Home » News »

Is badal lagu sameeyey Ciidamada alshabaab ee gobolka Gedo.

Is badal aan caadi ahayn ayaa lagu sameeyey Ciidamada Xarakada alshabaab ee gobolka Gedo, iyadoo deegaano ka tirsan gobolkaasina dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Ciidamadaasi.

Ciidamo fara badan oo  ka tirsan kuwa Xarakada alshabaab oo ka kala yimid gobolada Bay, Bakool iyo Hiiraan ayaa soo gaaray gobolka Gedo kuwaasoo lagu badalay ciidamadii kale Alshabaab ee horay ugu sugnaa gobolkaasi.

Waxaa la sheegay Ciidamadii hore Xarakada alshabaab gobolka Gedo in la badalay si ay u soo nastaan maadaama muddooyinkii ugu danbeysay ay la kulmeen dagaalo xariir ah oo ay la galeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Dagaal yahano ku hubaysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay maantay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo, gaar ahaan Baardheere iyo duleedka Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Ugu danbeyntii waxaa cabsi xoogan ka jirtaa in ciidamadani cusub ee lagu badalay ciidamadii hore in ay holciyana dagaal culus si ay dib ula wareegaan degmooyinka horay ay ula wareegeen Ciidamada dowladda KMG soomaaliya iyo kuwa ahlusunna Waljamaaca.

 

Maxamed Cabdi Yuusuf, Muqdisho/Somalia.

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

19 Jawaabood " Is badal lagu sameeyey Ciidamada alshabaab ee gobolka Gedo. "

  1. yusuf says:

    war raxanweynta iyo hawiye xun maxay naga rabaan, hiiraan iyo bay bakool kulaha. Gedo beesha Sade baa iska leh, ciidi hub la soo gasho waa la dili. Inshallah guul waxaa iska leh ciidamada dowlada noloow barre hiiraale, noloow mohamed cabdi kaliil, noloow mahmoud sayid adan, noloow ciidi tageersan danta beesha

  2. PUNTLAND says:

    Waa run Geddo waa dhul DAAROOD ISMAACIIL AL JABARTI gaar ahaan waa dhul sadde waa in dhamaan beel weeynta Daarood eeyladagaalamaan mooryaanta Al shaydaan ama nabad diidka.

  3. maashaa alaah walaahi waa ciidan dowladeed alshabaab ciidanka kooxda ridana waa mooryaan gaalo uadeeda marnaba lagama yaabo in ay hormar ka sameyaan dagaalka ay kula jiraan umada islaamka ee ku dhaqan soomaaliya waxaan kaloo halkan uga mahad celineynaa dhalanyarda soomaaliyeed ee xilka iska saarey ladagaalanka wakiilda dawladaha gaalada ee kibirka badan waxaanu leenahay siiwada ilaa inta ay ka dhaceyso maalinta qimaama dila oo goowraca wakillada gaalada meesha aad ku aragtaan ilaa iyo inta looga sifeyneyo dhulka islaamka ee daahirka ah isku duubnaada oo iswalaashada iscaawiya isku duubnaada si wakiilada gaalada loo ciribtiro ilaaheyna balan ayuu idin qaadey hadii aad dhimataan janadii baa idinka horeysa hadii aad nooshihiina nasarkii ale baa heleysiin gaalo iyo gaalo raac nasar iyo guul marnaba ma gaaraan hadii ay dhintaan waxaa ka horeya naartii jahanama لاحول وقوة الا بالله

  4. Waryale, maxa tiradeen, Darood cismail Jeberti: GARB HARRE, MALKA REE, BELED HAWAI DOMBOR, DOLLO,ULUQO, BARDER, BUR DUBOW, LAFE MARIXAAN, Now, then I do not see a trace of Daroodism. xaage geysen wixii idhin ladegaan sida Ilma GARRE Labaad Tood, Leysan, Goguween, Dirta.

    We have abandon everywhere in Kedi because of Marixaan. However, we will stay CeelWaaq( Ceel BoruAche and Ceel Qalu) is Garre land and no darood or Hawiye will be allowed to traspass. Stop the tricks.

  5. Kamaal says:

    Aad ayaan ugu faraxsanahay in Gedo lasoo wareejiyo khawaarijta Raxanweyn waxaan ku sameen doonaa hubka dhigis in leen raxaweyn ka ligeyd cid ay iska dhicin karto ma lahan waa Garaneysa intuu in cediid Baydhabo ka heystey oo markii danbe Amxaaro uga kacisey mardhow inshaa Allaah naga eegta Xudur iyo Baydhabo Waxan Leeyahay Hawiyaha kuwa khawaarijta ah waa garaneysaan adeerkiini qaran dumiska ahaa magaca uga baxay Gedo oo ah Gedo guriga geerida illaa hada waxa jiro meelo la yiraad Lafa hawiye. Hawiyo madhaafaan iwm hadana kuwi Khawarijti mareexan oo tirada yar way iska dhamaadeen ku cusubna dhul insha Allaah Gedo horta waan ka saareynaa soomalida kala waan ka xoreeneyaa sxb kan iska soo qorayo waa la gooracaa adeer mareexaan wuu ka siidara hadii dadkiisa la laayo ee rabaayad kuma noqdo

  6. Yusuf Dheere says:

    To:Garre Warrior.
    Saaxiib, waxaad tahay nin ciil ka muuqdo. Waxaan kuu sheegi, dhulkan Ilaahay baa iska leh. Ma jirto aayad quraan ah ama xadiith sheegaya in qabiil walba dhul gaar loo siiyay. Waxaanse kuu sheegi, dadku dhulka wuu iska riixaa, iyada ooysan dagaal dhicin. Mararka qaarkoodna dagaal baa dhulka lagu kala qaataa. Hadaad aaminsan tahay boqolaal sano ka hor inuu Gare iska lahaa Gedo, waxaad ogaataa aduunku boqolaal sano ka hor nin walba meel kale ayuu ku noolaa. In dhulka la kala qaato, its a part of the nature. Tusaale: Australia 130 sano ka hor cadaanku maysan joogin, hadana iyagaa u taliya. South and North Amerika Red Indian baa lahaan jiray hadana European baa u taliya. Sxb waxaan kuu sheegayaa inaad riyada iska dayso. Gedo waxaa daga qabiilo badan, balse hal qabiil ayaa lagu yaqaanaa inay oo dhib iyo dheefba u badan waaa xaqiiq. Sxb Gare cid wax u diidan ma jirto balse sidaad u hadlayso waa laga fiican yahay

  7. curdan says:

    dad yahow wax yalah lagu so qoraye halag fiirsadoo meelah qarkood in lagu so qoro mid la mid ah ama ka xuun

  8. KISMAAYO says:

    aduunyooy xaalkaa ba,masaanaa u dambeysay beeshii mareexaan iyo in ay eelaay oo tuugsi iyo tuugo lagu ogaa maanta taageerayaal u yihiin iyagoo lagu khaldaayo diin baan wadnaa oo deegaankoodii la rabaa in laga qaado iyadoo diin la,isticmaalaayo oo dadkiina laga dhigay sadex qaybood oo kala ah.
    wax la dilo ,.
    wax la qaxiyo
    wax baahi u dhinta.
    waryaa alla yaqaano war meeye beeshii daarood oo soo gurmato maxay mareexaan talo xumadaan ugu fiirsanayaan. inkastoo mareexaan hore daarood iyo PUNTLANDBAkala dhinteen misana maaha in sidaan mareexaan lagu fiirsado.
    WAR DAAROODOOW SOO GURMO
    WAR PUNTLAND SOO GURMO

  9. Sadoow maanta aan dib u,eegno 2-midii noo roon.waa,inay naqabsadaan ciidamo ku xisaab tamaya dhulka Gedo gadaalna ay kariixayaan E/K iyo Wiilasha yar yaree Soomaaliyeed ee caalamka oo dhami iska xorayntooda kugu taageerayo?! Tankale Gudoomiye aqoon sare leh baad ku doorateen C/waaq kadibna mid gacan ku rimis ah baa dusha la,idin kaga keenay. Aniga waxay ila tahay 1-inaan qaadno isbaarada Dhuusamareeb taala een ku waardiyeyno Puntland.2-in heshiis nabadeed lalagalo dhamaan Beelaha dariska nala,ah.3-in lalamidoobo maamulka Galmudug deetana aan wada dhisano Dekadda Hobyo silooga maarmo tan Bosaso ee 900km ah.Ugu dambayna in la,iska iloobo Daarodnimada nalagu gaado had&jer danteenu waa Somali weyn iyadaa cizzi &sharafba noohaysee. Wabillaahi Tawfiiq.

  10. saaxib kamaal waxaan ku leeyahay raxaweyn afkaaga huurada leh haku taagin waa ay kaa sharaf badan yihiin waayo raxaweyn waa qabiilka keli ah ee soomaaliya mujaahidiinta taageero buuxda siiyey waana qabiil nasab ah oo aan dabadhilif u aheyn itoobiya sida qabaailka qaarkooda oo runtii weli daba socda itoobiyaanka iyo keenyaatiga sida kuwa gedo sheegta qaarkooda iyo kuwa sheegta jubooyinka qaarkooda kuwaas oo keenyaatiga iyo itoobiyaanka wakiil uga ah ladagaalanka muslimiinta marka mr kamaal adiga soomaalina waxba kuuma galin mujarad waxa tahay jaasuus itoobiyaan ah beena ka sheegin dadka soomaaliyeed ee itoobiyaankiina dagaalka kula jira marka saaxib ciil iyo caloolo xumo iyo caro ladhimo islaamka waa guuleystey ee oohinta iyo cabaadka iska daya yaa awlaad melezanaawi

  11. Jihaad jecel says:

    Asc

    Allahaa quweeyo Mujaahidiinta Gaal & Gaal kal kaalna allahaa jabiyo

    Umadda Qabyaalada ay indha tirtayna allahaa soo hanuuniyo

  12. Jigjiga city says:

    @almuctasim miyaad waalan tahay? Sh sakiin wa’ayo? xaabsade wa’ayo doolow waxan fadhiya soo kuwa ku jira? ma Somali aan maanta ethio iyo kenya la shaqaysan baa jirta? Aan kula taliyee caruurta hubka ka dhig oo ugu badal waxbarasho iyo nolol. Gobolada gaajada loogu dhintayna colaadaa cause garaynaysa ee dantaada garo. Alqacida yaysan kugu shaqaysan, Next 10 years maxaad la shir imaan ilen dadkadi mid jisa iyo mid jaban iyo mid dhintay bay u qaybsameene! waa talo Somalinimo ha u qaadan wax kale.

  13. kamaal says:

    Magacaygii kamaal ayaa inta nin biliqaystay qof u soo jawaabay aniga kamaal ah ma aha ninkla qoray qormada magaca kamaal ku qoran lakiin aniga kamaal ahaan waxaan ka qabo al-shabaab…anaga reer sade ah maanan dooraan al shabaab ee dhankaas iyo xamar ayaa nalooga keenay export ahaan ayaa naloogu keenay ee wax ama maamul reer sade doorteen maha.

    Markasta gedo waxaa la keenaa wax reer somali ah ama qabiil somali ah ayagu intay sameestaan tuugo ama kuwo madaxa looga jiro oo aan ayagu wax maamul ah ama wax caqli oo ayagu leeyihiin la imaan karin ayaa ayagoo sida dameerka u raran gedo noogu yimadaan..

    Marka sade al shabaab wax kama dhisin dhulkayaga imoow maysan ku oran xoog ayay dhulkeena ku joogaan iyo in yar oo reer sade ah oo calooshood u shaqaystayaal ah oo caruurtooda ka biisa gumaysiga lagu hayo dhulkeena insha alah mar aan dheerayn way dhiman oo si xun bay u dhiman wax badan gedo waa lagu soo duulay lakiin nin nool kama noqdo waa cada gedo al shabaabna ayagoo gar dhaadheer gedo waa lagu xabaali insha allah lakiin rabitaan sade kuma joogaan kumana imaan…

  14. Asc. Waxan salaamayaa dhamaan reer Gedo, kadibna waxan leyahay walalayaal dad waxaa idiinkugu dhow Raxanweyntaan rag badan ay aflagaadeyn hayaan waa xaga Environment tiga, Culture ka, Business ka & Education ka and etc. Reer gedow wiilashiina yaanan la leyn iyagoo Amxaar ama Kenyati hoos fadhiya, ragaan la leyahay Alqa’eda dunida o idil yaaba tabar u la’. teeda kale ha ilobina Dadkaan Digil & Miriflaha ma’aha dad dabyar shidaayo wa

  15. liibaan says:

    ACW aflagaado ma fiicno macno darana looma hadlo dabhurinta waa dambi kabaa,ir ah xaqiiqdana lagama tago ninka maslax watow ninka magaciisa ha uga ciyaarin ee magac kale soo qaado ninka muctasim wato waxaan leeyahay dadku waa wada somali waana wada muslim meesha jihaad ma yaalo ee dan iyo awood baa la isku haystaa aad baan uga dharagsanahay waxa meesha ka socdo nimanka xamar taangiga yaal ka soo cararay ee ku soo laabtay somali waxaa lagu tilmaami karaa dayuusin haday mujaahidiin yihiin maxay u soo carareen mase waxaad filaysaa ciyaalka laga keenay baledweyne xusur iyo baydhabo inay guul gaari karaan waa maya dabecada iyo ciida la dirirayso waxayna ku habaabayaan dhulka duurka ah ee baadiyaha ah waxaa fiican inuu caqliga shaqeeyo kuwa leh raxaweyn baa wax qabsatay hadalka aan laga fiirsan iyo dacaayada ma fiicno alshabaab waa xarako aan qabiil ku dhisnayd somali oo dhana way ku jirtaa yaan xaalka qabiil loo bedelin raxaweyn iyo mareexaan dagaal waqtigaan ka dhexeeyo ma jiro raxaweynta lafteedana la haystaa wax haystana ma yaqaanaan marka yaan la buurin xasarad kale oo aan meesha oolin kan gare wato waxaan leeyahay ma inaad soo caan baxdaad rabtaa maxaad Gare colaada ugu abuuraysaa xageed safka kaga jirtaa ilayn hada arinkaan waxay u taal mareexaan iyo alshabaab adigu ma alshabaab baad tahay mise dadka alshabaab ka difaacayo gedo mawduuca meesha yaal waa labadaas mid sadexeeyo ma jiro hadaadan labaad midna ahayn la iskama dhex ordo waxaan ku khusayn ee meel fariiso dhamaanteen khayrka allaha na waafajiyo abaarta iyo colaadana dadkaan masaakiinta ah allaha ka qaado mushkuladana yaanan intertaiment laga dhigan wa bilaahi tawfiiq

  16. asc walaalayaal waxaan dhihi lahaa maana majoogno xili aan dagaal oogno ee waxaan joognaa xilli aan qaboojinno dagaalada marka waxaan ku waanin lahaa 2 da garab ee soomaaliya isku haysa gaar ahaan gobolka gedo in ay joojiyaan dagaaladda ayagoo u xanuuunsanaya shacabka abaaruhu diloodeen. waa haddii aad dad ay soomaalinimo kudanbaysa tihiin. teeda kala qoladiinaan sheeganaysa diinta waa in aad shuruud la’aan kujoojisaaan xabadda iyo falalka argagixisonimo ee aad kawadaan cariga Gedo… mahadsanidiin….. allah idinka dhigo kuwo waanada qaato…

  17. tooooooooooooowba tooowba aniga maanta laga bilaabo waanka towbad keeney wixii afligaado iyo caay aan ugeystey dhamaan dhalanyarada halkan waxku soo qora waxaana uga in ay ka toowbad keenaan wixii afligaado iyo caay ay kula kaceen dadka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan waxaan kaloo uga baaqeya dhalanyarada soomaaliyeed in ay faraha kala baxaan siyaasada jahwareerka ah ee wadankii ka jirta waxaan uga baaqeyaa dhamaan dhalanyarada halkan wax ku soo qora inaan ka faaideysano fursada ay naiiyeen walaalaha webkan algedo iska leh waa in aan isu faaideynaa kana wada hadalnaa mustaqbalka caruurteena iyo dan inoo ah iyo aan ka wada hadalno sidii umadan abaarta ladaala dhaceysa wax uga qaban leheyn /////////// hadaba qofkii ila qaba fikradahan waxaa ay iigu soo jawaabeysa webkan barakeysan oo runtii waxbadan uqabtey dhalanyarada soomaaliyeed ee ku nool dunida dacaladeeda

  18. liibaan says:

    ACW all walaalaha somaliyed waxaan si gaar ah u salamaya maamulka allgedo oo noo suura galiyay inaan fekerkeena halkaan ka dhiibano waan idinkugu mahad celinayaa fadlan talo ahaana waxaan idiin siinayaa iniidan soo gudbin qoraalada macno darada ah ama ay ku qoran tahay waxyaalaha aflagaadada ah walaalayaasha webkan wax ku soo qorayana waxaan idin kula talin lahaa inaad ka faa,iidaysataan fursataan ay allgedo inoogu soora galisay inaan fikiryaga ku dhiibano almuctasim maansha allaha hadaad toobad ilaahay waydiisatay walaal ilaah ha kaa aqbalo waa inaadna ka dhabaysaa oo aan ka dareenaa qoraaladaada wixii qadaf ahna allaha awooda leh hanaga saamaxo wabilaahi tawfiiq acw

  19. liibaanow waan ku salaameyaa walaal waxaana ilaahey hortiisa balan uga qaadey inaan afligaado iyo caay kula kicin umada muslimiinta soomaaliyeed wax welba ay ahaadaan ilaahey ayaa cidwelba suaaleyaa yoomul qiyaama marka waxaa loo baahan yahay inaan ka harn dhaawacida dadka muslimiinta oo aan ku sheegno murtadiin ama kufri iyo caayda qabaailka soomaaliyeed waxaan kaloo ka codsaneynaa dhamaan dhalanyarada soomaaliyeed in ay ka baxaan siyaasada dalka soomaaliya waayo anagu dagaalna kuma jirno siyaasadana kuma jirno sidaas daraadeeda waa in aan danaheena ka teshana oo aan ka faaideysano fursada walaalaha algedo ay noo ogolaadeen waa in aan halkaan ku soo qornaa waxyaabo dadka ufaaideyaa sida barashada hoowlaha ganacsiga tijnoolejiga iyo xitaa sii barashada internetka waayo dad badan waxaa nagu jira cilmigooda tignoolejiga aad uyer yahay waa in loo faaideyo waa in suaalo isweydiinaa suaalahaas oo ku saabsan ganacsiga internetka caafimaadka iyo qurbaha sidii aan uga bixi leheyn oo uga noqon leheyn dalkeena hooyo waayo dadka webkan ku xiran badankooda waa dadka qurbaha ku nool /marka walaalyaal salaada cishaha ayaan soo tukaneyaa qoraalka waan sii wadi lahaa /wasalaama caleykum