Madaxweynaha Somali Central State mudane Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo haatan ku sugan Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo wareysi siiyay Warbaahinta Saadaal ayaa ka waramay shir balaaran oo maanta halkaas uga furmay 9 maamul goboleed oo doonaya in ay ku midoobaan hal maamul goboleed.
Shirkani ayaa waxaa la filayaa in uu maalmaha soo socda si habsami leh uga socdo Degmada Cadaado ayada oo la filaayo in uu kasoo baxo go’aan ay u wada dhan yihiin.
Halkaan ka dhageyso wareysi kooban ee Madaxweyne Maxamed Xaashi (Carabey)
———–
Wareysigaan waxaa qaaday wariyaha Saadaal Media oo ah Maxamed Cibaar Diiriye oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

ma wada shaqayn karaan labada maamul e central state iyo
Ehlusunna haddii ay maya tahay waa maxay sababta uu
yimid carabey cadaado iyo caabudwaaq ma cabdi sacdi ayaa gogol xaar u ahaa oo qaska caabudwaaq ayaa loo balansanaa reer
caabudwaaqaw somaalidu waxay tiraahdaa nimaan kuu furi doonin
yuusan rarin waxaan uga dan leeyahay abdi sacdi iyo ina xaashi ganey
meel idingaarsiin maayaane yaan maamulkiina iyo nabadiina la idinka burburin
a/c mahad sanidiin allgedo oneline. sida hagarla’aanta aad noogu soo gudbisaan wararka Hufan ee dal iyo dibadba.
inshaa allaah khayr ayaan u rajaynaynaa Madax waynaha iyo waftigiisaba, iyo intii gacan ka gaysatayba, waxaankaloon rajeenayaa in ay jaaliyada iyo dadka deegaankuba ay soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan si aan ooga faa’iidaysano fursadaan qaaliga ah.waa bilaahi toofiiq.
as/c sade dhalinyaradan dadka iyo dalkaba u kacday ee aqoontaleh ha la garab istaago intii laga tago qabiilka iyo Jaahilnimada Nagu danbeeysa. ninka Allgalgaduud u Furtay, qofkasto oo mareexaan ah oo wax isku daya in uu ku caayo, waxaas ka waan toow ayaan leeyahay, allaaahna ka cabbso, sade xiligii uu isku tashan lahaa waa la Gaaray ayay ila tahay aniga, ehelusuna dan uma heeyso shacabka reer sade iyo deeganadoodaba, Zanaawi ayaa shidaal ku shubtah, ciidankii hubta ehelusuna u siday ee sade Gaajo ayay la kala carareen oo waxii Zanawi laga soo qaado ma soo Gaarto,
marka hadii sheekada laga dhigo aan ku taliyo ii talin meeysid aan wada tashano wada tashan meeyno ii tali adigu kuu talin maayo, hadaba aan kala tagno kala tagimeeynee tabtaas ayay noo ahaaneeysaah,
madexweynaha iyo xubnaha reer sade ee gudaha Jooga in ay si wada Jir u la fa guraan danaha reer sade, ee mudada dheer, dadka Jaahilinta u talinayeen, webka allgalgaduudna Sade bayaan uu ku cadeeynayo in reer sade afkaartisa uusan ku hadlin halaga soo saaro,
muwaadin sade u dhashayna uusan laheyn wada danaha dad shisheeye, nuur ugaas waxaan leeyahay sade intaad isku Juqeyn kartay isku Juqeeysaye Caanadeeda iyo faaidada aad ka heshay, iyo cidda ku soo adeegsatay Noo bayaami,
Sade allah ka dhigo kuwii wanaag isku Raaaca Wax Wanaagsana Wada qabsada, dadkoo iyo dalkoodana horumar iyo kala danbeyn ku soo dabaala Viva Sade ha i saaco wabailahi towfiiq
wan idin salamaa dhamantin