Home » News, Waraysi »

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan “Shirkii Nairobi ka dhacay waa mid dano gaar ah laga leeyahay ee ma ahan mid loo dhan yahay” (DHAGEYSI WAREYSI)

Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ayaa isaga oo ku sugan gobalka Gedo waxa uu si kulul uga hadlay shir dhawaan kusoo gaba gaboobay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaa oo ay wada yeesheen Raaskambooni, Azaaniya, Harti Group, Ahlu-sunna iyo xubno ka mid ah dowladda TFG.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkaasi laga leeyahay dano gaar ah, loona wada dhameen, waxaana uu tilmaamay in maamulk dibada lagu soo dhiso aanu noqon doonin mid dhaqan gala.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan waxa uu si kulul u eedeeyay dowladda Kenya oo uu sheegay in dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalada Jubooyinka iyo Gedo ay ka leedahay dano u gaar ah.

Ugu dambeen waxa uu sheegay in dhawaan ay qaban doonaan shir weyne ay ku dhisaayaan maamul gobaleed ka hir gala gobalada Jubooyinka iyo Gedo.

  Halkaan ka dhageyso Wareysiga Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan.

———–
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

21 Jawaabood " Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan “Shirkii Nairobi ka dhacay waa mid dano gaar ah laga leeyahay ee ma ahan mid loo dhan yahay” (DHAGEYSI WAREYSI) "

  1. Maxamuud Sayid waa hoggaamiye waddani ah, laakiin 6-da gobol Marreexaan waa in uu ka shaafiyaa.

    Micno ma leh “kud ka guur oo qanjo u guur.”

    Ma halleey?

  2. Abdi-qaadir says:

    Lixda gobol dan gar ah ayaa laga leeyahay.

  3. XAQSHEEG says:

    ACWW:Xildhibaan ku si fiican ayuu u hadlay laakiin marexan raxanweyn ma hoos tagayaa?halkee marexan u dan ah jubaland iyo konfur galbeed?
    miyaanay haboonayan ragga ehelkiisa ah in uu la hadlo marka hore sababtoo ah axmed maoodbaba dagaal asgoo ku jira ayaa rag cididdiisa ah ma taleene?shariif xasan fakarkiisa gedo kama soconayo xildhibaankana dadkiisa ayu wax ku yahay halka ay rabaan waa inuu u raacaa mana qabo maxamuud sayid in uu wax ku darsan karo nin aaminsan in maxamud sayid dhulka qaxooti ku yahay marka xildhibaanow halkaas marexan uma soco halkaan u badan nahay noo soo raac oo na hogaami adiga

  4. Garbo says:

    Nin aduun joogow maxa aragti ku laaban kuwa u ololeynaya juba land iyo azania waxan umaleynaya wa kuwa anan kawarqabin waxa kasocda gudaha somalia gaar ahan gobalada gedo iyo juboyinka waxana horey loyiri habar fadhida lagdin lafududa!!!k.k.k.k. Bal iskudaya mumul nairobi lagusodhisay inaad keentan gedo kadib waxan isla dawaneyna najitada kadhalata halkas micnaha waxan kalajeda aniga waxan joga garbaharey waxana garbaharey joga ciidama kumanan ah o u horkacaya xildhiban maxamud sayid adan marka anaka hadan nahay shacabka gedo khasatan rer garbaharey waxan tageyreyna mowqifka xildhiban maxamud sayid maxa yelay wa rag diyar u ah in ey difacan gedo inta karanka naga ahna ayaka kutagereyna

  5. Dhoola yare says:

    Xildhibaanka horta waa salaamayaa, waana soo halgamay runtii, laakiin waxaan ila quman aniga xildhibaanku in uusan colaadsan reer tolkii, dadka uu kor xildhibaanku ku soo sheegay oo dhan sharaf bay u hayaan Maxamuud, laakiin laablaab waa jiraa waana wax aan dhaqan u laanahay, marka xildhibaanka waxaan kula talin lahaa in uu arinta meelkale ka abaaro anoo la qaba arinta uu tuhunsan yahay ee ah in wax qaldan yihiin.

  6. Markii horoba wa lagu qaldamay shirkan sababto ah gobolka gedo mamul bu leeyahay haday tala tahay iyo mamul dhisid tahayba.

  7. As wr wb. Marla hore all gedo Iyo reer gedo a WLAN idin salaamay ssallan kadib. Waxaan rabaa in An xildhibaanka. Kula dar darmo in uu ogaado in uu yahay mas uul. Sare. Oo waliba. Aqoon. Yahan ah Marla hadaan. Intaa uga gudbo ra yigayga. Waxaan qabaa shirka nbi ka socda in jaale mareexaan ay matalayaan xubno badan oo ka socda qaybaha ka la duwan ee shirka ka qayb galaya sidaa awgeed wax a xil dhibaanka u muuqda. Waxaan jeclaan lahaa in uu faahfaahin ka bixiyo meeshana uu ka saro looma dhama waayo saraakiil sar sare oo beesha ah Ayaa shirka fadhiya

  8. waxaan halkaan ka salaamayaa xildhibaanka oo runtii aan oronkaro waa mujaahid u soo halgamay dadkiisa iyo dalkiisa runtii muujiyey xilkasnimo waan ugu hambalyeynayaa shaqadiisa wanaagsan ee uu u hayo shacabkiisa.
    hadii uu yahay shirkaan mid dani ugu jirto beesha aniga iima muuqato wax lagu diido ama lagu mucaarado. maanta qof walba oo beesha ka mid ahi wuu garanayaa waxaan ku suganahay yaan saan nahay waxasna anagaa isugu wacan saan boqnaha isu jaraynay dadka kalana noogu qoslayeen waa wax laga xumaado waxaan ugu baaqayaa beesha sade meel walba ay joogaan war waad hurudaane hurdada ka kaca oo dantiina ka tashada oo ha la iska daayo iskala qoqobka iyo shaqsi wax u raadsiga isku duubni baa wax lagu gaaraaye asaagiinwaaa horuu idin katagay war meesha ha laga kaco

  9. QOQAANI says:

    nikan waxalbo oo loo dhso gedo waa ka soo horjeedaa marka dadka dego gedo waa in ay is qataan waa in ka soo horjeedo gedo ay somalia inteeda kale la hanaqado waa nin waalan.

  10. khayrdoon says:

    asc xildhimaanku wuu dadaalay haduu fikirkiisa cabiro, laakiin haba yaraatee ma fikir caqliga fayow qaadan karo, did u eeg xaabsade iyo shariif xasan iyo weliba digil iyo mirif intooda badan aragtidooda ku wajan gedo iyo labada jubbo, markaa xildhibaanku si aragti dheer leh ha uga hadlo dan ummadeed oo guud leh ma aha dan shakhsi oo gaar ah

  11. ARDAY says:

    Aniga rayigeyga xildhibaanka xaq ayuu u leyahay inuu u hadlo beesha sade waayo asaga ayaa shabaab ka saaray gobalka walina ugu jira furunta hore beesha wakiil kama aha nin nairoobi fadhiya ee waxaa matala ninka ka xoreyay cadawga walina ku sugan gudaha dalka waxaana ila quman in ninkaas lagala tashta talada gobalada ee aan la raacin wadadi jabhadaha e fowdada ahaa.

  12. Dhoola yare says:

    Xildhibaanka horta waan salaamaya markale, marka xigta Maxanuud waxaan leeyahay dadka Sade, Daarood iyo Somaali ku abtirsada waa og yihiin waxii wax garanayaa shaqsi qiimaleh qof ahaan in aad tahay, siyaasadana in aad wax badan ku soo jirtay, rool fiicana aad ka ciyaartay oo masuuliyad ku jirto, marka anigu waxaan qabaa in aad wax yar sugto qolooyinkaan aad timaantay, iyadaaba la ogaan meesha ay wax ku furaane.

  13. KKKKK Runtii waxaa kaliya oo aan xaladdan adag oga bixi karnaa anagoo raadina Beelaha Harti ee Jubbooyinka si aan u waynin Xaquuqdeena degaanka Jubbooyinka iyo Geddo …..Isbahaysiga Kenya iyo Absame waa mid culus oo u baahan isbahaysi degaan iyo dhaqaale iyo siyaasadd…..

  14. Ali Yare says:

    Waxaan ku talin lahaa maanta mareexan fursad fiican ayuu ahystaa oo daaroodka kale uu wax kula qabsado, waa in aan walaaleheen ahrti iyo ogaadeen wax la qaybsanna waayo cadkeenna waa noo ogolyihiin, deegaankana waa wada leenahay,, haddise aannu niraahno maanta digil iyo mirifle aan isu dhiibno maxaan ka helaynaa anagga ayeey irsaaqad naga raadinayaan kuwaas, marka kuwaas yaannnan waxbo waqtiga isaga luminin ee ummadaheenna kale aan wax la qaybsanno

  15. waxaan mahad iyo bogaadin usoo jeedinayaa xildhibaan maxamed sayid aadan iyo gudoomiyaha gobolka dedo xaqiiqdii waxay muujiyeen wadani nimo iyo in ay uheelan yihhiin dadkooda iyo deegaankooda waxaan mariixaan kula talinayaa maanta ayeey sharaftiina soo noqotay oo al shabaab ay waxyar uharsanyiin ee ragaan furunta utaagan dadkoda maalina aan kadanaysan wajigooda iyo jirkooda ubadalmay dadkooda iyo dalkooda halagu taageero danta sade

  16. Kan xildhibaanka isku sheegaya waxaan kula talin lahaa in uu ku noqdo Caabud-Waaq. Waa dhamaaday waqtigii mooryaanta reer galguduud sii joogi lahaayeen gobolada Jubbooyinka.

    Jubbooyinka waxaa looga danbayni oo deegaan ahaan ugu badan beesha Absame. Hadda beesha Absame waxaa u jooga ciidamada Azania, iyo kuwa Raas Kambooni oo ahaa ciidamadii edebta u yeelay Barre Hiiraale iyo mooryaantiisii.

    Xagga wadamada deriska ah, waxaana noo jooga Kenya iyo 45 kun oo ah ciidamada Liyuu Booliska ee reer Ogaadeeniya.

  17. Ogle says:

    Ali yare ninka shetow ????? ana tarikhda somalia waxba ka aqon aya tahey, ogaaden aya ???? noga ????? anaga kenya kulaha kenyan ma habartaba ku dhashey adiga ogaden ???? aya tahey waligeyna wan ku ????? adontan marley kismayo i qabten inta ay jogana wan u simanahey kismayo malinki ay ka so baxana habenkei ku hoyan meysid, wad ogtahey iyo ?????? tarikhdi an idin ku dhigey wagi ethopianki ay kismayo ka baxen, meshi wagas an idin ?????? ayad barina idin ?????? yahey ??????. Gormad ????? noqoten waliginba ?????? ayad kenya iyo ethopia u ????, Barre Hiralaha ad shegteyna ????? walina wa joga e kala qax ????? wa so socdaye.
    ———-

    From Allgedo: Akhriste, caydu waa reeban tahay.

  18. Wiil Waamo says:

    waxaan leeyahay qoladan mareexaan fadlan marnaba yuusan qabqable dagaal oo waqtigiisu dhamaaday been idiin sheegin ee wax la qeybsada walaahin Absame isagaa wax idiin ogl hadii kale waxaan idin leeayha y Bada ka caba Absame wuu soo kacay wuuna kacay maanta hadii dhamaan qabiilada soomaalida isku yimaadaan absame waxba kama qaadi karaan cudud iyodhaqaale waadamad deriska ahna way is fahmeen waxaa idinka maqan in xaaladu is bedeshay maanta East africa cidaan absame aheyn waxab laga weydiin maayo waa idinkoo Mareexaan ah oo aad ogtihiin tabartiina iyo taagtiina fadlan Maxamuud Zayid iyo Bare Hiraale oo waqtigooda dhacay haku dabo lugoine ee absame ayey dantiinu ku jirtaa hadii kale sidi dhulbahante Raxan weyn iyo absame kala raace deetana meel dhexe yaan la idinku duban.

  19. gabar gado says:

    talo; ahaan waxaan idin dhahi lahaa horta alshabaab aan gado ka xorayno marka mamul u samysano marka cidaan ku biirayno ka tashano hadaan walaalaha jubooyinka waxa la qabsan karno oo seteed noqon karno iyo hadaan mamulayno meeshana boood boodka waa laga fiican yahay aan la tashano raga dagaalka ku jiro gado

  20. Odey-biiqe says:

    @ Gabadh Gedo, Aad & aad baad u aqli badantahay , gabadh dhalad ah ayaaa tahay. Beesha Sade intaa suu Rageedii maanta Garan la’yahay. Sade ama mareexaan Absame waa walaalo, mana kala maarmaan . Waxna looma diidana mareexaan .marka sidaad sheegtay marka hore ha iska Xoreeyaan nimankan Afka duuban ee isku diriya Sade, ama mareexaan. Marka labaad ha isu yimaadaan, Sade & Absame maamul ay u dhanyihiina ha usamaystaan goboladooda . Madaxwaynaha qaata hadaad rabtaan ama wareegto ha laga dhigo, Dadkan Xamar kasoo jeedo ninkii wax kasugo wuu qaldanyahay. Iyagaa wax noqon lahaa 20,sano. Ayay ku jiraan boob,dhac,kufsi. IWM. Ha sugina kuwaas.

  21. sallaamu caleeyku dhamaan bacdu sallaan waxaan rabaa in aar oraah yar aan halkan ka iraahdo taa oo ah midba midbaa ka horeeysa horta aan xoreeyno gobolka gedo oo idil inta aal gaarin jubooyinka,mida xigta ogaaden iyo inta kale ee jubooyinka nala degta ee soomaalida ahba waa in maamul loo dhanyahay oo xaq ah uu ka hirgalaa goboladan,waa ninka leh dhulbahante noqodaoo dhinba qayb ha raacdo doqon iyo maangaab hadalkii nagu diri maayo dadka aa wallalaaha nahay hadii soomaali xoog wax ku kala cuneeyso 21sano oo waali ah waan soo araganay xageed jirtay mise hadad kooyday,anagu dowlad iyo hanan doon ayaan nahay wixii dantu ku jirto ayaan wax la qaybsaneeynaa oo foowdo dooni mayno cid xaqeena in ay na duudsiiso aan ka yeelaynana ma jiro,marka dadku ayago oo aan iswaalin bal horta aan gobolka gedo howshiisa waxa yar ka dhimantahay aan dhameeyno,wabillahi towfiiq,