London, UK (AOL) – Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ku saabsaneeyd buug cusub ee dhawaan lasoo daabacay oo uu diyaariyay qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Mohamed Ibraahim Shire aya ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Waxaa uu buugan kusaabsan yahay waxqabadkii Kacaankii 21ki October 1969 ilaa 26 Janaayo 1991 iyo taariikh nololeedkii A U N Jaalle Mohamed Siyaad Barre.
Xafladddan ayaa waxaa si mug buuxa leh oga hadlay maddaxdii qarankii Soomaliyeed, aqoonyahano iyo dhalinyaro Soomaliyeed.
Madaxdii iyo masuuliyiintii ka hadashay ayaa waxay ahaayeen masuuliyiin aad u xusta taariikhda dalka Soomaaliya iyo weliba geeska Africa.
Waxaa ka mid ahaa masuuliyiintii ka mida ahaa Dr Cabdulqadir Cali Boolaay, Kaaliyii XHKS Cabdulqadir Haaji Mohamed, Gen Yuusuf Ahmed Salxaan, Wasiirkii hore ee warfaafinta Faarah Daahir Afeey iyo masuuliyiin tira badan oo buddhigo u ahaa taariikhdaas muhiinka u ah Ummadda Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo halkaas hadalka qaatay aqoonyahano, odayaan, waxgarad, haweenka iyo dhalinyaro kakala socota goboldada dalka. Waxaa halkaas heeso qiiro leh tiriyay abwaan Cabdiriaaq Ahmed Faarah (Gaadaco)
Waxaa xafladaan lagu soo bandhigay qaabkii hoggaameed ee dalka Soomaaliya uu ku gaaray baarka sare ee dowladaha dunida Africa iyo Arabta.
Waxaa buugan taariikhda sadka leh ee daadihisay siyaasadii caalanka la soo bandhigay qorgan buugan qoraa Soomaliyeed Cabdicasiis Ibraahim Cali (xildhibaan).
Xafladdi ayaa ku soo gaba-gaboowday xaalad aad iyo aad ay dadkii ay u qiiroodeen qaranimadii Soomaaliya aad iyo aad na murugu oga muujiyay xaaladda uu ku sugan yahay dalkii hooyo.
Warsame, London/UK.
























comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.