Ceelcade – Gedo (Somalia) – Waxaa shaley gelinkii dambe deegaanka Ceelcade oo ka tirsan Gobolka Gedo lagu soo gabagabeeyey Shir mudo 5 maalin ah, halkaasi ugu soconayey Qaar ka mid ah Odoyaasha, Culamaudiinka iyo Waxgarad kale oo ka soo jeeda Beesha Reer Garaad, iyadoo kulankaasi oo ay ka qeyb galeen dad ka badan ilaa 100 ruux ayey Beeshu kaga hadley arimo dhowr oo Quseeya danaha guud ee Beeshaasi oo ka mid ah Beelaha SADE iyo Xaalada guud ee Gobolka uu ku sugan yahay.
Shirkani oo ay soo Qabanqaabiyeen Qaar ka mid ah Odoyaasha deegaanka Ceelcade ayaa ujeedadiisu waxay ahayd labo arimood oo kala ah, marka kowaad in la doorto Nabadoon hogaamiya mid ka mid ah Jufooyinka Beesha Reer Garaad, iyadoo Xilka nabadoonimada Jufadaasi oo uu horey u hayey Nabadoon Sheekh Cabdulaahi Cabdi Ciise oo mudo ka badan 17 sano hayey ayaa Xilkaasi Nabadooninimo waxaa uu ku wareejiyeyMacalin Salaad Cabdille Maxamed oo ku yimid sida la sheegay Qaab xulasho ah.
Sidoo kale Shirkaasi Gunaanadkiisa oo ay goob joog ka ahaayeen Qaar ka mid ah Odoyaasha Beelaha kale ee Reer SADE kuna sugan deegaanka Ceelcade ayey beesha Reer Garaad waxaa ay ka soo saareen Bayaan ka kooban ilaa 3 Qodob oo ay si gaar ah uga hadlayeen Xaaladaha dalka uu marayo,mida Gobolka iyo weliba mowqifka guud ee Beesha, waxaana Bayaanku u qornaa Sidatan:
1- Beeshu waxay ictiraaftey Nimcada iyo Islaanimada uu alle siiyey
2- Beesha waxay go’aan ku gaartey in la ilaaliyo Midnimada reer Garaad,wax kasta oo khilaaf ahna lagu xaliyo sida ay qabto shareecada Islaamka.
3- Beesha waxa balan qaadeysaa In ay garab istaago Kitaabka alle.
Dhinaca kale, mas’uuliyiintii iyo Odoyaashii ka qeyb galey Gunaanadka Shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Deegaanka Ceelcade Sheekh Aden Shukri Ciye oo ku amaanay beesha xulashada Nabadoonka iyo Bayaanka ay soo saareen, waxuuna gudoomiyahu uu tilmaamay Maamulka Islaamiga ee Gobolka Gedo in uu soo dhaweynayo natiijooyikii ka soo baxay Shirkaasi.
Sidoo kale Xubnahii Odoyaasha ahaa ee ka goob jooga ka ahaa Shirkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa Ugaas Maxamed Weli Sheekh Axmed, Nabadoon Xasan Xirsi Ciise, Nabadoon Maxamed Axmed Faarax (indhayare), Nabadoon Sheekh Cabdulaahi Cabdi Ciise, Nabadoon: Sheekh Maxamuud Macalin Yuusf, Nabadoon Cali Macalin Aden (Cali xiish), Maxamed Cali Ducaale iyo Xubno kale.
Waana markii ugu horeysay oo shir beeleed noocani oo kale ah uu dhaco deegaanka ceelcade, islamarkaana ay ka soo baxaan Go’aano quseeya arimaha murugsan ee ka taagan dalka Soomaaliya iyo weliba Xaalada Gobolka.
——-
Cumar Jaajaa, Ceelcade-Gedo.

waa arin lagu farxo in ay hormar gaaraan walaalaheen reer garaad
aaad baan ugu faraxsanahay qaab xulashada ah ee lagu doortay nabadoonka
WAA ARIN AAD IYO AAD U WANAGSAN OO KU DAYASHA MUDAN
WAXAANA AY KEENEYSA IN BEEL KASTA AY IS ABABUSHO;SOMALIDA WAXAY KU MAH MAHDAA HAAN GUUNTA LAGA SOO UNKAA.WAA ARIIN AY BEESHA SADE JELIBYAADA OO DHAN AY KU TILAABSANDOONAAN OO LOO BAHANYAHAY IN BEELAHA SOOMAALIYED AY KU TASHADAAN,WA BILLAHI TOWFIIQ.
A/C waa arin aad uwanaagsan oo lagu farxo shirka degmada celcade ka dhacay oo lagu soo dortay nabadoonka, tan labaad banaanka ay soo saaren ayaa ah mid aad qaali u ah waayo maantay waxaa umadda soomaaliyeed kuyaratay erayga ah aan isku dhaqno kitaabka ilaahay, waxaan halkaan ooga hanbalyeynayaa nabadonka cusub Macalin Salaad Cabdille Maxamed oo runtii ah nin aan kunaqaano inuu yahay nin ehlu diin ah aad u naxaris badan cadaalad badan waxaan leyahy ilaah hakula gabar galo xilkaas weyn ee aad umadda reer gedo uqabatay gaar ahan reer ceelcade iyo waliba bulshad soomaliyeedba
waxaan soo dhawaynaayaa shirka sida fiican oo uu kudhamaaday iyo qaabka uu udhacay iyo nabadoonka lasoodoortay oo aan asagu isdooran waxaan leeyahay way kumahad san yihiin dadkii soo abaabulay gaarahaan beesha baha garaad waawax kudayasha mudan oo soomaaliyoodhan lagasugaayo
Salanta islamka ayan u dirayaa dhamaan shacabka gobolka gedo marka xigto shirka ceelcade ee ree garaad waan soo dhaweynaya balse waxan la yaabaa maxay marwalbo gooni isu taagan dhaman dadka ku dhaqan gobolka shareecada ma heystan miyaa? Allgedana waxan leeyahay ugaas nimada meel ha uga dhicin
Waxan slnta islamka ku slmaya dhaman ka qeyb galayasha sharafta leh (asc) sln ka dib waxan u mahad celinaya dhaman wax garadka sharafta leh oo isku afgartey inay isku xukuman aayadka ale oo munazalka ah waxan kale oo an ku boorinaya bulsho weynta kale ee somaliyeed khasaten reer Gedo iney ku daydan hormarka ay gaaren reer ceelcade waana ugu mahad celinaya tilabada la taaban karo oo ay qaaden mida kale waxan leeyahay ree ceelcade halashaqeyno nabad doonka by ABDINASIR ALI MOHAMED
dhaman wan slamy kasoo qaybgalayaasha salanta islamka asc wr wb kadib marka hore waxaan umahad celinayaa nabadoonka cusub ee walalahen ay soo magacabeen marka xigta…ninkaadan labaxy ugas warsame meel ha ooga dhicin dad aaana munsabkaada ahayn oodna gaarin..beel walba ugaaskeeda way ledahy iyo nabadoonba… tan kale reer gedo diin mahaystaan laguama oran e waxa mesha yaala dhuxan oo raali galin kabixi ugaska ugasyada daroodn gafka aaad ugaysaty wabilahi tawfiiq
tan kale reer gedo diin mahaystaan laguama oran e waxa mesha yaala dhuxan oo raali galin kabixi ugaska ugasyada daroodn gafka aaad ugaysaty wabilahi tawfiiq !!! ABDINASIR ALI MOHAMED