||||||||
|
All
Gedo Online © 2005 - All Rights Reserved. |